Masha Allah Puntland oo la heshiinayso Al Shabaab

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
Umal Zamzam
Posts: 51
Joined: Tue Aug 11, 2009 9:55 am

Masha Allah Puntland oo la heshiinayso Al Shabaab

Post by Umal Zamzam »

Afar Kooxo Diimeed oo Dowladda Puntland si weyn uga dhex muuqda.

Xukuumada Puntland ee Madaxweyne C/raxmaan Faroole waxa uu si weyn saami fiican uga siiyey Dowladda uu madaxda ka yahay Afar kooxo Diimeed oo ka howlgala deegaanada Puntland.

Al-Manhal, Al-Tadaamun, Al-Aslaax iyo Xisbul-Islaam waxa ay xubno muhiim ah ku yesheen Golaha Wasiirada, Gudoomiyayaasha Gobolada iyo Degmooyinka iyo Howl-wadeenofiican oo Agaasimayaal ah Maamulka Puntland. Kooxahan Diinta ayaa waqiyadii hore lagu yaqaanay in ay gacan weyn ka gaystaan iskuulada Jaamacadaha iyo Xarumaha Shirkadaha waa weyn ee Ganacsiga, balse xiligan waxa ay fursad fiican ka heleen Dowladda C/raxmaan Maxamed faroole oo door biday awooda xukunka in ay wax ku yeshaan.

Kooxaha Diinta ee Suna waljameeca iyo Al-Shabaab ayaan ka mid aheyn kooxaha wax laga siiyey Dowladda, waxa ayna dadka Puntland isweydiinayaan sababta looga reebay Kooxa Diimeedyada Talada wax ku yeeshay oo banaanka loo dhigay Labadan koox ee Suna waljameeca iyo Al-Shaabab.

Waxaa jira warar sheegaya in Hogaamiyaha Kooxada Al-Shabaab ee Puntland Maxamed saciid Atam odayaasha deegaanka uu ka soo jeedo la wadaan wada xaajood lagu heshisiinayo Madaxweyne C/raxmaan faroole wallow aan la ogeyn in heshiiskaas uu qeyb ka yahay awood qeybsiga Xagga Dowladda. Heshiiska lala wado Sheekha Maxamed Saciid Atam waxa uu ka dambeeyey kadib markii Odayaasha Beesha Sanaag Bari kulan kula qaateen Garoowe Madaxweyne C/raxaman Faroole oo labada dhinac uga wadahadlayeen Xaaladaha Amaanka guud ee Gobolka. Waqtigaas waxa uu Madaxweyne C/raxmaan Faroole ka codsaday Odayaasha Sanaag in heshiis laga keeno Sheekha Atam.

Wadahadalka waxaa hadda la sheegayaa in uu meel fiican marayo oo la filayo kulan ka fool ka fool inuu dhexmaro Madaxweyne Faroole iyo Sheekh Atam Asbuucyada soo socda.

Kooxda Atam waxa ay doonayaan in loo siidaayo dhamaan Ragga ka xirxiran ee Dowladda gacanta Xabsiyadeeda ku jira iyo in talaabo laga qaado shakhsiyaad ay aaminsan yihiin inay ku xadgudbayaan Diinta Islaamka.

Haddaba, haddii ay dhab noqoto heshiiska labada dhinac waxaa soo bixi doonta in si nabad ah loogu wada Noolaado Deegaanada Puntland oo aan la is maquunin Dowlad iyo Kooxaha Diinta.

Dhinaca Kooxda Suna waljameeca ee Puntland ku dhaqan waxa ay aad uga careysan yihin sida uu ula dhaqmay Madaxweyne C/raxmaan Faroole oo uusan u siin tixgelintii ay ku lahayeen Dowladihii C/laahi Yuusuf iyo Cadde Muuse oo aad u soo dhawyn jiray Suna waljameeca. Waxa ay rumeysan yihiin Maanta in Dowladda Faroole u janjeerto dhinacyo Siyaasadeed oo Kooxo Diimeedka koonfur Xiriir fiican la leh.

Dayniile.com
Isha Wararka Xaqiiqda
Boosaasolife.com
boosaasolife@gmail.com
User avatar
Umal Zamzam
Posts: 51
Joined: Tue Aug 11, 2009 9:55 am

Re: Masha Allah Puntland oo la heshiinayso Al Shabaab

Post by Umal Zamzam »

It is only a matter of time before the black flag of the prophet, peace blessings and mercy be upon him, waves over all of Somalia. :rose: :rose:
User avatar
SahanGalbeed
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19032
Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
Location: Arabsiyo ,Somaliland

Re: Masha Allah Puntland oo la heshiinayso Al Shabaab

Post by SahanGalbeed »

Can you read somali? Heeshis-ki in al shabaab laga reebay halkaasey ku qorantahay. Marka ma dadka ayaad been u sheegaysa ,mise af somaliga ayaanad akhrin karin?
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”