Beesha Hyoonis burco oo jawaabkaa bixisay hadalkii Siilaanyo

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Bohol iyo karaman
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1060
Joined: Sat Dec 03, 2005 12:37 pm
Location: Is'argoof> Inta Sacad Yoonis dhaqaan yahay Sidaan falaaba ii furan

Beesha Hyoonis burco oo jawaabkaa bixisay hadalkii Siilaanyo

Post by Bohol iyo karaman »

Cuqaasha Iyo Waxgaradka Beelaha Galbeedka Burco oo Jawaab Ka Bixiyay Hadalkii Siilanyo ee Somaliweyn
Tuesday, 09 February 2010
Hargeysa (Somalilandnation)-Cuqaasha gudiyada iyo Odayasha Beelaha Galbeedka Burco, ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadal uu dhowaan Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Axmed Siilaanyo ka sii daayey idaacada VOA-da, kaasi oo uu ku sheegay in uu markii hore aaminsanaa nidaamka Federaalka, balse uu dhaafi kari waayey shacbiga Somaliland.

Kulan balaadhan oo oo ay Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer ku yeesheen Odayaasha dhaqanku, waxa ay ka soo saareen baaq wada jir ah, waxa ay ku hanjabeen inay jawaab cad ka bixin doonaan cid kasta oo reer Somaliland ah oo isku dayda inay la timaado nidaamka Federaalka.

Cuqaashaasoo oo tiradaadu gaadhaysay afartaneeyo, waxa kale, oo ay carabka ku dhifteen in hadiii Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE uu mar dambe ku celiyo hadalkii uu ka sheegay Idaacada VOA-da ka bixin doonaan jawaab cad.

Geesta kale, waxa Cuqaashaasi ay soo qaateen dhawaqii kan la midka ahaa ee Guddoomihii Ururkii SNM Marxuun Cabdiraxmaan Tuur uu ka sheegay Magaaada Adis Ababa ee dalka Itoobiya, kaasoo ay carabka ku dhifteen in shacbiga reer Somaliland ka wada dheregsan yihiin waxyeeladii ka dhalatay.

"Waxaanu maqalnay dad Somaliland ka mid ah oo arrimo taxane ah oo soo jirey oo dhibaato badani ka dhacday ka hadlay oo Federaalka ah.

Nin Beelaha Galbeedka Burco ee Habar Yoonis ka mid ah oo beri Itoobiya ka yidhi Federaal, ayaa kelmedaa dagaal ka dhacay markuu yidhi oo Kun Nin nagaga dhimatay.

Tiibaa maanta nala hor marmarinyaa cid kasta oo reer Somalinad ah ka mid ah ee kelmadaa hortyada soo Marisa, waxay ka hesho ayay leedahay, waana lama taabtaan kelmadaasi. Arrinkaa cidii aanu ka maqlno waa jeebkeeda indhahana ka qarsan mayno." Sidaa waxa yidhi mid ka mid Odayaashii kulankaa ka hadlay.

Caaqil Cali Kediye, oo isaguna ka mid ahaa dadkii halkaa ka hadlay, waxa uu yidhi: "Hadalkani ka soo yeedhay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Axmed Siilaanyo, waxaanu leenahay qofka Somlailand iminka dhaqdhaqaajinya guul daro ayuu ka mudan doonaa, waayo waxaynu isku ogeyn Somaliland waa muqadas, qofka yidhaahda Somaliland ayaan meel kale ka shuqashuqaynayaa, waxba ka heli mayo Axmed Siilaanyo waxaan leeyahay siyaasi weyn baad ahayd in aad siyaasada ku guul daraysatana waa nasiib daro.

Somaliland halkay maanta maraysana Axmed Siilaanyo cidina ka aqbali mayso, haddii aad Al-shabaab ku biirto iyo hadaad Yuhuuda gashaba midna waxba ku heli maysid."

Chief Caaqil Maxamed Col-u-joog, oo isaguna arinta Federaalka ee ka soo yeedhay Axmed Siilaanyo, waxa uu yidhi: "Waxaan doonayaa in aan wax yar ka hadlo arrinka aynu maanta halkan isgu nimi ee la sheegay inuu ka soo yeedhay Axmed Siilaanyo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee Federaalka ku saabsan. Waxaan leeyahay Axmedow Federaal meesha ma yaal ee waxa haboon in aad iimaansato Somaliland Madaxweyne ayaad u sharaxan tahay ee jagadaada iimaanso."

Ugu danbayntii waxa ka mid ahaa dadkii kulankaa ka hadlay Maxamed Cabdulaahi Axmed, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa. "Marka hore waxaan salaamayaa Odayaasha halkan isugu yimi ee ka damqaday arinta ka soo baxday Axmed Siilaanyo.

Waxa kale, oo aan hambalyaaynyaa jiritaanka Somaliland oo aan ku ducaynyo in ilaahay sii adkeeyo.

Waxaan ka damqaday doc-wareenka Siilaanyo wado, isagoo maanta Madaxweyne u sharaxan inuu hadana doonayo inuu doonida kolba meel ka dalooliyo, waa mid isaga ku ceeb ah arinta Siilaanyo ka hadlayna waa mid na xasuusinaysa hoogi iyo ba'ii la soo maraya. Haddiise uu moodayo Tobanka ka danbeeya inay taageeri doonaan ama Madaxtinimo u sharaxi doonaan, taa waxaanu leenahay naftiisa ayuu been u sheegay."



source: Wargeyska Yool
User avatar
GENERAL_SNM
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9757
Joined: Fri Jul 13, 2007 1:32 pm
Location: ''Nimankii Maroodiga ahaa mudanki reer Daahir''

Re: Beesha Hyoonis burco oo jawaabkaa bixisay hadalkii Siilaanyo

Post by GENERAL_SNM »

We cant hear you.
lali99
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1575
Joined: Sat Feb 21, 2009 9:10 pm

Re: Beesha Hyoonis burco oo jawaabkaa bixisay hadalkii Siilaanyo

Post by lali99 »

Bohol iyo karaman wrote:Tiibaa maanta nala hor marmarinyaa cid kasta oo reer Somalinad ah ka mid ah ee kelmadaa hortyada soo Marisa, waxay ka hesho ayay leedahay, waana lama taabtaan kelmadaasi

Thats just how i feel

SL :up: :sland:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”