
Munaasibad Ballaadhan oo ay fadhiyeen Dadkii ugu magaca iyo maamuska weynaa uguNA miisaanka cuslaa Gobolka Togdheer, oo ay ka mid ahaayeen Maamulka Gobolka heer Gobol illaa heer Degmo gaar ahaan Badhasaabka Gobolka Jamac C/laahi Biin, Maayar Xigeenka Degmada Burco Axmed Cabdi Falaay, Culimadii ugu waawaynayd oo ay ka mid ahaayen Sh.cali warsame,Sh.faysal cali faarax,sh,Yusuf Cabdi cawed, Abwaanadii ugu wawaynaa oo iyana ay ka mid ahaayen Abwan Hurre Walanwal, Abwan Calanle Muse, sidoo kale Guddiga Hourmarinta Gobolka oo u hor kacayay Guddomiye Maxamud Aadan Dheri,iyo weliba Sh.Maxamed Xusen, Eng Faarax Xadhigle, Masuuliyinta ka socota Axsaabta iyo xukumadda oo ay ka mid ahaayen Wasiru dawlaha Macdanta iyo Biyaga Mudane Muse Madobe,Afhayeenka Xisbig Kulmiye Maxamed Kahin Axmed, Iyo sidoo kale masuuliyinta shirkadda Xawaladda DAHABSHIIL, shirkadda isgaadhsiinta SOMTEL.
Munaasibaddan oo oka dhacday Hotel City Plaza ayaa ahayd mid si weyn loo soo agaasimay isla markaasna ahayd Mid lagu furayay oo xadhiga lagaga jarayay Shirkadda isgaadhsiinta Casriga ah ee SOMTEL, waxaa ugu horayn ka hadlay Maamulaha Shirkadda SOMTEL mudane Ibraahin Barre wuxuuna aad uga sheekeyey marxaladihii ay soo martay shirkaddu isagoo xusay inay tahay shirkadii koowaad ee isgaadhsiineed ee laga hirgeliyo Dalka somaliland 1989 kii, Khudbad aad u dheerayd oo u halkaas ka jeediye Maamuluhu wuxu kaga sheekeeyey heerarkii iyo marxaladihii kala duwanaa ee shirkadda, iyo sida ay u keentay shirkaddu qalabkii ugu casrisanaa wakhritgan, wuxuu maamuluhu sheegay in ay shirkaddu haatan marayso heerarkii ugu caalami sanaa wakhtigan, hadaba waxyaabihii dadkii madasha fadhiyey aad ka ugu qushuuceen ulana yabeen waxa ka mid ahaa:
1. Mobilo ku shaqaynaya CADCEEDA oo aan u baahnayn in la Dabeeyo ama la charge gareeyo.
2. Internet USB ah oo la qaadanayo sida Flashta oo kale isla markaasna Computer kasta lala Dul tegayo kuna shaqaynaya isagoo Internet ah.
3. Cardka SOMTEL oo aa la iska saarayn haddii la Tago Debedda sida Yurub iyo caalamka kale kana shaqaynaya Adduunka meeshii aad istaagtoba. Halka kuwa kale Airport ka aan lala dhaafin.
4. Cardska SOMTEL oo lagu hadlayo muddo 6 bilood ah lacag la’aan BILAASH..
5. Mobilo 2 Cards ama laba kaadhlayaal ah ooo Shirkaddu Dadka oo dhan u qaybisay.
Dhammaan ba Qodobadasi waxay ahaayeen qodobo dhab markiii uu maamuluhuu qodob walba ku dhawaaqayayna ay dadku yaab iyo amakag farxad qoslayeen.
Gebi ahaanba Dadka madashaa fadhiyey oo qiyaas ahaan gaadhay 150 Xubnood ayaa ahaa dadkii ugu mudnaa ugu macquulsanaa Gobolka isla markaasna Xul ah oo aad moodaysay in aan cidiba ka maqnayn madasha, haday tahay Masuuliyiin ,siyaasiin,culimo-awdiin.abwaano,salaadiin,cuqaal, oo ahaa intoda ugu mudan Bulshada.
Munaasibaddan ayaan gebi ahaanba ka muuqanayn wax haween ah, isla markaasna isugu baxday madal loo soo xulay dadkii miisaanka ku lahaa dalka iyo gobolka intaba.
Waxa madasha hadalo bogaadin,taagero iyo waano ba leh ka jeediyey Sh.Cali warsame oo ka mid culimada ugu waawayn Gobolka, wuxuu sheegay Sheekhu in aanu hayn aayad ku soo aroortay tilifoonada iyo isgaadhsiinta balse uu kaga hadlayo uun in ay ka mid tahay Nimcooyinka ilaahay ina siiyey.
Maxamud aadan Dheri oo ah Guddomiyaha Guddiga Horumarinta Gobolka oo isna munaasibadda kelmado kooban oo isugu jiray amaan iyo ducoba ka jeediyey ayaa ugu horayn sheegay in aanu garanayn wax uu ku sheego Shirkadda Xawaladda ee DAHABSHIIL oo la mataano ah shirkaddan isgaadhsiinta ee SOMTEL, oo uu sheegay in ay ammaan dhaaftay wax walbana la yidhi Duco iyo wanaag badanna la garabtaaganyahay, wax kasta marka wanaagga ay qabanayaan kugu bato aad marwalba ud ucayso kuna faraxdo way dhacdaa in ay duco dhaf noqoto oo ad wax aad ku sheegtoba garan waydo, marka waxan leenahay horta horena u nidhi iminkana nifdhiye ilaahay ha barakeeyo DAHABSHIIL, waxaana filayaabuu yidhi in shirkadda SOMTEL oo mataano la ah ay sidaas oo kale noqon doonto Gaadhina Doonto shirkadda Xawaladda DAHABSHIIL , wuxu xusay in DAHABSHIIL jaamacadda Burco ay siiso sanad kasta lacag meelo kale oo fara baddanna ay siiso lacago badan oo khayri ah.
Maamulaha shirkadda XAWALADDA DAHABSHIIL md: Maxamed Yusuf Axmed oo isna munaasibadda kelmado kooban ka jeediyey ayaa sheegay in shirkaddoodu aanay waxba ka hagran wax kasta oo khayri ah, isagoo sheegay inu mar marka qaar aad ula yaabo hawlaha noockasta leh ee shirkaddu wax kaga jirto ama ay keligeed waddo mar walba.wuxuuna sidoo kale xusay in shirkadda DAHABSHIIL ay tabaruca iyo waxyaabaha khyrka leh ee ay ka qayb qaadanayso ay heerkaas ku soo gaadhay, maantana ay dhashay shirkad kale oo la mataano ah oo la yidhaa SOMTEL idiina keentay adeegii isgaadhsiineed ee ugu casrisanaa, wuxu dhammaan masuuliyintii halkaasi fadhidey u sheegay in aan shirkaddoodu duulaan ku ahayn shirkaddaha kale ayna soo sartay Moobil laba kaadh leh.
Waxa isna halkaas ka hadlay Afhayeenka xisbiga Kulmiye ee Gobolka Togdheer Mujahid Maxamed Kahin Axmed, wuxuna aad ugu ammaanay shirkadda SOMTEL heerka ay ka gaadhay isgaadhsiinta, addunkuna wuxu ku horumaraa buu yidhi isgaadhsiinta iyo adeegyada Bulshada oo mar walba sida ugu fudud loo keeno, waana mid aan caalamka kula taratmi karno ayu yidhi adeegyada aynu haysano, isagoo wasaaradda Boosaha ku dhaliilay in ay isku xidhi wayday ama isu keeni wayday dhammaanba shirkadaha isgaadhsiineed ee ka jir DALKA, shaqadaas ay iyadu lahayd buu yidhi.
Badhasaabka Goblka JaamacC/laahi Biin oo isna munaaisbadda ka hadlay aya ku ammaanay Dahabshil heerka ay ka gaadhay Technology ga dhinac walba, wuxuuna sheegay tartan in la galaa in ay bannaantahay lakin isxaasidku aanu wanaagsanayn, isagoo ku ammaanay shirkada SOMTEL in ay markiiba muujisay inaanay wax xaasidayn sheegayna in markiiba ay shirkaddu sheegtay in Mobilo shirkada lala isticmaali karo ay soo saartay. Wuxuu xusay oo kale Badhasaabku in shirkadda TELESOM uu xidhiidh fiican ka dhexeeyo maamulka Gobolka iyo wada shaqayn buuxda, sidaas oo kale in aan u wada shaqayno ayaa la idinka baahanyahay haddaan Tihiin SOMTEL ayu yidhi.
C/RAXMAN CALI X.XASAN oo ka mid ah masuuliyinta Shirkadaha DAHABSHIL IYO SOMTEL ayaa dadka u faahfaahiyey qaabka ay u isticmaalayaan moobilada iminka loo qaybiyey, iyo waxa ujeeddada shirkaddu tahay.waxaa khudbadaha masuuliyinta iyo martisharafta dhex taal looga dhigay Riwaayad ama majaailo aad u qiimo badnayd oo ay halkaas ku soobandhigeen Majaajilistayasha iyo abwanada caanka ah ee JAWAAN,SOORAN, IYO CALANLE MUSE, waxan dhammaan dadkii madasha fadhiyey ay mar qudha qosol afka isku dari waayeen,iyadoona riwaayadda gebi ahaanba lagu soo koobay adeegga shirkadda iyo waxa munaasibadda maanta ay ku saabsanayd.
Ugu danbayntii waxaa Munasibadda lagu soo gebogabayey qado sharaf loo sameeyey dhammaan xubnihii lagu soo casuumay munaasibadda Furitaanka shirkadda SOMTEL oo iyadu saaka baalasha la kala baxday, iyadoo dadka reer somaliland ay iyana mar uun sugayeen wax ay kaga maarmaan shirkadda soo daashatay ee TELESOM, ooay ku dhaliilaan qaaabka ay ula macaamisho dadka ku xidhan iyo Lacagta ay ku shubtaan oo ay markiiba ka waayaan,mid ka mid ah dhalinyaro aan kula kulmay markii an ka soo baxy hotelka Munaasibadda kadib ayaa isagoo faraxsan si farxad leh iigu yidhi " waar niyow nagadaaa alleylehe hadaan helnay shirkad si walba noo anfacaysee, oo tii hore lacag ku shubo ayay nagala dhammaan waydee"!!!!