Cabsi dagaal oo isku mid ka taagan Jubaland
Posted: Tue Feb 16, 2010 8:32 am
Cabsi dagaal oo isku mid ah oo ka taagan gobolada Jubbada hoose iyo Gedo
Wararka ay Shabakadda Gedoweb ka heleyso degmooyin ku yaalla gobolada Jubbada hoose iyo Gedo ayaa sheegayo in cabsi dagaal oo daran ay ka taagan tahay maalmahan dambe kadib markii lagu soo qeylo-dhaamiyey col dagaal oo laga soo sheegay dhanka Kenya.
Dadka ku nool degmada Beledxaawo iyo deegaanka Dhoobley oo xuduud la'leh Kenya ayaa walaahow ku jira iyo goormuu dagaal dhacayaa, dad goob-joog ah ayaa sheegay in shacabku ay wadnaha farta ku hayaan qof kasta ay dhegtu u taagan tahay.
Walaacan ayaa la xiriiro diyaar-garow iyo abaabul dagaal oo ay wadaan maleeshiyaad Somali ah oo ku kala sugan degmooyinka Doolow iyo Isiolo, halkaas oo tababar loogu soo xiray. Xoogaga maamula Jubbooyinka ayaa heegan geliyey dagaalyahanadooda, kuna baaqay dagaal Jihaad ah.
Dad badan ayaa aamisan in dagaal lagu qaada labadaas gobol uu noqan karo mid lagu kala bixi karo, qola walbaba waxay dhankooda ka direysaa hanjabaad dagaal.
Sargaal ku sugan magaalada Nairobi oo diiday in magaciisa la xigto ayaa sheegay in saraakiisha hormuudka ka aheyd ciidamada jooga Isiolo oo Kenya ka tirsan loo duuliyey Muqdisho si loogu soo dejiyo habka dagaalka ay u gelayaan.
Warar lagu kalsoon yahayna waxay muujinayaan in dowladda KMG ay isku khilaafsan tahay in Jubbooyinka la weeraro, saraakiisha qaar ayaa qabo in marka hore xabadda laga rido caasimadda, kadibna gobolada.