Ceerigaabo=Shir Lagaga Hadlay Midaynta iyo Horumarinta Sanaa

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Erigavo-Man
Posts: 77
Joined: Wed Apr 08, 2009 3:27 pm
Location: Java

Ceerigaabo=Shir Lagaga Hadlay Midaynta iyo Horumarinta Sanaa

Post by Erigavo-Man »

Ceerigaabo=Shir Lagaga Hadlay Midaynta iyo Horumarinta Sanaag.
Written by Cabdullaahi Xuseen darwiish
Dec 12, 2009 at 01:47 PM

Image



Ceerigaabo,(Qarannews) -Shirkan oo maalintii Sabtida (maanta) lagu qabtay Hoolka Shirarka Xarunta Mahuraan ee magaalada Ceerigaabo ayna kazoo qayb galeen Madax-dhaqameedyada (Boqorro, Salaadiin iyo Cuqaal), Guurtida iyo Waxgaradka, Aqoonyahanka iyo Marti-sharaf badan oo beelaha reer Sanaag ah, sidoo kalena ay goob joog ka ahaayeen shirkan Wasiir-kuxigeenka Caddaaladaa Yuusuf Ciise (Tallaabo), Xildhibaan-Dinnad, Agaasime W/Arrimaha gudaha Aniis Saalax X. Xasan, Madaxda Axsaabta qaranka iyo Madaxda laamaha dawladda ee Ceerigaabo ayaa nuxurkiisu ahaa Aasaaska iyo ujeeddada waxqabad ee Ururka Midaynta iyo Horumarinta Muuse Ismaaciil oo muddo gaaban ka hor ay abuureen madax-dhaqameedyada iyo waxgaradka kale iyo aqoonyahanka beelaha Muuse Ismaaciil, taas oo halkaas laga sheegay inkastoo dhawaaqu cid gaar ah tilmaamayo haddana in ujeeddadu tahay horumarin iyo midayn taas oo lagama maarmaan ah loona baahan yahay cid kastaaba dhinaceeda urur noocan oo kale ah in ay samaysato, kaddibna dallad guud oo midaynta iyo horumarinta Sanaag ah lagu midoobo, islamarkaasna horumarinta iyo midaynta oo cid kastaba danteeda ah halkaas laga sii wado.


Image




Guddoomiyaha Guddida Midaynta iyo Horumarinta Muuse Ismaaciil Siciid C/lle Guuleed oo ugu horrayn halkaas ka hadlaya ayaa isagoo guud ahaan mahad ballaadhan usoo jeediyey madaxda xukuumadda (heer-qaran iyo heer-gobolba), madax-dhaqameedyada iyo guurtida beelaha Sanaag iyo dhammaanba kazoo qayb galayaasha shirkan, sidoo kalena uu faahfaahin ka bixiyey nuxurka iyo ujeeddada loo aasaasay ururkaas uu madaxda ka yahay waxa hadalladiisii kale ka mid ahaa

"Inkastoo magacu tilmaamayo cid gaar ah, haddana ujeeddadayadu waa midaynta iyo horumarinta Sanaag iyo sidii gobollada kale ee dalka aynu ugula tartami lahayn dhinacyada midaysnaanta, wax wada qabsiga horumarka aasaasiga ah, nabadgelyada iwm, waayo haddii xataa qayb innaka mid ahi horumar samayso waa wax inna wada saamaynaya dhammaanteen, taas ayaannuna annagu unkayaal u nahay waxannuna soo jeedinaynaa cid kasta oo reer Sanaag ahi dhinaceeda in ay guddi noocan oo kale ah samaysato, kaddibna guud looga midoobi lahaa oo midaynta iyo horumarinta Sanaag hareeraha laysula qaban lahaa, waxannuna diyaar u nahay oo soo dhowaynaynaa kana qayb qaadanaynaa wax kastoo horumarinta Sanaag ah iyo cid kasta oo rabta ama danaynaysa oo wax ka qabanaysa hawlaha horumarinta gobolka Sanaag".

Aniis Saalax X. Xasan (Agaasime W/Arrimaha gudaha) oo isaguna halkaas hadal kooban ka jeediyey ayaa yidhi

"Aniga iyo guddoomiyaha guddidan midaynta iyo horumarinta (Siciid C/lle Guuleed) isku kalaas ayaannu ahayn aqoon fiicanna waan u leeyahay, nooca guddidan loo soo sameeyeyna waa mid aannu ku qanacsan nahay oo kudayasho innaka mudan reer Sanaag ahaan, markaa reer Sanaagow in khayr innooku jiro anigaa idiin huba'e sow ma taageerno". Waxana dadkii halkaas fadhiyey hal mar wada yidhaadeen HHHAAA!!!.

Taliyaha qaybta boliiska gobolka Sanaag C/risaaq uusuf Maxamuud (Casayr) oo isaguna kulankaas hadal kooban ka jeediyey ayaa yidhi

"Annagu boliis ahaan cid midaynta iyo horumarinta ka shaqaynaysa waxannu u aragnaa ciidan iyo cudud noo soo korodhay oo hawshii aannu hayney nagala shaqaynaysa waannuna soo dhowaynaynaa arrintan".

Wasiirkuxigeenka Caddaaladda Yuusuf Ciise (allaabo) oo isaguna ugu danbayn halkaas ka hadlay ayaa waxa hadalladiisii ka mid ahaa

"Aynu midowno oo horumar samayno iyo yaynaan midoobin oo horumar samayn waxay ila tahay waa iska kala muuqdaanoo waa Aan midowno, cid kastoo midow iyo horumar samaysana waa ku mahadsan yihiin, reer-Sanaag ahaanna waxan leeyahay danteenna ayaa ku jirta waxayna mudan yihiin in wax lala qabto oo laysna kaashado". Isagoo hadalkiisa sii watana Tallaabo wuxu intaas kusii daray

"Waxad mooddaa iyadoo waqtiyo iyo marxalado kala duwan aynu soomarnay oo ay ugu danbaysay muddooyinkan in lagu jirey Afka iigu gur, arrintani waa tallaabadii ugu horraysey ee taas lagaga gudbi lahaa waana wanaagsan tahay oo waa midayn iyo horumarin laakiin waxan leeyahaysidii qolyo hore ee Ngo-yada ahaa ay baarlammaanka ugu galeen ama guryo iyo beero uga samaysteen wixii bulshada loogu dhiibey idinku waxba ha kala hadhinee horumarinta iyo adeegga bulshada qofkii doonayaa waa in uu Dhoobbi u noqdaa, (Ninna dhaqashuu kuugu dhabar jabay Ninna dhuunuu kuu dhex joogaa) taas ayaynu waddankeenna iyo bulshadeenna wax kaga qaban karnaa". "Reer-Sanaagow saddex arrimood haddii aynu ka midowno ayaynu horumarna gaadhi karnaa waana Somalilandnimada, Sanaagnimada, iyo Danta guud, jaamacaddana ha lla taageero, annaguna xukuumad ahaan saddex kulliyadood ayaannu horumar ku samaynaynaa oo kala ah Kulliyadda Beeraha, Waxbarashada iyo Sharciga".

Dhinaca kalena Boqor-Axmed Cali Ducaale, Sudlaan-Cali Yuusuf Cabdi (Cali-case) , Suldaan-Maxamuud Cabdi Axmed (Warqabe), Cuqaasha iyo dhammaan guurtida kale ee beelaha reer-Sanaag iyo Aqoonyahannada kale ee halkaas ka hadlay ayaa iyagoo soo dhoweeyey shirkan iyo arrimaha lagaga hadlayba waxay dhammaantood beelaha kale ee Sanaag ku boorriyeen in ay dhinacyadooda kazoo abuuraan guddiyo la mid ah tan maanta jirta ee kulankan qabatay, si horumarka iyo midaynta looga wada shaqeeyo oo laysagana kaashado, iyagoo sidoo kalena jaaliyadaha Reer-Sanaag ee qurbaha deggan ugu baaqay si hagar la'aan ah in ay taageero buuxda oo wax ku ool ah uga geystaan hawlaha midaynta iyo horumarinta reer-Sanaag ha ahaato kuwan imminka jira ama kuwo kale oo sidan oo kale loosoo abuuro intaba.


Image

Image


Qarannews


Ceerigaabo



http://oodweynenews.com/display_page.ph ... leid=12838



http://www.qarannews.com/index.php?opti ... &Itemid=62
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”