
Waxaa baryahan idaacadaha iyo wargaysyada adduunku ka hadlayeen sharaf darradii ku dhacday shacbiga soomaaliyeed ee ku nool carriga Kenaya siiba qaxootiga soomaaliyeed ee deggan xaafadda Somalidu tiraahdo islay magaceeda dhabta ahna yahay Eastleigh ee Niarobi ku taalla ,halkaasoo la yiri waxaa lagu qabqabtay in ka badan illaa 300 oo qof asal ahaanna ka soo jeeda ummadda Soomaliya.dadkaas waxaa ka mid ahaa dagaal ogayaashii koonfurta soomaliyeed ,sida ninkii labaaxa ka ahaan jiray xamar waa Generaal Galaal eh asagoo markuu idaacaaha adduunka ka hadalay noqday bisad la qabtayy ama digaagad gabal u dhacay ama roob ku da'ay,idaacacadda markuu ka ka hadlay waxuu muujinayey calaacal badan iyo qosol naxdin leh oo la moodo argagax ama qosol gariir ,
G.Galaal.oo ka qayb qaatay dhamaan burburkii wixii dawladdii Cabdirashiid ka dambeeyey all haw naxariistii , sida dawladdii Siyaad Barre ,Cabdi qaasim,Cabdullah yuusuf,tan shiikh shariifna aysan isku wanaagsanayn illeen waa danaystee.
11 wasiir ayaa lagu xidhay Nairobi dhamaantoodna waxay idaacadaha adduunka ka sheegeen inay halkaas fasax u joogeen ,ama dalxiis,sidee bay dalxiis ama hollyday ugu bixi karaan dhulkii ay maskaxda ka ahaayeen oo gubanaya haddaan munaafaqadi ku jirin ?
Bal hadaba galaal wa kuma ?
Waa nin dagaal ooge ah waa nin ka mida shaqsiyaadikii burburka Soomaliya
waa ninkii ku yiri 93dii ugaaska dadka loo yaqaanno Barawaaniyiinta ee dega Barawe markay cabasho kufsi ka wada hadleen Hadalkan hoos ku xusan :
Wiilashayada madmadow mudug bey ka yimaadeen
Waligoodna geel mooye gabrro cadcad maysan arag
Aniguna u diidi maaÿo!!!
Ee dadku waa dhallin yaree isu daa haddii kale adaa lagu tashan.
Generaalkeennu waa ninkii alle ifka hawgu naxariistee yiri habargidir geel bay dhaqan jirtay,canbe iyo moos ayaa dho dho soo yiri oo majeerteen iyo abgaal u qarsoonayd,markaannu afgooye qabsanay
Genral galaal waxaa uu soo gubay dalkiisi iyo dadkiisi,dal shisheeyo haddiii lagu xidho maha nin walaalahayaga habar gidir ama hawiye ama somali matala.kenyana xaq bay u leedahay inay xidho oo waliba maxkamad calamiy u gudbiso asaga iyo dhigiisaba.waxaanna leeyahay :
Qosol gariirkii General galaal ma aha gabal dhicii reer islay
Shacab masaakiina ayaa markale victime u noqday asaga iyo kuwa la midka ah ee nairobi raba inay ka faafiyaan cudurada ka dilaacay dhulkii uu soo burburiyey.
Galaal markii laga waraystay Xabsiga nairobi idaacadaha voa iyo bbc waxaa uu yiri anoo guntiina qabba iyo dacas baa lay kaxastay.laakiin genaraku wuxuu doondoonayey inoo yiraahddo macawis ama run ahaan googarad labadaasa isku dhawe.
Genaral Galaal iyo kuwa lamada mida waxay khatar ku yihiin masaakiint soomaaliyeed ee daggan qurbaha sida Kenya oo kale.
Genaraalka markkii xabsiga Sawaxiligu ka soo daysay raalle ahaw layma oran buu yiri why ?
18 saacadood baa la haystay why ?
Anaa ka jawaabaya su’aashaas ,somalidu waxay ku maahmaahda kitaab gurigiisi loo diiday sayax alla baday,Generaal Galaal ha ogaado nin walaalihi iyo waddankiisi soo goobay inaan ninna aminayn,axadkan shacabkii uu masuulka ka ahaa waxna uu usoo bartay markuu xasuuqayey ma yiri marra raalli ahaada ? su’ashu waa maya siyaasi aan waddankiisa sharaf ku lahayn dal kale xiiso uma hayo,askari qaranimo wax loo soo baray oo qabiilayste noqday meella qiimo kuma yeesho.
