Abudwaq the new capital of Galgadud. Hutus ordered to leave
Posted: Fri Dec 11, 2009 12:47 pm
Shir Balaaran Oo Meel Kasta Layskaga Imaan Doono Oo Ay Ahlusuna Ku Qaban Doono Deg: Caabudwaaq [ War Bixin Xasaasi Ah ].
Maalmaha fooda inagu soo haya ee ku beegan bishan bartankeeda ayaa la sheegey inay degmadda Caabudwaaq uu ka dhici doono shir weyn oo ay yeelan doonaan Ahlusuna Waljameeca,waxaana shirkaasi ka soo qayb gali doona masuuliyii ka tirsan ururkaasi.
Maalmihi la soo dhaafey waxaa degmadda Caabudwaaq laga dareemayay dhaqdhaqaaqyo ay amaanka ku sugayaan Ciidamada Ahlusuna Waljameeca ee degaankaasi ka arrimiya,waxaana la sheegey inay dad aan u dhalan degmadda Caabudwaaq amar ku siyeen inay ka baxaan halkaasi.
Maamulka Ahlusuna ee Degmadda Caabudwaaq ayaa qaadey talaabooyin ay amaanka wax kaga qabanayaan,waxayn dadka aan ku dhalan degmadaasi inay kaga baxaan mudo 7 maalmood ah,waxaana dadkaas ka mid ah RRA-da.
[/b]Sidoo kale waxaa dadka tuugsada ee ka soom jeeda goboladda Bay iyo Bakool iyana lagu amray inay degaankaasi ka baxaan sida ugu dhaqsaha badan,waxaana loo qabtey waqti gaaraya 7 maalmood.
Waxaa magaalada soo buux dhaafiyey ciidamo badan oo ka kala yimi degaamada hoos yimaada gobolka Galgaduud,waxaana la arkeyaa iyagoo gaaf wareegaya wadooyinka magaaladaasi islamarkaasna hubsanaya dadka iyo gaadiidka magaalada dhex mushaaxaya.
Sidoo kale waxaa digniino loo jeediyey dad ka soo jeeda Degmadda Caabudwaaq kuwaasi oo looga baqey inay dhanka amaanka wax u dhimaan,waxaana loo sheegey in fiiro gaar ah loo leeyahay dhaqdhaqaaqooda.
Guud ahaan gaadiidka Degmadda Caabudwaaq ku sugan baa amar laguu siiyey inay fiiqaan Bacda Madow ee beersoolka ah,waxaana lagu wargaliyey cidii aan u dhego fududeydin digniintaas in talaabo laga qaadi doono.
Magaalada Caabudwaaq ayaa lagu soo dhexdaadiyey Ciidamo badan oo Dharcad ah kuwaasi oo dadka degaanku u yaqanaan [ Dhego balaq ] taasi oo loo yaqaano basaas. Waxaana si weyn loo adkeyey xaalada amaanka degmadaasi,waxaana la filayaa inay bishan gudaheeda soo garaan masuuliyiin badan oo ka tirsan Ahlusuna iyo Dawladda Kmg ah.
Ma ogtahay Akhristoow in shirkan ay leeyihiin Ahlusuna waljameeca ay ku baxayso qarash lagu sheegey inuu gaarayo 150,000 kun oo dollarka mareynka ah,waxaana lagu wadaa inuu shirkaasi socdo in mudo ah.
Ugu dambeyntii Masuulka ka tirsan maamulka Magaalada Caabudwaaq oo magaciisa qariyey oo ay warbaahinta Gedonet kula xiriirta khadka telefoonka isagoo ku sugan degmadda Caabudwaaq ayaa noo xaqiijiyey inuu shirkaasi yahay mid loogu tallo galay in looga hadlo xaalada amaan ee Gobolka Galgaduud.
Keynaan Xirsi Xaashi
South Hall,London
Gedonet.com@gmail.com