Page 1 of 1

Dolow (Gedo) iyo Abudwaq (Galgadud)

Posted: Mon Jan 04, 2010 6:11 am
by CoolPoisons
Two cities oo xarun u noqoneyso maamul goboleedyo balaaran.

Shirweynaha Abudwaq ka socdo's gonna create maamul goboleed Bartamaha State oo kala ah Hiran, Galgadud iyo Mudug. Caasimadiisa waxay noqoneysa Abudwaq.

Shirweynaha Dolow ka socdo's gonna create maamul goboleed KonfurGalbed oo kala ah, Gedo, Jubada Dhexe, Jubada Hose, Bay, Bakool iyo Shabelada Hose. Caasimadiisa waxay noqoneysa Kismayo

Here's war saxafeed from Guddiga KonfurGalbed

qoraal laga soo saaray maamul Goboleedka Loo sameeyn rabo gobolada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Warsaxafadeed ay maanta soo saareen saarkiisha dowlada KMG e Soomaaliya oo malmahaani kulan uu kaga socday degmada Doloow Soomaaliya ayaa waxa ay ku soo bandhigeen qaabka ay u doonayeen maamulka goboleedka ay u sameeyn rabaan gobolada koonfureed ee dalka saoomaaliya.

warsaxafadeedka ayaa u qornaa sida tan:
HORUDHAC

Kadib markii shirar goos goos ah iyo wada tashi oo lagu qabtay Degmada doolow soomaaliya , kuna saabsanaa sidii loo dhisi lahaa maamul dowlad gobeleed ah oo isku xira, mideeyana lixda Gobol ee Koonfur Galbeed Soomaaliya kala ah:-

Bay,Bakool, Gedo, Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Shabellada Hoose.

Kadib markii shirarkaas iyo wada tashiyadaas oo bilowday Taarikhda markay ahayd 07/06/2009, ayna ka soo qayb galeen Xildhibaano, Siyaasiyiin, Madaxda maamulada gobolaadaas heer gobol, heer degmo iyo qeybaha kala duwan ee bulshada lixdaas gobol ee aan kor ku soo xusnay.

Kadib markii shirarka looga doodayey xaalada goboladaas ay ku sugan yihiin dhinacyada Siyaasada, Amniga, Daryeelka Bulshada iyo Horumarinta Dhaqaalaha.

Kadib dood dheer iyo falanqayn xaaladaha goboladaas Koonfur Galbeed Soomaaliya ay ku sugan yihiin iyo baahida loo qabo in loo helo Nabad, Iskaashi, Wadashaqayn Bulshadeed, Dibu dhis iyo Horumarin dhinac walbo leh oo socatay kudhawaad mudo lix bilood ah ayuu shirku isku raacay in ladhiso Guddi Wada Tashi iyo Qaban – qaabo oo ka tarjumaya rabitaanka dhamaan beelaha lixda (6) gobol ayna kuwada dhan yihiin wakiilada matalaya bulshada wada degan Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kadib markii shirarkaas laysku afgartay in guddigu noqdo,
midka soo jeedinayo qaab abaabuleedka ee la xiriira samaynta maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ka tala qaadanayo marjacna ay u yihiin xubanaha aasasayaasha ee hirgelinta mashruuca la xiriira dhismaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kadib shirarku waxay isku raaceen in guddiga Wadatashiga iyo Qaban qaabada Koonfur Galbeed aysan kama mid noqon xubnaha baarlamaanka, howlwadeenada hay’addaha Dowlada iyo madaxda maamulada gobolada iyo degmooyinka haatan ka jira Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Shirkarka wada tashiga ee guddigu waxay dhamaan soo jeediyeen in Himilooyinka, qaabdhismeedka, iyo waajibaadka la xiriira meelmarinta hindisaha ku saabsan hirgelinta mashruuca kan ay noqdaan sida soo socota:-

Magaca Guddiga: Guddiga Wadatashiga iyo Qaban qabaabada ee Koonfur Galbeed Soomaalya.

Xarunta Guddiga: Degmada Doolow Soomaliya, si KMG ah.

Waqtiga Guddiga: Guddiga wuxuu jirayaa ilaa shirweynaha laga qabanayo.

Himilooyinka Guddiga Wadatashiga iyo Qaban- qabaabada ee Koonfur Galbeed Soomaalya, waa sida hoos ku cad:-

In la abaabulo oo la wacyigeliyo Beelaha wada degan lixda gobol ee Koonfur Galbeed Soomaliya.
In la sameeyo shirar iyo kulamo ay ku wada Tashadaan Beelaha wada degan Lixda gobol, si loo abuuro jawi nabadeed oo wada noolaasho fayoobi leh, oo ka dhex abuurma beelaha lixda gobol wada degen.
In lagu dadaalo lana adkeeyo dhinaca sharci iyo ku dhaqanba ku shaqaynta mabda’a iyo xeerarka xukun wanaaga oo cadaadal iyo hufnaan ku dhisan.
In la xoojiyo lagana shaqeeyo deris wanaaga gobolada deriska la ah Koonfur Galbeed iyo dowlad goboladeed-yada kale ee Dalka.
In la abuuro xariir deris wanaag iyo iskaashi oo lala yeesho dowlaha dersika ah, gaar ahaan kuwa ku dhegan Koonfur Galbeed, lagana fogaado wixii keeni karo colaad iyo xasilooni darro.
In la xoojiyo wada shaqaynta lala yeelanayo Beesha Caalamka si isfaham iyo iskaashiba leh.
In laqaban- qaabiyo shirweyne guud (Congress) oo Beelaha lixda gobolee Koonfur Galbeed Wakiiladooda isugu imaanayaan, si loo dhiso dowlad goboleed oo qayb ka ah nidaamka federaalka, kuna salaysan dastuurka dowlada federaalka ee KMG Soomaaliya, iyadoo la dhowrayo siyaadada iyo midnimada Jamhuuriyada Soomaaliya.

Qaabdhismeedka:

Qaab dhismeedka Guddiga Wadatashiga iyo Qaban qabaabada ee Koonfur Galbeed Soomaalya wuxuu noqonayaa sida hoos ku cad:-

A. Guddiga Hoggaaminta:-
B. Guddiyo Howleedyo:-
Guddiga Hogaaminta wuxuu ka koobnaanayaa 5 Shan xubnood oo kala ah.
1. Guddoomiye.
2. Guddoomiye kuxigeen-ka 1-aad
3. Guddoomiye kuxigeen-ka 2-aad
4.Xoghaye guud.
5. Kaaliye Xoghaye guud.

Guddiyo Howleedyada:-

Guddiyo Howleedyada waxay ka koobnaanayaa 16 (lix iyo tobon) xubnood oo kala haynaya xilalka kala ah:-

1. Guddiga Daryeelka Arrimaha Bulshada.
2. Guddiga hurumarinta dhaqaalaha.
3. Guddiga Warfaafinta.
4.Guddiga Dib-uheshiisiinta.

Guddiga qaban qabada iyo wada tashiga waxay soo jeedinayaan magacyada ay ka koob naayayan guddiyo howleedyada si isu miisan oo muujinaysa ka wada qayb galka bulshad dhaq dhaqaaqa koonfur galbeed waxaana go’aan ka gaarayo gudiga hogaaminta



Waajibaadka Guddiga Hogaaminta:-

Guddiga Hoggaaminta waajibaadkiisa waa:-

Ilaalinta, dhowritaanka iyo ku shaqaynta tilamaamaha himilooyinka.
Dejinta istaraatiijiyada guud iyo qorshaha guddiyada ku howl galaayaan ee ka tarjumaya himilooyinka guddiga.
Guddoominta iy isku dubariddka habsami u socodka howlaha arrimaha khuseeya K/Galbeed.
Hagitaanka, hogaaminta guddi howleedyada, isku xirka iyo kormerida guud ee gudashada waajibaadka.
Diyaarinta Ajendeyaasha shirarkiisa iyo isugu yeerista shirarka guddi howleedyada.
Hubinta fulitaanka howlaha guddi howleedyada iyo go’aaamada gudoonku soo saaro.
Guddiga Hoggaaminta waxa uu sigaar ah ugu xilsaaran yahay qorsheynta iyo maareynta arrimaha difaaca, amniga iyo siyaasada dibeda.


Waajibaadka Guddiyo howleedyada:-

Guddiyo Howleedyada waxa ay u xilsaaran yihiin qbashada howl maalmeedka la xariira Qaybaha ay ku kala magacaaban yihiin, si waafaqsan himilada ujeedooyinka guddiga wadatashiga iyo qaban qaabada koonfur galbeed soomaaliya.

Guddiga Wadatashiga iyo Qaban qaabada Koonfur Galbeed waxay yeelanayaan xeer-hoosaadyo u gaar ah.


Magacyada Xubnaha Guddiga:-


injineer Xasan maxamed Abuukar
Prof, maxamed cali xasan (Kaastaro)
Caziiza maxamed nuur
Ambassador cabdi cartan aadan
Mr Mustaf muqtaar guudoow
Mr Ibraahim macallin aadan
Mr c/raxmaan cali gaab
Mr Bile cabdi cabdulle
Mr Maxamed nuur xaaji Faki
Mr Cali xuseen cali

Re: Dolow (Gedo) iyo Abudwaq (Galgadud)

Posted: Mon Jan 04, 2010 6:13 am
by new-york24
:lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :up:

Re: Dolow (Gedo) iyo Abudwaq (Galgadud)

Posted: Mon Jan 04, 2010 6:17 am
by CoolPoisons
new-york24 wrote::lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :up:
^^ waraa new york maad u qoslay ninyaho. After what happend to Ahmed Madobe, ma lagu maqlin

Re: Dolow (Gedo) iyo Abudwaq (Galgadud)

Posted: Mon Jan 04, 2010 6:19 am
by new-york24
axmed madoobe waa la karbaashay wixi soo raacana waa la karbaashi.
bal waran adigu,xaalku xaguu marayaa inadeer.

Re: Dolow (Gedo) iyo Abudwaq (Galgadud)

Posted: Mon Jan 04, 2010 6:20 am
by CoolPoisons
new-york24 wrote:axmed madoobe waa la karbaashay wixi soo raacana waa la karbaashi.
bal waran adigu,xaalku xaguu marayaa inadeer.
oo kaalay ninyaho, ma Shabab ayaad tageersantahay?

Belo

Re: Dolow (Gedo) iyo Abudwaq (Galgadud)

Posted: Mon Jan 04, 2010 6:21 am
by qoraxeey
CoolPoisons wrote:Two cities oo xarun u noqoneyso maamul goboleedyo balaaran.

Shirweynaha Abudwaq ka socdo's gonna create maamul goboleed Bartamaha State oo kala ah Hiran, Galgadud iyo Mudug. Caasimadiisa waxay noqoneysa Abudwaq.
Shirweynaha Dolow ka socdo's gonna create maamul goboleed KonfurGalbed oo kala ah, Gedo, Jubada Dhexe, Jubada Hose, Bay, Bakool iyo Shabelada Hose. Caasimadiisa waxay noqoneysa Kismayo
Coolpoisons , my brother from abudwaq :) .. your posts always makes me happy . this forum is full of sad news most of the time

Good days are here for the people of abudwaaq iyo nearing places :lol:

Re: Dolow (Gedo) iyo Abudwaq (Galgadud)

Posted: Mon Jan 04, 2010 6:22 am
by new-york24
Ma ambad baa tahay coolpoison,waa maxay sua'shaa?
ninyahoow sufyiinta timaha weyn eed ku aruurisay cabudwaaq waa la jiiri mar dhow insha allah :lol:

Re: Dolow (Gedo) iyo Abudwaq (Galgadud)

Posted: Mon Jan 04, 2010 6:52 am
by hanqadh
Koonfur Galbeed :lol: :lol: :lol: :lol:

Ridiculuous...ninkan Coolpoison beleives in anything :lol:

Re: Dolow (Gedo) iyo Abudwaq (Galgadud)

Posted: Mon Jan 04, 2010 7:40 am
by snoop12
why should Cabudwaaq be the Magaalo Madax of the waste land called middle Somalia, do they intend to turn all eyes on us and forever destroy the peace we enjoy in Cabudwaaq?

i always knew this group was mad Sufis but they are now showing that they are clearly more concerned with protecting a cemetery full of dead than a city full of living people, hence why they want us all to die.

you can spot something is wrong with this group because its too politicalized, WHAT THE F was the lame meeting suppose to do? when the group started involving themselves in unnecesary military offensive, WHAT THE F was the war in Dhusamareb suppose to do.

Image

Re: Dolow (Gedo) iyo Abudwaq (Galgadud)

Posted: Mon Jan 04, 2010 7:48 am
by Voltage
:lol: :lol: :lol:

Re: Dolow (Gedo) iyo Abudwaq (Galgadud)

Posted: Mon Jan 04, 2010 8:13 am
by CoolPoisons
snoop Shegato :arrow:

qoraxeeley waan ku salaamay

hanqadh halgankii Somali Galbed ka waran

Re: Dolow (Gedo) iyo Abudwaq (Galgadud)

Posted: Mon Jan 04, 2010 9:14 am
by qoraxeey
CoolPoisons wrote:snoop Shegato :arrow:

qoraxeeley waan ku salaamay

hanqadh halgankii Somali Galbed ka waran
salanta wan ka qadey, brother

I dont understand why people who have nothing to do with cabudwaq are so anti-progress for this area , dadkaa manta kuliyood waxey noqdeen xasidiin. If i hear good new of gedo,xamar or kismayo , i would be happy for them , not write negativ comments :D

Re: Dolow (Gedo) iyo Abudwaq (Galgadud)

Posted: Mon Jan 04, 2010 9:24 am
by snoop12
:lol:

this is no joke, Rer Siyaad Hussen used to be stoned by the village kids because they were black Saleebaan lookalikes :lol:

Re: Dolow (Gedo) iyo Abudwaq (Galgadud)

Posted: Mon Jan 04, 2010 8:53 pm
by grandpakhalif
snoop12 wrote::lol:

this is no joke, Rer Siyaad Hussen used to be stoned by the village kids because they were black Saleebaan lookalikes :lol:
that was a cheap shot man :|