Ahlu Suna divided in 2 groups
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.

- CoolPoisons
- SomaliNet Super

- Posts: 10533
- Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am
Ahlu Suna divided in 2 groups
Ahlu Sunah Marehanka say we dont want to make peace with TFG
Caabudwaaq:- " Ma Aqoonsanin Kooxaha U Duuley Addis Ababa Iyaga Dantooda U Aaday..."
Masuuliyiin ka tirsan culimo awdiinka Ahlusuna oo magaalada Caabudwaaq ku qabtey shir jaraa'id ayaa shaaca ka qaadey inay gabi ahaanba ka soo horjeedeen xubno ka tirsan Ahlusuna oo shalay ka dhoofey magaalada dhusamareeb ee gobolka Galgaduud.
Xubnahan oo mataleyey goolaayasha ururka Ahlusuna Waljameeca ayaa shaaciyey inaysan aqoonsan doonin 26-xubnood ee shalay ka duuley magaalada Dhusamareeb isla markaasna u kicitimey magaalada Addis Ababa ee dalkaasi Itoobiya.
Masuuliyiintan oo ku sugan degmada Cabudwaaq ayaa daaha ka rogey inaysan taageersaneyn wada hadalada ay xubnahaas ugu baxeen dalka Itoobiya,waxaana ay ku tilmameen socdaalkaas inuu yahay mid ay iskood kooxahaasi ugu baxeen balse aysan matelin ururka Ahlusuna ee degmooyinka caabudwaaq,balanbale & dhabad.
Masuuliyiinta shirka jaraa'id qabtey waxaa ka mid ah u qaybsamaha arrimaha dibedda ee Ahlusuna waljameeca,waxaana uu sheegey in Laga leexdey halkaasi loogu tallo galay,waxaana uu ku tilmaamey in ururka Ahlusuna uu muuqanayo inuu burbur qarka u saaran yahay.
Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay shalay magaalada dhusamareeb ka duuleen xubno ka mid ah ururka Ahlusuna uu hogaaminayey Shiikh Macalin Maxamuud Shiikh Xasan,waxaana ay magaalada Addis Ababa heshiis kula soo saxeexanayaan xubno dawlada kmg ah.
Waxaa sidoo kale shirkan jaraa'id si weyn tageerey Masuuliyiinta ururka Ahluusna ee Gobolka Gedo oo iyana si toos ah shaaca uga qaadey inaysan tageersaneyn xubnaha u kicitimey dalka Itoobiya aysana ka socon ururkooda.
Dadka qaar ayaa shaacinaya inuu khilaafkan saacadiihi la soo dhaafey ka dhex aloosmey Ururka Ahlusuna ee Goboladda dhexe salka ku hayo Arrimo Qabiil,iyadoo Ahlusunaha gobolada dhexe ay intooda badan qaab qabiil ku dhisan yihiin.
Lama ogaan karro meesha uu ku dambeyn doono khilaafkan saacadiihi la soo dhaafey soo kala dhexgalay Ahlusuna Waljameeca,waxaana khilaafkani imaanaya xilli ay tahay Ahlusuna Caabudwaaq kuwa ugu awooda badan goboladda dhexe ee dalka soomaaliya.
Mohamed Abdi
Caabudwaaq-Gedo-News
Gedonet.com@gmail.com

Re: Ahlu Suna divided in 2 groups
Ahlusuna oo laba Garab ukala jabtay iyo Heshiis maanta ka dhacaya magaalada Addis Ababa (Warbixin)
Muqdisho (RBC Radio):-Beelo Muhiim ah ayaa lasoo sheegayaa in ay ka bexeen Ururka Ahlusuna Waljamaaca oo kamid ah jabhadaha dagaalada lagu hoobtay ka wado gudaha dalka Somalia waqti ay soo baxayaan iskusoo dhawaashiyo kala dhexeeya dowlada KMG ah.
Ilo Madax banaan ayaa RBC Radio u xaqiijiyay in saraakiishii Ahlusuna ee kasoo kala jeeda Caabdud Waaq iyo Xeraale ay gadood la yihiin heshiiska ka dhici doona magaalada Addis Ababa.
Iyadoo lafilayo in maanta oo Sabti ah ay dowlada KMG ah iyo Ahlusuna ku midoobaan magaalada Addis Ababa dalka Itoobiya ayay soo baxayaan kala qaybsanaan ba’an oo u dhaxaysa saraakiishii ku midoobay Ururka Ahluusna.
Shir Jaraa’id oo ay magaalada Caabud Waaq ku qabteen ilaa iyo 26 Xubnood oo katirsan Ururka Ahlusuna ayay ku sheegeen in aysan raacsanayn wadahadalka Itoobiya ku dhaxmaraya Garab Ururka katirsan iyo dowlada KMG Somalia.
Beelaha Dir iyo Mareexaan ayaa lasoo sheegayaa in ay ka gadoodeen Siyaasadda uu horboodayo Macalin Maxamuud oo kasoo jeeda degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb gobalka G/gaduud.
Warar aan ka helnay G/gaduud ayaa xaqiijinaya in uu jiro guux weyn oo ku aadan in Beelo ku midaysnaa Ururka Ahlusuna ay banaanka ka istaageen wadahadallo lala galo dowlada KMG Somalia.
Xubnaha Ahlusuna ee kasoo jeedo Caabud Waaq iyo Xeraale ayaa ka biya diidan in Howshii Ahlusuna loo bedelo Kuraas raadis iyo siyaasadda aan salka adag ku fadhin ee Somalia ka jirta, culimada dariiqada suufida ee kasoo jeedo Xeraale iyo Caabud Waaq ayaa dagaaladii shabaab ka dhan ahaa uga qayb qaatay qaab Fikir ah oo ay ku doonayeen in ay ku difaacdaan Qabuura qodidada shabaab balse aan u dagaal gelin in ay Kuraas helaan.
Balse Siyaasiyiin meel dheer waxka arkay ayaa ka faa’iidaystay halgankii Ahlusuna soo gashay iyagoona hadda ku howlan saxiixa Heshiis awood qaybsi ah oo ay lagalaan dowladda KMG Somalia.
Tani waa kala qaybsanaan kale oo soo kala dhaxgalay Jabhadaha Somalia horay waxaa isku khilaafay dhaq dhaqaaqa Shabaab iyo Xisbul islaam oo hal saf kawada dagaalami jiray.
Yaa ka Mas’uul ah isku gaynta TFG iyo Ururka Ahlusuna.
Magaalada Addis Ababa waxaa kusii qulqulaya Wufuud ka kala socota dowlada KMG ah,Beesha Caalamka,Q.Midoobe si ay u saxiixaan heshiis ladoonayo in lagu mideeyo Jabhadda Ahlusuna G/gaduud iyo dowlada KMG ah oo aqoonsi buuxa ka haysata caalamka.
waxaa la xaqiijiyay in Addis uu gaaray R/wasaare Cumar cabdi Rashiid oo dowlada kMG ah u metelaya Heshiiska iyo Macalin Maxamuud iyo Axmed Cabdi Salaan oo iyana metelaya Garab Ahlusuna katirsan.
Heshiiskan waxaa dabada ka riixaya dowladaha Itoobiya iyo Mareykanka oo lahaa dhismaha Ururka Ahlusuna iyo dowlada KMG ah, Juhdiga ugu badan waxaa Heshiiska ku bixinaysa Itoobiya oo doonaysa in la xoojiyo dowlada KMG ah si ay uga bad baado Khatar uga imaan karta Islamaiyiinta Somalia.
Shirarkii Fashilmay ee Itoobiya loogu qabtay Somalida.
Dowladda Itoobiya ayaa kaalin weyn ku leh Qaran Jabka ku dhacay Somalia muddo 20-sana ah kadib markii Jabhado kala tagsan ay ku dhistay dalkeeda, inta la xuusto Somalia waxaa dibadda loogu qabtay 16 shir oo la sheegay in Somali lagu midaynayo 13 kamid ah waxaa usha uhaysay Itoobiya.
Inkastoo siyaasadaha dowladaha caalamka isbedelaan hadane Itoobiya weli meel iskama dhigin hagar daamadii ay ku haysay qaranka Somalia, Jabhado badan ayaa Heshiis ku gaaray gudaha Itoobiya bilo kadibna hubka isku qaatay taas oo xariga usii dheeraysay qaran Jabka Somalia.
Horaantii sanadii 2003 ayay Itoobiya magaalada Hawaase shir weyne ugu qabtay Dagaal oogayaashii Somalia xiligaas oo ay dalka joogtay Dowladii Carta ee uu madaxda ka ahaa C/qaasim Salaad Xasan.
Itoobiya xiligaas waxay midaysay oo ay hal magac isugu keentay Dagaal ka macaashayaashii Koonfurta Somalia waxayna dhisntay Ururkii SRRC oo durbadiiba dagaal lagalay dowladii C/qaasim Salaad Xasan ilaa ay ka fashiliyaan dowladaasi.
waxaa Itoobiya lagu qabtay Shirkii Soodare ee lagu heshiisiinayay Jabhadihii Somalia isna waa uu fashilmay, Shirii Qaahira oo ay Itoobiya Maskaxdiisa lahayd ayaa isna kamid ahaa Heshiisyadii fashilmay.
Iskusoo wada duub Somalida ayaa xasaasiyad ka qabta Gogosha ay Itoobiya u dhigto dhinacyada Somalida, waxaa shaki badan keenaya shir loo qabtay Dowlada KMG ah iyo Ahlusuna oo labaduba gacan saar laleh Itoobiya laakin marka docda kala laga eego dowladda KMG ah waxay helaysaa awood ah in ay maamulkeeda gaarsiiso degmooyinka Guriceel,Dhuusamareeb oo ay fariisin ku leeyihiin Ahlusuna Garabka Heshiiska lagelaya dowladda.

- abdisamad3
- SomaliNet Super

- Posts: 12628
- Joined: Sat May 30, 2009 10:18 am
- Location: Kismayo
Re: Ahlu Suna divided in 2 groups
what garab do you support abtii?
- CoolPoisons
- SomaliNet Super

- Posts: 10533
- Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am
Re: Ahlu Suna divided in 2 groups
dee garabka tolkeyga. waxay u kala jabeen Garab Hawiye iyo Garab Marehan (iyo qaar Dir).abdisamad3 wrote:what garab do you support abtii?
Kuwa Hawiyuhu waa kuwa ku qaraabtey magaca oo xildoon aha. Garabkeyna want nothing to do with the weak TFG and only want maamul for our deegaans.
Re: Ahlu Suna divided in 2 groups
fiican badanaa
Re: Ahlu Suna divided in 2 groups
walle really good news weeye
just woke up , eating breakfast .. and turn on the computer and read delightful new like this
coolp. warfaafin fican
coolp. warfaafin fican
- sheekh-Farax-zero
- SomaliNet Super

- Posts: 7590
- Joined: Sat Apr 05, 2008 9:04 am
- Location: pppppppp
Re: Ahlu Suna divided in 2 groups
Ehlu-bakhti-wal-nifaaq

- abdisamad3
- SomaliNet Super

- Posts: 12628
- Joined: Sat May 30, 2009 10:18 am
- Location: Kismayo
Re: Ahlu Suna divided in 2 groups
okey waan fahmay intaas..CoolPoisons wrote:dee garabka tolkeyga. waxay u kala jabeen Garab Hawiye iyo Garab Marehan (iyo qaar Dir).abdisamad3 wrote:what garab do you support abtii?
Kuwa Hawiyuhu waa kuwa ku qaraabtey magaca oo xildoon aha. Garabkeyna want nothing to do with the weak TFG and only want maamul for our deegaans.
-
grandpakhalif
- SomaliNet Super

- Posts: 30687
- Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
- Location: Darul Kufr
- Contact:
- king of kismayo
- SomaliNetizen

- Posts: 449
- Joined: Tue Dec 08, 2009 4:52 am
Re: Ahlu Suna divided in 2 groups
walaalaha galgaduud

- The_Emperior5
- SomaliNet Super

- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: Ahlu Suna divided in 2 groups
Ma alshabaabsheekh-Farax-zero wrote:Ehlu-bakhti-wal-nifaaq![]()
![]()
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 5 Replies
- 655 Views
-
Last post by Somalian_Boqor
-
- 10 Replies
- 143 Views
-
Last post by Voltage
-
- 12 Replies
- 1308 Views
-
Last post by edleh
-
- 11 Replies
- 877 Views
-
Last post by snoop12
-
- 4 Replies
- 634 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 2 Replies
- 376 Views
-
Last post by AhlulbaytSoldier
-
- 2 Replies
- 6 Views
-
Last post by Shirib
-
- 1 Replies
- 548 Views
-
Last post by Archerr