Beesha Sanbuur Sh,Isxaaq ee Ceerigabo Suldaan Cusub Doortay

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Beesha Sanbuur Sh,Isxaaq ee Ceerigabo Suldaan Cusub Doortay

Post by LiQaaye_TDH »

9 at 12:21 PM

SuldaanSan3.

Ceerigaabo,(Qarannews)- Munaasibad ballaadhan oo maalintii Arbacadii(maanta) lagu qabtay magaalo-madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo ayna munaasibaddan kasoo qayb galeen Boqorrada, Salaadiinta, Cuqaasha, Guurtida iyo Waxgaradka kale ee dhammaan beelaha deggan gobolka Sanaag iyo weliba madaxda dawladda ee Ceerigaabo ayaa Beesha Ibraahin Sh-Isiciaaq (Sanbuur) waxay halkaas kusoo bandhigeen in ay Suldaanka beeshaas u doorteen Maxamuud Cabdi Axmed (Warqabe), kaas oo noqon doona suldaankii koowaad ee beeshaasi yeelatay.

SuldaanSan2

Dhammaan madax-dhaqameedyadii iyo waxgaradkii reer Sanaag ee halkaas isugu yimid ayaa taageero aad u weyn u fidiyey soona dhoweeyey Suldaan-Maxamuud Cabdi Axmed, iyagoo guurtida iyo waxgaradka beelaha reer Sanaag halkaas ka ballan qaaday in ay la shaqayn doonaan Suldaan-Maxamuud Cabdi Axmed (Warqabe), sidoo kalena beeshiisa waxay uga mahad celiyeen xulashadooda oo ay kula soo bexeen nin u qalmi kara suldaannimada oo xilkeedana qaadi kara in uu yahay Suldaan-Maxamuud Cabdi Axmed (Warqabe), iyagoo ilaahayna uga baryey suldaanka cusub in uu u fududeeyo hawlaha loo igmadey.

Dhinaca kalena Suldaan-Maxamuud Cabdi Axmed (Warqabe), oo ah nin taariikh weyn ku leh guud ahaan Somaliland iyo gaar ahaan gobolka Sanaag ayaa loo soo qaadan karaa in uu yahay aasaasihii 1886-kii magaalada faca weyn leh ee ku taalla xeebta waqooyi ee gobolka Sanaag ee magaceedu yahay Ruguuda, halkaas oo markii danbena Ingiriisku ugu yimid oo sidaasna Ingiriisku ku siiyey milkiyaddii aqoonsiga ee magaaladaas, taas oola filayo in magaalada Ruguuda ay noqon doonto xarunta fadhiisinka u ah suldaankan cusub ee Beesha Ibraahin Sh-Isiciaaq (Sanbuur).
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”