Great Day 4 Somalia African Oil To Begin Exploring For Oil

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Somalian_Boqor
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10847
Joined: Thu Feb 15, 2007 2:56 am
Location: Fuck Faroole & His Supporters

Great Day 4 Somalia African Oil To Begin Exploring For Oil

Post by Somalian_Boqor »

Great Day 4 Somalia African Oil To Begin Exploring For Oil in the Land Of Punt! :som: :up:

The Day We Have All been waiting for has come.

Viva Puntland, Long live Somalia.

Image


Image

Image
Puntlands Minister of Patrolum.


Africa oil oo dib u bilaabeysa baarista shidaalka Puntland
8 Dec 8, 2009 - 12:59:34 PM



WARSAXAFADEED


Madaxa Africa Oil oo decument ku wareejinaya Madaxweynaha Puntland
Wafti ka socda shirkada Africa Oil iyo Range Resource ayaa maanta 8 Dec, 2009 booqasho ku yimid magaalo madaxda Puntland ee Garowe kuwaasoo la kulmay Madaxweyne Cabdiraxman Maxamad Maxamud Faraole, xubno ka tirsan golaha Wasiirada iyo Barlamanka.

Xubnahaan booqashada ku yimid Garowe ayaa waxaa hogaaminayey Madaxa shirkadda Africa Oil Keith Hill waxaana la socday Peter Landaul oo isaguna ah CEO Range Resurce.


Madaxa agaasimaha shidaalka & macdanta Puntland & madaxa Africa Oil
Wafitgaan ayaa xafiiska ku booqdey Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Farole kadibna kulan balaaran la qaatey xubnaha Wasiirada iyo Barlamanka kuwaasoo ka tirsanaa guddi horey ula kulmi jirey shirkadahan kadib markii dowladda Puntland amartey in dib u eegis lagu sameeyo heshiisyadii ay la galeen dowladdii hore ee Puntland.

Kulankaan ayaa waxaa warbixin ka bixiyey heerarkii ay soo mareen wadahadalka dowladda iyo shirkadaha shidaalka baarista madaxa hay’ada Ciise Maxamud Dholawaa isaga oo sheegey in la isku soo horfariistey goobo badan wadaxjood loola gol-leeyahay sidii wax looga badali lahaa heshiika ay horey ula galeen dowlada Puntland.


Golayaasha dowladda oo la kulmaya xubnaha Africa Oil
Wadahadalkan dib eegista heshiiska ayaa ka tarjumayey siyasada guud ee dowladda cusub ee Puntland kaas oo diiradda saarayey in shirkadaha shidaalka baara gadaal loo eego heshiisyadoodii iyo waxa ay horey uga qabteen Puntland.

Heshiiska dib loola galey shirkadahaan ayaa madaxa hay’ada shidaalka iyo macdanta Puntland ku soo koobey warbixinta uu ka bixiyey kulankaan qodabadan hoos ku qoran:

1- In waqti, tabar iyo maal loo hurey sidii looga badali lahaa heshiisyada labada dhinac iyada oo ay ku baxdey lacag kor u dhaafeysa ilaa 100,000 USD taas ay qaateen qaareeno caalami ah oo aqoon dheer u leh arrimaha heshiisyada shidaalka.

2- Waxaa meesha laga saarey dhamaan qodobkii ahaa in qolo ama shirkad ay wadanka oo dhan leedahay badd iyo Barri-ba [ Exculisive Rights].

3- In labada block ee harey oo shirkadahaan ka howlgali doonaan [ Dharoor iyo Nugaal Valley] gacanta shacabka ku soo noqdaan halsano gudahood boqolkiiba konton (50%)

4- In ay ka qayb qaadanayaan horumarinta arrimaha bulshada sida caafimadka, waxbarashada iyo nadafada biyaha.

5- In dib loogu wareejiyo dowladda Puntland dhamaan xogtii laga heley dooxada Dharor Valley & baaritaanadii horey looga sameeyey Nugal Valey iyo

6- In amaanka guud ee shirkadahaan gacanta ku hayn doonto dowladda Puntland taas oo horey u qoran jireen dadka ka howlgala howlaha amni sugida.

Kulankaan ayaa waxaa sidoo kale ka hadley madaxa shirkada Africa Oil Keith Hill oo sheegey in ay ka go’antahay dib-u-bilabista howlaha baarista shidaalka isaga oo ku kalsoon in hurumar laga gaari doono islamarkana Puntland ka faa’ido doonto shaqaale iyo khayraad ahaan-ba.

Keith ayaa xusey sidoo kale in hehsiiskaan cusub noqon doono mid wada shaqeyn ah [Partnership] kana duwanaan doono kuwii hore.

Kulankan ayaa waxaa lagu sixixey heshiis ay dowladda Puntland ku ogolaatey in saamiga Africa boqolkiiba 15% u gudbin doonto shirkada cusub oo la yiraadho Lion Energy taasoo ka qayb qaadan doonta qodista shidaalka.

Madaxa hay’adda shidaalka Puntland ayaa sheegey in manta 8 Dec,2009 laga bilaabo aysan jiri doonin wax qarsoon iyada oo wax-kabadalida qodobadaan la horgeyn doono golaha Wasiirada kadibna Barlamanka Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaan sixiixin qaybaha kale ee wax-kabadlida heshiiskaan madaama aysan weli ansaxin golayaasha dowladda halka shirkadda Africa Oil qalinka ku duugtey halkii ay ku leheyd sixiixeeda..

Xafiiska la taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha saxaafada Puntland
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”