Page 1 of 1

Heavy clash between tfg army & police

Posted: Wed Feb 10, 2010 8:19 am
by AhlulbaytSoldier
Dagaal dhexmaray ciidamo booliis iyo Mileteri ah oo ka wada tirsan Dowladda Soomaaliya oo Muqdisho ka dhacay

Arbaco 10, Feb, 2010 (HOL) Dagaal u dhexeeyay ciidamada kawada tirsan Dowladda Soomaaliya oo ka dhacay Iskool Bolisiyo ayaa sababay inay dhintaan ugu yaraan 3-askari, ayna ku dhaawacmeen saddex kale.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalku uu bilowday markii labada ciidan ay isku afgaran waayeen muran u dhexeeyay oo ku saabsanaa qori laga soo dhacay ciidamo Milateri ah oo saldhig ku leh degmada Madiina.

Ciidamada dhaca geystay oo la sheegay inay Booliis ahaayeen oo ku sugnaa Iskool Bolisiyo ayaa waxay diideen inay bixiyaan qoriga, taasoo keentay inuu dhexmaro dagaal, waxaana saddex qof ee dhintay ay dhamaantood ahaayeen ciidamadii dagaaalku u dhexeeyay.

Dagaalka ayaa waxaa joogay saraakiil ka tirsan Booliiska iyo Milateriga iyadoo labadii ciidan ee dagaalku dhexmaray la kala qaaday, inkastoo ciidamada Dowladdu ay ka gaabsadeen inay tafaasiil ka bixiyaan dagaalka ciidamada dhexmaray.

Shacabka ku nool xaafadaha ku dhow halka uu dagaalku ka dhacay ayaa sheegay in hal qof oo rayid ah uu dhaawac fudud kasoo gaaray dagaalkii maanta dhexmaray ciidamada, ayna cabsi xooggan dareemeen.

Dagaalkan iyo kuwo ka horeeyay oo dhexmaray ciidamada Dowladda ayaa imaanaya xilli ay dowladdu sheegtay inay wax ka badashay hab-dhaqanka ciidamada ayna siisay tababarro iyo inay si wanaagsan iskula dhaqmaan


Happens every month. Its becoming tradition.

Re: Heavy clash between tfg army & police

Posted: Wed Feb 10, 2010 8:22 am
by RuralMan08
Same old story

Different day

Re: Heavy clash between tfg army & police

Posted: Wed Feb 10, 2010 8:23 am
by AhlulbaytSoldier
Indeeed :down:

Re: Heavy clash between tfg army & police

Posted: Wed Feb 10, 2010 8:25 am
by RuralMan08
When are the people going to say enough is enough and start a meaningful life for their citizens?