Hargeysa(Ramaas) Dec. 18, 2009 - Taliyaha Ciidanka Ilaallada Xeebaha ee Gobolka Galbeedka Somaliland ee Salal Mr. Cabdi Khayre Dugsiiye, ayaa sheegay inay maanta xeebta degmada Lughaya ee gobolka Awdal lagu qabtay 11 nin oo looga tuhunsan yahay inay ka mid yihiin kooxaha Budhcad badeedka dalka qalalaasuhu ka jiro ee Somalia.
"Waxaanu ku qabanay 11-kan nin iyo Dooni yar oo ay wateen maanta meel u dhow biyaha degmada Lughaya, waxaanay dhammaantood nimankani ka soo jeedaan oo ay u dhasheen Maamul goboleedka Puntland, lamana garanayo socdaalkooda,"Ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka ilaalada Xeebaha ee Gobolka Salal, waxaanu intaasi ku daray "Waxaanu nimankan iyo doonidoodaba aanu u gudbinaynaa Taliska Ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland oo xaruntoodu tahay Magaalada Berbera, halkaasi oo ay ka bilaaban doonto baadhista arrinta nimankan."
Mr. Cabdi Khayre wuxuu tilmaamay in Ciidamada Xeebuhu ay heegan culus ugu jiraan sidii ay Biyaha Somaliland uga dhigi lahaayeen kuwo ka caagan Kooxaha Budhcad Badeeda iyo tahriibka.
Ramaas News Desk
Hargeysa
11 Nin Oo Lagu Tuhunsan Yahay Budhcad Badeed from Puntland
Moderator: Moderators
- Erigavo-Man
- Posts: 77
- Joined: Wed Apr 08, 2009 3:27 pm
- Location: Java
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 296 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 1 Replies
- 1421 Views
-
Last post by barbarossa
-
- 0 Replies
- 574 Views
-
Last post by HaragWafi85
-
- 0 Replies
- 305 Views
-
Last post by Somaliweyn Commando
-
- 5 Replies
- 492 Views
-
Last post by Sbashi
-
- 10 Replies
- 757 Views
-
Last post by theyuusuf143
-
- 0 Replies
- 399 Views
-
Last post by zackabdul
-
- 0 Replies
- 303 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 3 Replies
- 301 Views
-
Last post by halfoshalfom-614
-
- 1 Replies
- 322 Views
-
Last post by Bermooda