Xisbiga UDUB oo Hanjabaad culus u diray Axmed Siilaanyo iyo xisbiga KULMIYE
March 11th, 2010 Comments Off
“Axmed-Siilaanyo waxa ku adkaan doonta haddaanu waxba ka qaban xumaanta xisbigiisa ka socota ee ay kula kacayaan madaxda UDUB inuu xafiiskiisa iyo gurigiisa u kala gudbi Kari waayo”
“Ma Dhacayso in Axmed-Siilaanyo-na Hargeysa Tamashleeyo, Xoghayaha Guud ee UDUB-na Geed uu Istaago Hargeysa ka Waayo” Cali Guray
Hargeysa (Somaliland.Org)- Afhayeenka xisbiga tallada haya ee UDUB Mr. Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), ayaa salluug ka muujiyey hannaanka uu u shaqeeyo xisbigiisu, isaga oo ku baaqay xisbiga UDUB ka tashado qaabka ay u shaqeeyaan iyo xarrumaha ay ka hawlgaan si uu u guto hawlaha sugaya ee doorashooyinka.
Waxaanu Afhayeenka UDUB hanjabaad culus iyo digniin kama dambays ah u diray hoggaanka iyo taageerayaasha xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE oo uu ku eedeeyay in ay qas iyo jaho wareer ku hayaan xisbigooda, isaga oo ku nuuxnuuxsaday in haddii ay qaska joojin waayaan ay Axmed Siilaanyo ku adkaan doonto inuu isaga gudbo gurigiisa iyo xarrunta KULMIYE.
Sidaana waxa uu Mr. Cali Guray kaga dhawaaqay munaasibad soo dhaweyn ah oo Hudheelka Carown ee magaalada Hargeysa shalay loogu sameeyey guddoomiyihii Waqooyiga Ameerika ee xisbiga UCID Mr. Keyse Cali Geeddi ku biiray xisbiga tallada haya ee UDUB, kadib markii uu toddobaadkii hore ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu ka hayey UCID, islamarkaana uu gabi ahaanba ka baxay xubinimadii xisbigaasi.
Xafladaasina waxa ka qaybgalay xoghayaha guud ee UDUB Md. Jaamac Yaasiin Faarax, guddoomiyaha Ololaha xisbiga Md. Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Cismaan-hindi), wasiiro ka tirsan xukuumadda Rayaale iyo marti sharaf kale oo munaasibadda lagu casuumay.
Afhayeenka xisbiga UDUB Md. Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo ka hadlayey waxyaabaha uu ku salluugsan yahay xisbigiisa, waxa uu yidhi; ““Anigu nin saraaxi ah baan ahayoo, runta waan iska sheegaa, waxaan u sheegayaa Keyse iyo qoladan xisbiga ku cusub hal baan u sheegayaa, waxaad yeelaysaan marka uu xisbi mucaarad ah ka soo baxo ee uu xisbul-xaakimka soo galayo maskaxdiisa wax baa ku jira oo waxaad aragtay KULMIYE oo intaas oo laptop (kombuyuutarrada la qaato) la kala jeeda oo intaas xafiisoo shaqaynayso, soddon baabuur taagan tahay oo maalin kasta galinkeeda hore iyo kiisa dambe wada fadhiyaan oo talo goynayaan.
Marka aad soo gasho UDUB, dee mucaaradkiibaa sidaas ahaaye, waxaad filaysaa UDUB oo xisbul-xaakimkii ah oo ka sarreysay, taas ha ku niyad-jabina oo sidaas maaha UDUB wuu badan yahay dedaalka lagu jiro dhinac walba, in wax laga beddelo qaabka uu dhismaha UDUB iminka uu yahay amma ugu yaraan qaab u suurtogelin kara inuu hawlihiisa ololaha doorashada gudan karo.
Waxaan anigu reer UDUB leeyahay Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa; ‘Ninka aad kabo ka tolonaysa kabihiisa la eegaa.’ Kabaha xisbiyaduna waa xarumahooda tu dhexe amma tu gobol ha noqotee, waar bal sidii aynu wax uga beddeli lahayn qaabkeena shaqada iyo xarumaheena aynu ka tashano.”
Afhayeenka UDUB oo hanjabaado iyi digniin u jeedinaya xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE iyo hoggaankiisa sare waxa uu yidhi; “Berigii dhaweyd ee uu guddoomiyaha xisbiga KULMIYE dalka dib ugu soo laabanayay waxa aad ka war haysaan in dacaayado raqiis ah lagu faafiyay warbaahinta, isla markaana la lahaa dalka ka ma soo geli karo, laakiin waxa aad taas beddelkeeda aad arkeyseen sidii quruxda badnayd ee loo soo dhaweeyay iyo sida aanu xisbiga UDUB marnaba wax carqalad ah la damacsanayn.
Annagu waxaannu mar walba ilaalinaa xidhiidhka ka dhaxeeya xisbiyada, waxana wanaagsan in uu istixraamku uu inoo noqdo mid inoo caado ah, laakiin waxa ixtiraamka la yidhaa wuxuu u baahan yahay laba dhinac.
Xoghayaha guud ee xisbiga UDUB wuxuu soo maray gobollada bari, Caynabo ayuu soo maray, Burco ayuu barigeeda iyo galbeedkeedaba soo maray. Hargeysa markuu marayo waxaannu ognahay in shan jidgooyo loo dhigay, cidda dhigtay iyo kuwa istaagay intaba waannu garanaynaa.
20-kii February xaflad lagu xusayay maalintii dhagax-tuurka ayaa laga isugu yimi fagaaraha Beerta Xorriyadda, munaasibaddaa dad badan oo soo halgamay ayaa ka hadlay, xoghayaha guud ee xisbiga UDUB markuu hadalka bilaabay ayaa ciyaal la soo abaabulay oo basas lagu keenay oo aanu garanayno hebel iyo hebelka iyo heblaayada soo abaabushay, kuwaasoo lagu yidhi marka uu codbaahiyaha qabsado qayliya.
Waxa la yidhi, mayd maxaa ugu dambeeyay iyo kaa hadda la sii sido. Maalin dhaweyd waxa la igu yidhi, aniga la igama casuumine xafladdii ay qabsanaysay shirkadda SOMTEL, Axmed-Siilaanyo ayaa ka hadlay, hebel baa ka hadlay, xoghayaha guud ee xisbiga UDUB marka ay marayso ayaa lagu qayliyay oo awal carruurbay ahayd’e raggii waaweynaa ku qayliyeen,” ayuu yidhi Afhayeenka xisbiga UDUB.
Mr. Cali-guray waxa uu ku hanjabay xisbigooda UDUB dulqaadkii ka dhammaaday, isla markaana waxa u digniin tii ugu cuslayd u diray dhamaanba masuuliyiinta xisbiga KULMIYE,
“Waxaan maanta KULMIYE u sheegayaa dul-qaadkii UDUB wuu dhammaaday oo waa eber (0), uma dulqaadanayno inay maalin walba intay dad soo abaabulaan aannu annaguna ixtaarno, iyaguna Xoghayahayaga Guud ku qayliyaan, mana dhacayso inuu Axmed-Siilaanyo Hargeysa tamashleeyo, Xoghayahayaga UDUB-na uu geed waayo. Waxaan leeyahay waannu kari karaynay in maalintii uu Axmed-Siilaanyo imanayey in aannu baabuurro ku goyno oo aannu ciyaar iyo dumar soo abaabulno oo aannu ku qayliya nidhaahno, markii Xoghayahayaga Guud lagu qaylinayey waxaannu arkaynay iyaga oo ilkahooda qosolka ka baxaya aad yaabto.
Waxaan leeyahay, Wallaahay Axmed-Siilaanyo waxa ku adkaan doonta haddaanu waxba ka qaban xumaanta xisbigiisa ka socota ee ay kula kacayaan madaxda xisbiga UDUB inuu xafiiskiisa iyo gurigiisa u kala gudbi kari waayo, taasna halkaas ayaan ku dhaafayaa.”
Xigasho: Jamhuuriya
Xisbiga UDUB oo digniin ka soo saaray anshaxumada Kulmiye
Moderator: Moderators
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: Xisbiga UDUB oo digniin ka soo saaray anshaxumada Kulmiye
Stuff and nonsense
- yawle
- SomaliNetizen
- Posts: 887
- Joined: Sat Nov 17, 2007 5:36 am
- Location: Habaryoonis baan uga dhashay iyo Harunta Waawayn
Re: Xisbiga UDUB oo digniin ka soo saaray anshaxumada Kulmiye
I personally welcomed this warning. Clearly, if Kulmiye supporters do not stop the uncivilised behavouirs, it will only drag the situation to new lows. I will not be surprised if a famous politician gets gunned down in the middle of Hargeisa, because that is what happens when People become radicalised.
So in that regard, Kulmiye should restraint its supporters otherwise all hell will break loose.
So in that regard, Kulmiye should restraint its supporters otherwise all hell will break loose.
Re: Xisbiga UDUB oo digniin ka soo saaray anshaxumada Kulmiye
The only soulution is to hold elections asap!
- SahanGalbeed
- SomaliNet Super
- Posts: 19032
- Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
- Location: Arabsiyo ,Somaliland
Re: Xisbiga UDUB oo digniin ka soo saaray anshaxumada Kulmiye
Kan eeda dadki saaraya e ku leh haddeena waa la idin toogan doona bal eega
. UDUB war hooyadiin wase ka baxa ,wakhtigiini baa gaadhay e ! : Anigu ba waan hanjabaad badanahay !
WE WANT CHANGE !!!! Waddani NIN ku ma'dhisna! Waddani XISBI ki ma dhisna! E waddan kasta wuxu ku dhisan yahay KARTI -da shacab ka .Dastuurka ,xeerasha iyo qaynuun-yada inoo yaal XISBI inoo mu dhisin .Dhowrkii sanno ba nin cusub baa wanaagsan inu qabto hogaanka !! WE WANT CHANGE !


-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 290 Views
-
Last post by AbduQadir
-
- 0 Replies
- 356 Views
-
Last post by kaliil
-
- 0 Replies
- 498 Views
-
Last post by fagash_killer
-
- 5 Replies
- 1425 Views
-
Last post by kanadiid90
-
- 31 Replies
- 1880 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 10 Replies
- 769 Views
-
Last post by Dhaga Bacayl
-
- 6 Replies
- 693 Views
-
Last post by Cumar-Labasuul
-
- 2 Replies
- 503 Views
-
Last post by Bohol iyo karaman
-
- 0 Replies
- 511 Views
-
Last post by Ducaysane_87