Coup Plot against Shariif exposed??

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

xamd
Posts: 83
Joined: Thu Jan 29, 2009 3:10 am

Coup Plot against Shariif exposed??

Post by xamd »

Shirqool lagu afgambin lahaa Madaxweyne Shariif oo Fashil iyo bur bur ku dhammaaday.

Ila wareedyo aad loogu kal soonaan karo ayaa sheegaya in uu fashalmay isku dayo la doonayey in lagu Afgambiyo Madaxweynaha Dawladda ku meel gaarka Shariif Sheikh Axmad .

Wararkan oo laga yaabo in uu goor dhow bannaanka u soo baxo ayaa intaas ku daraya in shirqoolkan lagu Af gambin rabay shariifka ay iska kaa shanayeen dad isugu jira Masuuliyiin iyo saraakiil aamminsan in aan la sugin muddada uga dhiman shariifka sii haynta xilka madaxweynannimada.

Afgambigaan la sheegayo in la la damacsanaa Shariifka ayaan weli dhammaan laakiin waxaa la aamminsan yahay in ay fashalmeen qayba ka mid ah isku dayadaas.

Dadkii iska kaashanayey mu'aamaradaan iyo ula jeeddadii laga lahaa ayaa la sheegayaa in ay isugu jirto dano dhaqaale , iyo kuwa siyaasadeed .

Ragga la aaminsanyahay in ay shirqoolkan iska kaashanayeen ayaa la aamminsanyahay in ay kala joogeen waddama ka mid ah afrikada bari, muqdisho, Gobollada dhexe iyo meela kale, waxaana Afgambiga dhinac socday isku day labaad oo kooxahaasi doonayeen in ay iska hor keenaan Ahlu-Sunna Wal-Jamaaca kuna fashiliyaan shirka uga socda Magaalada Caabud waaq ee Gobolka Gal Guduud.

Arrimaha noocan oo kale ah oo ay sameeyaan dadka damaca waalan ayaa qayb ka ah in aysan caga dhigan arrimaha Soomaaliya oo mar kastoo la soo dhoweeyaba circa isku sii shareerta.

Waxaase Ilaahay mahaddiis ah in ahlu sunna ay tahay mid aad uga foojigan shirqoollada iyada ku wajahan , waxaana sheekhya u ah culamma Ilaahay ku xiran , qofkii Ilaahay tala saartana wuu ku filanyahay.

Akhristoow waxaad na xasuusan doontaa markii aay soo shaac baxaan arrimahaas aan ka hadalnay oo aan horay loo ogeyn..
will this thriller ever come to an end? this is quite interesting...
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”