Odeyga Siilaanyo Waa Hasha Geela Cuntee Cabaada, Inuu Doorasho Galena Diyaar Uma Aha” Cismaan Hindi
Waxaanse leeyahay falaadhi gilgilasho kaagama go’do, waxba qiiqa ha isku qarin haddii arrinkaasi maxkamadda aad u gudbisay waxba shacabka ha ku beer laxawsan .....
Hargeysa (GNS)-Guddoomiyaha ololaha doorashada ee xisbiga talada haya ee UDUB, Cismaan C/laahi Cigaal “Cismaan Hindi”, ayaa guddoomiyaha xisbiga Kulmiye, Axmed Siilaanyo, si weyn ugu eedeeyay in uu kaambeyn siyaasadeed ka dhigtay hadalo hore uu ugu jeediyay xisbigooda kuna tilmaamay in kiiskaasi uu maxkamadda ku jiro, isagoo intaa ku daray in hogaanka Kulmiye aanu weligii meel fagaare ah ka cambaareyn ururka Al-Shabaab. Guddoomiye Cismaan Hindi oo xalay wargeyska Haatuf nagu soo booqday isla markaana jawaab ka bixiyay hadalo uu guddoomiyaha Kulmiye doraad kaga soo qaaday xaflad Kulmiye u qabtay dadweyne ku soo biiray, ayaa isaga oo Cismaan Hindi ka hadlaya arrinkaasi waxa uu yidhi:
“horta odeyga guddoomiyaha Kulmiye, Axmed Siilaanyo, waa hasha geela cunta ee hadana cabaada waxad moodaa in uu olole siyaasadeed ka dhigtay markuu fagaarayaasha ka hadlayo argagixisada, iguna soo qaaday aniga, Axmed Siilaanyo hore caado ugumay ahayn loogamana heynin fagaarayaasha uu hadalada ka jeediyo inuu ku dhaleeceeyo ururka Al Shabaab, waa ilaahay mahadii hadduu maanta ogaaday in Al Shabab uu yahay cadowga Somalialnd waxase isweydiin leh ma maantuu ogaaday Al Shabaab inay cadowga Somaliland tahay.
Waxaanse leeyahay falaadhi gilgilasho kaagama go’do, waxba qiiqa ha isku qarin haddii arrinkaasi maxkamadda aad u gudbisay waxba shacabka ha ku beer laxawsan ee sug baan ku leeyahay inta maxkamaddu natiijo ka soo saarto, beryahan dambena odeyga hadaladiisu way is masaxayaan, wuxu dhowaan sheegay in aanay dawladaha Itoobiya iyo Jabuuti arrimaha Somaliland aanay soo faro gelinin hadana hadalkiisii shalay wuxu ku yidhi, waxanu doonaynaa Jabuuti iyo Itoobiya in aanu xidhiidh la yeelano, miyuu ilowsan yahay xidhiidhka hadda ka dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, miyaanuse ogeyn in Itoobiya ay safaarad rasmi ah ku leedahay dalkeena, waxanse u arkaa inuu Siilaanyo uu hoos yimaado idaacadda Horyaal iyo website-ka Somaliland.org ee had iyo jeer laga fadeexadeeyo Itoobiya iyo Jabuuti oo ah saaxiibada Somaliland, waxanse leeyahay Somaliland uma baahna cadow ee waxay u baahan tahay saaxiibo ay kasbato, in uu ereyadaasi laaxinku ku jiro uu fagaarayaasha ka jeediyana ma haboona”.
Cismaan Hindi isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray “Haddii aan ka daacad tahay arrinta aad maxkamada u gudbisay wakhtigeeda hay’adaha sharciga ah ee uu qaabilsana ku kalsoonoow ee waxba fagaarayaasha siyaasada ummada reer Somaliland waxaan jirin oo ah qaranimadii reer Somaliland baa la dhaawacay waxba ha ku ooyin, qaranimada reer Somaliland waxa dhaawacaya ee cadowga kowaada waxa weeye ninka ama siyaasada ka soo horjeeda qaranmada Somaliland oo hadh iyo habeen guda iyo dibadba oo aydaan qarsan inaad leedihiin Somaliland lama aqoonsanayo inta xukuumada maanta joogtaa ay joogto uu madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin iyo Axmed Yuusuf Yaasiin ay joogaan wax kaalmooyna lama siinayo waxa weeyi taasi waa markhaati ma doon.
Waxa ugu weyn muddadii ay jirtay Somaliland qaranimadeedu waxa geed sare iyo geed hooseba aynu u fuulay oo dadaalka ugu badan aynu muujnay sidii ictiraaf aduunyada aynu uga heli lahayn ooay inagaga xidhan yihiin waxa aad iyo aad u faro badan oo aan la soo koobo karayn, waxa hadaba cadowga Somaliland ah oo qaranimada Somaliland dhaawacaya qolooyinka aduunweynaha khalkhalinaya ee been ka sheegaya waxa Somaliland u qabsomay iyo waxa ka jira haday tahay nabad galyada iyo haday tahay horumarka ay Somaliland maanta gaadhay ee aduunkuna ku amaanay ee ay ka mid yihiin doorashooyinkii is daba jooga ahaa ee u dhacay sida xaalaasha ah”.
S: xubnaha aad sheegtay in loo tuhunsan yahay gacan saarka ururka Al Shabaab ee Kulmiye ku jira, magacyadooda ma noo sheegi kartaa?
J: wixii warsaxaafadeedka aan ku sheegay oo dhan anigaa rumeysan, arrimahaasi cadeyntoodana maxkamadda ayaan ka hor cadeyn doonaa, aniguse sida Siilaanyo kiis maxkamadda ku jira kaga hor dhici maayo.
S: Maxaa kugu kalifay in ilaa heerkaasi aad ururka Al Shabaab aad ku soo qaado saaxada siyaasadda?
J: Arrinkaasi hay’adaha garsoorka ee ku shaqada leh ayaan u bandhigi doonaa kiiska maxkamadda ku jirana ka hadalkiisu waa mamnuuc.
S: maadaama arrintan aad ku heysato guddoomiyaha Kulmiye aad adigu hore uga dhawaajisay maxaad uga gubaneysaa haddii uu umadda uga waramo?
J: Mar haddii uu kiiskaasi maxkamadda u gudbiyay iyagay nusqaan ku tahay ku sii miyir beelku
S: Axmed Siilaanyo muu diidin xidhiidhka Itoobiya iyo Jabuuti wuxuse ku taliyay in aan qolana kuwa kale aanay faro gelin ku yeelan, taasi ma qalad baa?
J: Somaliland waa qaran jira, cid faro gelin kartaana ma jirto, maxaase isaga uga sanqadhay ee uu ka shakiyay Itoobiya oo wakhtigan aynu leenahay xidhiidh saaxiibtinimo oo weyn isla markaana Safaarad keentay oo cilaaqaad qadiimi ahina inaga dhexeeyo, markaa garan maayo waxa ka keenay faro gelinta, in uu fagaarayaasha arrimahaa ka sheegana ma fiicna.
S: Ma la odhan karaa taageerayaasha naaneys ay kugu xantaan oo ah cismaan Faqash iyo guul wade, arrintaaas darteed ayaad wakhigan xaadirka ah aad uga gubanaysaa, sideedse u aragtaa kelmadda faqash ee ay kugu xidhiidhiyaan?
J: Horta waxa nasiib darro ah markii aan shalay aan xisbiga Kulmiye ku jiray waxan ahaa Mujaahid Cismaan, markii aan UDUB galay ee aanu ra’yigii siyaasadeed ku kala duwanaaney waxay i yidhaahdeen Cismaan Faqash, aniguna runtii waxan ka soo digo rogtay xisbigaa Kulmiye ee Axmed Siilaanyo ka dhigay tolaay yaa reer hebelaay, oo shir guddoonkii hogaanka xisbigiisuna uu qabiil ku dhisan yahay, waxase isweydiin leh halkuu xeerkii iyo barnaamijkii uu xisbiga Kulmiye lahaa uu ku dambeeyay, waxaana marag ma doon ah markii xukuumaddu ay ka hirgelinaysay diiwaangelinta gobolada Sool, Sanaag bari iyo Buuhoodle ee ay u hurtay maal iyo muruqba, in deeganadaasi ay Somaliland yihiin waxa ka soo yeedhay Axmed Siilaanyo, carruurtayada u diri meyno deegaanadaasi aan amaankoodu sugneyn in diiwaangelin ay ka soo qabtaan, isagoo tilmaan fool xun siinayay caalamka, haddii ciddi faqash tahayna isaga ficiladiisa ayaa faqash u muuqda.
S: Guddoomiyaha Kulmiye muddo dheer ayaad wada shaqeynayseen laguguna tilmaami jiray in si weyn aad isugu dhoweydeen xiligii aad ahayd guddoomiyaha gobolka Maroodi jeex ee Kulmiye, muddadii koobneyd ee aad UDUB ku soo biirtay maxaa keenay in aad colaada intaa le’eg aad u qaado hogaankaagii hore iyo xisbigii aad ka tirsaneyd?
J: Anigu umaan shaqeyn jirin ee waanu wada shaqeyn jiray umana af duubneyn waxaanan isku af garan weynay hogaamintii qaloocneyd ee uu xisbiga ku hogaaminayay oo aan markii dambena ka soo digo rogtay, aniguna wax colaad ah oo aan u qabo xisbigaa Kulmiye iyo hogaankiisa toona ma jiro, ixtiraam baase naga dhexeeya waxanse khaati ka joogaa odeygan Siilaanyo oo isagoo aanan waxba ka sheegin shakhsiyadiisa ee maalin kasta isagu khudbadihiisa fagaarayaasha si gardaro ah iigu soo qaadaya oo ay ugu dambeysay hadalkii uu dorraad igu maagay.
Cisman Hindi "Odeyga Siilanyo Waa Hasha Geela Cuntee Cabaada
Moderator: Moderators
- yawle
- SomaliNetizen

- Posts: 887
- Joined: Sat Nov 17, 2007 5:36 am
- Location: Habaryoonis baan uga dhashay iyo Harunta Waawayn
Re: Cisman Hindi "Odeyga Siilanyo Waa Hasha Geela Cuntee Cabaada
Re: Cisman Hindi "Odeyga Siilanyo Waa Hasha Geela Cuntee Cabaada...
...beryahan dambena odeyga hadaladiisu way is masaxayaan, wuxu dhowaan sheegay in aanay dawladaha Itoobiya iyo Jabuuti arrimaha Somaliland aanay soo faro gelinin hadana hadalkiisii shalay wuxu ku yidhi, waxanu doonaynaa Jabuuti iyo Itoobiya in aanu xidhiidh la yeelano, miyuu ilowsan yahay xidhiidhka hadda ka dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, miyaanuse ogeyn in Itoobiya ay safaarad rasmi ah ku leedahay dalkeena, waxanse u arkaa inuu Siilaanyo uu hoos yimaado idaacadda Horyaal iyo website-ka Somaliland.org ee had iyo jeer laga fadeexadeeyo Itoobiya iyo Jabuuti oo ah saaxiibada Somaliland, waxanse leeyahay Somaliland uma baahna cadow ee waxay u baahan tahay saaxiibo ay kasbato, in uu ereyadaasi laaxinku ku jiro uu fagaarayaasha ka jeediyana ma haboona”.
The delima of the headless chicken politics of Kulmiye's leadership.
...beryahan dambena odeyga hadaladiisu way is masaxayaan, wuxu dhowaan sheegay in aanay dawladaha Itoobiya iyo Jabuuti arrimaha Somaliland aanay soo faro gelinin hadana hadalkiisii shalay wuxu ku yidhi, waxanu doonaynaa Jabuuti iyo Itoobiya in aanu xidhiidh la yeelano, miyuu ilowsan yahay xidhiidhka hadda ka dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, miyaanuse ogeyn in Itoobiya ay safaarad rasmi ah ku leedahay dalkeena, waxanse u arkaa inuu Siilaanyo uu hoos yimaado idaacadda Horyaal iyo website-ka Somaliland.org ee had iyo jeer laga fadeexadeeyo Itoobiya iyo Jabuuti oo ah saaxiibada Somaliland, waxanse leeyahay Somaliland uma baahna cadow ee waxay u baahan tahay saaxiibo ay kasbato, in uu ereyadaasi laaxinku ku jiro uu fagaarayaasha ka jeediyana ma haboona”.
The delima of the headless chicken politics of Kulmiye's leadership.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 2 Replies
- 903 Views
-
Last post by kambuli
-
- 0 Replies
- 431 Views
-
Last post by Somalistan
-
- 3 Replies
- 445 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 2 Replies
- 1619 Views
-
Last post by oldenglish
-
- 7 Replies
- 729 Views
-
Last post by Nubis
-
- 1 Replies
- 198 Views
-
Last post by Hyperactive
-
- 2 Replies
- 1897 Views
-
Last post by GENERAL_SNM
-
- 6 Replies
- 421 Views
-
Last post by zingii
-
- 9 Replies
- 1473 Views
-
Last post by watchmenow