Jen. Galaal "Dacwada laga soo oogay Cali Samatar waa sax ah"

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Somalistan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4778
Joined: Sat Sep 15, 2007 10:24 am
Location: Oodwayne, Togdheer,Somaliland

Jen. Galaal "Dacwada laga soo oogay Cali Samatar waa sax ah"

Post by Somalistan »

Jen. Galaal "Dacwada laga soo oogay Maxamed Cali Samatar waa wax sax ah"



Image

Jen. Maxamed Nuur Galaal oo ka mid Saraakiishii hore ee Ciidamada Xooga dalka ayaa taageeray dacwada lagu soo oogay Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Jen. Maxamed Cali Samatar oo haatan ka bilaabatay Maxkamad ku taal dalka Mareykanka.
Jen. Galaal oo ay isla soo shaqeeyeen Cali Samatay ayaa ku eedeeyay inuu sabab u ahaa xasuuqii loo geystay dadka ku nool Gobolada Waqooyi, isagoo tilmaamay in dadkaas la rafaadiyay.
"Runtii Dacwada lagu soo oogay Maxamed Cali Samatar waa wax sax oo uu ku muteystay dhibaatooyinkii xumaa ee uu ka geystay Goboalda Waqooyi"ayuu yiri Jen. Maxamed Nuur Galaal.
Waxaa uu sheegay Galaal inuu isaga dhageystay amarka uu bixiyay Jen. Cali Samatar, kaasoo uu sheegay in diyaarado lagu garaacay deegaanada Gobolada Waqooyi ilaa dadkii ay ka gaareen xuduuda Ethiopia.
“Dad badan ayay meeshaas ku rafaadiyeen, wixii qaxayay ayay dayuurado kala dabatageen ilaa xuduuda Ethiopia ay ka galayeena waa ay sii garaacayeen, Maxamed Cali Samatarna halkaasi ayuu joogay oo waxaan dhageystay isagoo dhahaya amarkaasi aniga ayaa bixiyay marka dad shacab ah in la xasuuqo diin fasaxeysa iyo nidaam fasaxa malahan”ayuu yiri Galaal oo eedeyn kulul u jeediyay Cali Samatar.
Dhageysiga Maxkamada Cali Samatar ayaa xalay ku soo gaba gaboobay fashil, kadib markii uu muran weyn uu ka dhashay qaabka Maxkamadeynta, waxaana jiray is afgaran waa soo kala dhex galay Garsooyaaashii Maxkamada oo ku aadan qaabka loo qaadayo dacwada.




Hoyga wararka Somaliyed
www.Jowhar.com
User avatar
Somalistan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4778
Joined: Sat Sep 15, 2007 10:24 am
Location: Oodwayne, Togdheer,Somaliland

Re: Jen. Galaal "Dacwada laga soo oogay Cali Samatar waa sax ah"

Post by Somalistan »

Habar Gedir. :up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”