Ciidamo Ethiopian ah oo galbinaya Ciidamo ka tirsan dowlada
Posted: Sun Feb 07, 2010 8:08 am
Ciidamo Ethiopian ah oo galbinaya Ciidamo ka tirsan dowlada KMG ee Soomaaliya oo maanta soo gaaray degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool.
Posted: 2/7/2010 2:14:00 PM
Shabelle: CEELBARDE
Wararka ka imaanaya gudaha degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool ayaa waxaa ay sheegeeyaan in halkaasi ay soo gaareen saraakiil iyo ciidamo ka tirsan dowladda Ethiopia oo aan la ogeyn ilaa iyo hadda ujeedka rasmiga ee halkaasi ay u soo gaareen.
Xariiro kala duwan oo aan la sameynay dadka ku dhaqan degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool ayaa xaqiijinaya imaatanka ciidamadaasi iyadoona la sheegayo in saraakiisha iyo ciidamada Ethiopianka ee la socda ay halkaasi keenayeen Ciidamo ka tirsan dowladda KMG ee Soomaaliya oo bilihii ugu dambeeyay lagu tababarayay deegaano ka tirsan dhulka Soomaalida ee Ethiopia ay Maamusho.
Mid ka mid ah dadka deegaanka oo Shabelle Xariir ay la sameysay ayaa waxaa uu sheegay in ay jiraan imaatinka ciidamadaasi isagoona goobjoogahaasi sidoo kale xaqiijiyay imaatinka Ciidamo ka tirsan dowladda KMG ee Soomaaliya oo ay soo tababareen ciidamada Ethiopia.
Sidoo kale dadka ku dhaqanka degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool waxaa ay sheegeen in degmada ay ka jirto cabsi xoogan taasoo keentay imaatinka ciidamada Isugu jira Soomaalida iyo kuwa Ethiopianka iyadoona warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in ciidamada Ethiopianka gudaha degmadaasi ay ka qab qabteen dhalinyaro la sheegay in ay reer deegaanka ahaayeen.
Si kastaba ha ahaatee imaatanka ciidamadaan Ethiopianka iyo kuwa Soomaalida ee degmada Ceelbarde Maanta gaaray ayaa waxaa uu imaanayaa xili dhawaan gudoomiyihii hore gobolka Banaadir C/fitaax Geeseey uu ku hanjabay in ay dib ula wareegi doonaan gobolada koofurta Soomaaliya oo badankooda ay ka arimiyaan Xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab lamana oga ciidamadaasi Ethiopianka in ay ku sii nagaan doonaan degmadaasi iyo in kale.
Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
Dhageeyso Wararka 1:30-duhurnimo Maalin waliba adigoo raacaya tilmaamaha Wabseydka.
Shabelle Media Network - Source of Somalia News