Garaad Jaamac “…Soomaliland baa kusoo duushay gogoshii shirkii Hol Hol…” (Dhageyso Wareysi)
January 25, 2010Garaadka Guud ee Beesha ssc ee Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa Wareysi khaas ah oo uu siiyey Horseed Media uga waramay dib u dhacii ku yimid shirkii lagu waday inuu ka dhaco deegaanka Hol Hol ee gobalka Sool.
Garaad Jaamac ayaa sheegay in xiligan uu ku sugan yahay Saaxdheer halkaas oo uu shalay gaaray, kadib markii uu ka ambabaxay magaalada Garowe.
Dhegayso Wareysigii Garaad Jaamac
Garaadka ayaa sheegay inuusan gaarin Hol Hol oo uu sheegay inay shalay ka warheleen in ay gogoshii shirka ku duuleen ciidamo ka socday Soomaliland oo ka baxay Laascaanood. Garaad Jaamac ayaa sheegay in Issimadii asaga ka horeeyey oo aan ka warqabin weerarka ciidamada Soomaliland ee tagay Hol Hol ay halkaasi hada ku xaniban yihiin.
Wuxuuna sheegay Garaadka in ciidamada Soomaaliland ay halkaasi kusoo duuleen, asagoo ka digay in wax dhibaato ah loo geysto Issimada halkaasi ku sugan.
“…waanu ka digaynaa in wax dhib ah loo geysto Issimada ku sugan Hol Hol, haday dhacdona cawaaqib xumo ayaa ka imaaneysa…” ayuu yiri Garaad Jaamac oo khadka talefonka ugu waramayey Horseed Media.
Garaad Jaamac oo ka hadlay qorshahooda hada ayaa sheegay in ay ahmiyada hada tahay issimada ku sugan Hol Hol inay halkaasi si nabad ah uga soo baxaan.
Garaad Jaamac ayaa sheegay in shirkii Hol Hol in loogu talo galay oday dhaqameedka beesha ssc looguna talo galay in go’aamadii kasoo baxay shirkii Horseed ee ka dhacay Nairobi loogu gudbin lahaa dadkii aan nasiibka u yeelan inay ka qeyb galaan. Asagoo sheegay in shirkan uu qorshihiisa ahaa in lagu kala qeybsado hawsha iyo fulinta go’aamadii laga soo saaray shirkii Nairobi, loona taageeri lahaa hogaankii loo doortay inuu wax ka qabto xaalada ka taagan Laascaanood.
Garaad Jaamac ayaa sheegay in shirkaasi iyo iswareysigan uusan suurto gal noqon inuu dhaco maadaama aysan issimada halkaasi joogay aysan xoriyadooda helin oo ay halkaasi tageen ciidamada Soomaaliland.
Horseed Media
Tags: Garaad Jamac, hol hol, Laascaanood
Garaad jamac garaad cali we are occupied By somaliland
Moderator: Moderators
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
- sheekh-Farax-zero
- SomaliNet Super
- Posts: 7590
- Joined: Sat Apr 05, 2008 9:04 am
- Location: pppppppp
Re: Garaad jamac garaad cali we are occupied By somaliland
way duushay soo maha?
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 6 Replies
- 958 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 12 Replies
- 1058 Views
-
Last post by Rightwing
-
- 6 Replies
- 748 Views
-
Last post by LaY-D_LicK
-
- 14 Replies
- 86 Views
-
Last post by suga_delic
-
- 16 Replies
- 3856 Views
-
Last post by abdalla11
-
- 1 Replies
- 1012 Views
-
Last post by Ismail87
-
- 18 Replies
- 2049 Views
-
Last post by Ismail87
-
- 0 Replies
- 601 Views
-
Last post by sheekh-Farax-zero
-
- 28 Replies
- 5067 Views
-
Last post by CrooKed-I
-
- 0 Replies
- 373 Views
-
Last post by Adan_1