Breaking news Centralland with Abudwaq as capital
Posted: Mon Dec 21, 2009 11:44 am
Shirkii Culumaa’udiinka Ahlu Sunna uga socday Cabudwaaq oo laga soo saaray go’aano maamulo loogu sameenayo deeganada ay ka arimiyaan Ahlu Sunna.
Shabelle: CABUDWAAQ.
Shirkii Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca uga socday degmada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa laga soo saaray go’aano maamulo loogu sameenayo deeganada ay ka arimiyaan maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobolada dhexe.
Iyadoo wali uu socdo kulankii Ahlu Sunna ay ku la hayeen degmada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa maanta laga soo saaray qodobo dhowr ah kuwaasi oo ku saabsanaa sidii deeganada ay Maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca gacanta kaga hayaan gobolada dhexe loogu sameen lahaa maamulo.
Gudigii ku howlanaa soo dhisida maamulka sharciyadiisa lagu dhawaaqayo oo la fadhiyay maalmahan magaalada Cabudwaaq ayaa waxa Ergadii kulankaasi ka soo qaybgashay qodobadaasi ka hor aqriyay Dr Sharaf kaasi oo sheegay in gudiyadaasi ay ka koobnaan doonaan ilaa 3-qodob oo kala ah gudiga Mudanayaasha oo ka koobnaan doona ilaa 31-xubnood, gudiga Marjaca oo isna ka koobnaan doona 7-xubnood iyo waaliba gudiga fulinta oo isna la sheegay in uu ka koobanyahay 13-xubnood.
Ugu danbeyntii waxaa sharaxaad ka bixiyay kulankaasi oo Shir jaraa’iid saxaafada u qabtay madaxa warfaafinta maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Suna kaasi oo sheegay in maalmahan Shirarkii ka socday degmada Cabudwaaq ee furmay 18-kii bishan laga gaaray hormar sida uu hadalka u dhigay, waxaana uu sheegay qorshaha maanta la soo bandhigay in uu yahay midka salka u noqon doona maamul guud oo la doonayo in loo sameeyo Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca.
Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
Dhageyso wararka 7:00-Fiidnimo Habeen walba adigoo raacaya tilmaamaha Wabseydka.