Page 1 of 1

israel Waxay Diyaar U Tahay Inay Aqoonsato Somaliland, Balse

Posted: Thu Feb 11, 2010 5:16 am
by Keyse_0208
Emperior, so what you was saying was eventually true..

:shock: :shock:
"Israel Waxay Diyaar U Tahay Inay Aqoonsato Somaliland, Balse Xidhiidh Kama Hayno Madaxda Somaliland" Madaxa Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israel Ee Afr
(Hadhwanaagnews) Thursday, February 11, 2010


Wergeyska ka soo baxa magaalada Televiv ee xarunta dalka Israel ee lagu magacaabo Haartz Daily ayaa wuxuu cadadkiisii shallay boggiisa hore ku daabacay maqaal dheer oo ugu magac darray "Israel waxay diyaar u tahay inay aqoonsato Somaliland oo ay hore u aqoonsatay 1960-kii, laakiin wax xidhiidh ah Israel kama ay helin dawladda Somaliland

Wergeyska Haartz Daily oo soo xiganaya sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Israel oo lagu magacaabo Yigal Palmore oo qaabilsan xidhiidhka Israel ee dalalka afrika ayaa wuxuu si qoto dheer uga waramay xidhiidhka ay Israel la leedahay dalalka geeska afrika, wuxuu si qoto dheer uga hadlay in ay Israel xidhiidh ganacsi, dhaqan iyo dhaqaale oo soke la leedahay dalka Ethiopia oo uu sheegay inay ku dhaqanyahiin wakhtigani dad badan oo aaminsan diinta yuhuudda.

Saraakalka wasaaradda arrimaha dibadda ee Israel Mr. Yigal Palmore wuxuu sidoo kale ka hadlay in xidhiidhka diblomaasiyadeed ee dalkiisu la leeyahay dalalka Tanzania, Yuganda iyo xita Jibouti uu yahay mid jira, wuxuuna taabtay inay jiraan xidhiidho toos ah iyo qaar dadban oo dalkiisu la leeyahay dalalka geeska afrika.

Mr. Yigal wuxuu si qoto dheer uga hadlay mar la weydiiyey arrinta Soomaalida in ay jirto khatar weyn oo ay u arkaan inay ka soo baxayso dalka Soomaaliya "Soomaaliya waxay u egtahay afghanistantii bedda cas iyo gacanka cadmeed, taariikh ahaan dadka soomaalidu waxaanu ognahay inay yahiin dad kala duwan oo kala mabda´ iyo siyaasad ah, dadka soomaaliduna waxay kala lahaayeen nidaam siyaasadeed oo isku yimid lixdankii taasi oo sababta is faham waa balaadhan oo ku yimaadda" ayuu yidhi mr. Palmore.

Isagoo ka hadlaayey xidhiidhka Israel iyo Somaliland wuxuu yidhi "Israel waxay ahayd dalkii ugu horeeyey ee ku dhawaaqa aqoonsi aanu siino dawladdii ugu horaysay ee madax banaani ka qaadata Britain oo ahayd British Somaliland, markii danbe ee labadii soomaaliyeed ee kale midoobeena waxaanu noqonay dalkii ugu horeeyey ee aqoonsada, annaga fekerkayagu wuxuu ahaa inaanu hello dal muslim ah oo aanu saaxiib kala noqono beriga afrika iyo gacanka bedda cas ee aanu wadaagno" ayuu yidhi Palmore.

Mar la weydiiyey gooni isku taagga Somaliland halka ay dawladda Israel ka taagantahay wuxuu yidhi "horta mid weeyaane ummad kastaaba xaq ayey u leedahay inay xor u noqoto siday u noolaanayo, malaha ma qabo inay jirto dal uga xogogaal badanIsrael dadka dega Somaliland dhulkii uu Britishku gumaysan jiray, waanigii ku idhi waxaanu ahayn dalkii ugu horeeyey ee aqoonsada, ta keliya ee aanu arkaynay waxay ahayd in la helo saaxiib aanu ka helo gacanka fog ee bedda cas, haddii aan usoo noqdo jawaabta su´aashaada ah dareenka annagu aanu ka qabno Somaliland, waanu soo dhawaynayna weliba waxaan qaba siyaasiyan inay Israel diyaar u tahay inay aqoonsato Somaliland balse ma jiro wax xidhiidh ah oo aanu arrintaasi kala yeelan siyaasiyiinta iyo dawladda Somaliland" ayuu yidhi Mr. Palmor

Mar la weydiiyey inay dhici karto inay Israel xidhiidh la samayso madaxda Somaliland wuxuu yidhi "kollay siyaasaddu way isbed bedeshaa ku odhan maayo hadda xidhiidh wuu jira iyo ma jiro midna balse taan ku sheegaya waxay tahay annaga dhankayaga waxaanu qabna xiiso badan inaanu saaxiib ka helo beriga afrika iyo bedda cas" ayuu yidhi Mr. Palmor

Hadalkani ka soo baxay sarkaalkani wasaaradda arrimaha dibadda Israel ayaa ah kii ugu horeeyey ee si cad usoo shaac baxa oo tilmaamaya sida ay Israel ugu xiiso qabto xidhiidh ay la yeelato Somaliland, balse waxaa jira warar tilmaamaya inay xukuumadahii Somaliland ee kala danbeeyey ay marar badan ganafka ku dhufteen xidhiidh ay la yeeshaan dalka Israel oo ay u arkayaan inuu xumayn karo xidhiidhka sokeeye ee ay la leeyahiin dalalka carbeed gaar ahaana dalalka gacanka cadmeed gaar ahaana dalka Sacuudi Arabiya

Re: israel Waxay Diyaar U Tahay Inay Aqoonsato Somaliland, Balse

Posted: Thu Feb 11, 2010 5:33 am
by hargaysaay
waar niyaw waa ku sidee yuhuud aabahood nacalaa kuyaal ictiraafkooda uma baahnin inkaar iyo shar baa umadaa la socdee inaga daa

Re: israel Waxay Diyaar U Tahay Inay Aqoonsato Somaliland, Balse

Posted: Thu Feb 11, 2010 5:36 am
by Keyse_0208
Saxiib anuu warkuun baa soo gudbinayaaye hayla yaabin...
anba wale iyo bile yuhuuda aad iyo aad baan uga soo hor-jeedaa, ictiraaf maahee walahi hadii ay macaa gaajo iyo haraad i dilayo wax maan weydiisteen.. laakin bal eeg, muslimiintii oo dhan'a wey ku diideen, yuhuudiina hoo bey ku leedahay, bal ka sheekee .?

Re: israel Waxay Diyaar U Tahay Inay Aqoonsato Somaliland, Balse

Posted: Thu Feb 11, 2010 6:01 am
by abdikarim86
i think this is made up

i searched it up on google news ....not one news source is reporting this :lol:

hadhwanaag should verify their sources :up: :lol:

Re: israel Waxay Diyaar U Tahay Inay Aqoonsato Somaliland, Balse

Posted: Thu Feb 11, 2010 6:26 am
by hargaysaay
Keyse_0208 wrote:Saxiib anuu warkuun baa soo gudbinayaaye hayla yaabin...
anba wale iyo bile yuhuuda aad iyo aad baan uga soo hor-jeedaa, ictiraaf maahee walahi hadii ay macaa gaajo iyo haraad i dilayo wax maan weydiisteen.. laakin bal eeg, muslimiintii oo dhan'a wey ku diideen, yuhuudiina hoo bey ku leedahay, bal ka sheekee .?
walaahi sxb ilaahay baynu kasugaynaa ictiraaf, anigu sidaan hore ugu taliyey hadii aynu hal mar ila garoowe qabsano kadibna kasoo noqono aduun weynuhu wuxuu arki doonaa inaynu dawlad jirta nahay, laakiin baryo cidi waxba isugu siin mayso

Re: israel Waxay Diyaar U Tahay Inay Aqoonsato Somaliland, Balse

Posted: Thu Feb 11, 2010 6:28 am
by hargaysaay
to abdikarim86

lol are isaaq please what is your clan,(not qabyaalad)

Re: israel Waxay Diyaar U Tahay Inay Aqoonsato Somaliland, Balse

Posted: Thu Feb 11, 2010 7:02 am
by abdikarim86
hargaysaay wrote:to abdikarim86

lol are isaaq please what is your clan,(not qabyaalad)
you know what my clan is ducaysane .....i dont need to repeat myself :lol: :arrow:

Re: israel Waxay Diyaar U Tahay Inay Aqoonsato Somaliland, Balse

Posted: Thu Feb 11, 2010 7:14 am
by hargaysaay
for god sake people stop calling me duceysane, I heard that guy was HY but Iam ciidagale reer guuleed. so again would you answer my questio :mrgreen:

Re: israel Waxay Diyaar U Tahay Inay Aqoonsato Somaliland, Balse

Posted: Thu Feb 11, 2010 7:28 am
by Mad May
.

Re: israel Waxay Diyaar U Tahay Inay Aqoonsato Somaliland, Balse

Posted: Thu Feb 11, 2010 8:11 am
by The_Emperior5
Keyse so hore kumaan sheegin :mrgreen: