Thursday, 24 December 2009
Saxaafadda dalkaas, ayaa faafisay maroodiyaashaas oo isugu jira yaryar iyo waaweyn in ay istaageen kadinka hore ee maxkamadda, isla markaana diideen in cid halkaa ka dhaqaajiso, sidoo kalena mamnuuceen in shaqsi qudha galo gudaha maxkamadda amma ka soo baxo.
Markii maroodiyaashani maxkamadda tageen, ayaa la sheegay in laga dareemayey cadho xooggan iyo goolaaftaan weyn, iyagoo ciil dartii qoobabka dhulka la dhacayey, saynta dabadana dhinacyada iskaga garaacayey, sidoo kalena gacankooda dheer hadba gees u wareejinayeen iyagoo cod dheer ku qaylinaya.

Waxa kaloo maroodiyaashani cadhaysan ee ashkatada ah qallibeen, isla markaana burburiyeen mid ka mid ah saddex baabuurta boolisku leeyihiin oo gurigiisa ka soo qaaday mulkiilaha maroodiyaashu ka soo baxsadeen si uu ugu celiyo beer xayawaanka lagu xannaaneeyo oo uu ku leeyahay bariga magaalada Colombo . Waxa kale oo ay dhaawacyo u geysto tiro dad ah oo uu ku jiray maayarka caasimadda Sirilanka.
Mulkiilaha maroodiyaashan gadoodsan oo la yidhaa Mr. Nakazoltraya Butarke waa 49 jir leh beer aad u weyn iyo guryo tiro badan oo uu ka dhaxlay aabbihii, waxa kale oo loo haystaa dacwad ku saabsan dhimashada haweenay uu cunay iyo mid uu dhaawacay shabeel ka mid ah xayawaanka beertiisa lagu xannaaneeyo, arrintaas oo aannu ilaa hadda wax gar iyo garowshiiyo ah toona ka bixin.
Sidoo kale, Mr. Nakazoltraya Butarke laftiisa ayaa ku guuldarraystay inuu maxkamadda ka hor dhaqaajiyo xayawaanka cadhaysan, kadib markii isagoo maxbuus ah dawladdu ku amartay inuu kala diro maroodiyaashiisa maxkamadda qabsaday ee loo maaro waayey, arrintaas oo keentay in muddo 60 saacadood ka badan garsoorayaashii iyo shaqaalihii garsoorku xayirnaadaan gudaha maxkamadda.
Haseyeeshee, xaaska mulkiilaha beerta maroodiyaashaasi ka soo cadhoodeen, ayaa ugu dambayntii ku guulaysatay in ay meesha ka dhaqaaqaan oo kala dareerisay raxanta maroodiga ah ee ashkatoonayey, halka ninkeediina loo dhaadhiciyey xabsi ku yaal magaalada Colombo .
Dhacdadan la yaabka leh, waxa xiisaha hadal-haynteeda xammaasad u sii yeelay, markii maroodiyaashi caadi ka dhigteen in ay subax walba tagaan maxkamadda iyo mid ka mid ah saldhigyada bilayska, muddo kooban kadibna xeradooda isaga noqdaan.
