
“Dadka Laga Soo Wariyey Siillaanyo Hargeysa Uma Dhalan, Afkaasi Maaha Afkii Reer Hargeysa Iyo Ummada Wax Kala Garanaysa Ee Waa Afka Udub”
Mujaahid Muuse Biixi
Burco, March 14, 2010 (Haatuf) – Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Mujaahid Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay hadalada looga jeedinayo inanu gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo aanu u dhalan Hargeysa ay yihiin afkii xisbiga UDUB balse aanay ahayn afka reer Hargeysa iyo ummada wax kala garanaysa isagoo intaa ku daray in xoghayaha guud ee UDUB Jaamac Yaasiin Faarax uu yahay nin oday ah oo reer Hargeysa cidna aanay odhan Karin ma dhex mari karo hargeysa.
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo hogaaminaya waftiga xisbiga KULMIYE ee ku sugan magaalo madaxda gobolka Togdheer oo ay shalay kulan soo dhoweeyn ah u Sameeyeen maamulka KULMIYE ee gobolka Togdheer. Kulankaasi soo dhawaynta ah ee loo sameeyey masuuliyiinta sar sare ee xisbiga KULMIYE oo uu ugu horayn ka hadlay Guddomiyaha Xisbiga Kulmiye ee gobolka Togdheer, Sahal Aadan Maxamed oo ugu horayn kulankaa ka hadalay ayaa waxa hadaladiisa ka mid ahaa “waanu ku faraxsanahay imaatinkani waftiga gudoomiye ku xigeenku hogaaminayo dadkani waxa ay isugu soo beexen soo dhowayntiina. balse waxa ay dadku jeecel yihin in aad la hadashaan maadama aad tihin madaxdi Xisbiga waa in aad noo warantaan”ayuu yidhi Mr Sahal,
Guddomiye ku xigeena koobaad ee Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo halka hadal kooban ka jeediyay ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “marka hore waxa aan idiin sheegayaa Somaliland way ku dhadataa Burco wayo halgan kasta oo dalkani soo maray waxa ay ka gashaa kalinta koobad sida awgeed Afrika marki gumaystayaashu Cashuurta ku soo rogeen Burco waxa ay ahayd meelihi u horeyay ee diidmada kala hor yimi, dhanka kale loonanka Asaxaabtu midba mawqifbu sitaa Kulmiye waxa u sita Nabad iyo horumar waxa uu donayaa in bulshadiisa uu wax u qabto. Manta sida aynu ka war hayno Xukuumada Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin waxa ay qabatay waa laga wada dheeregsan yahay waxa la odhan kara waxa ugu weyn ee muuqdaa waa arinta gacan ku dhigida gobolka Sool, Xaga kale waxa jiira hadalo ka soo baxa dad reer Hargaysa ah oo laga warinayay in ay yidhahdeen Axmed Silaanyo Hargaysa uma dhalan ee Burco u dhashay arintaa waxan idin leeyahay arinaas ma ahaa afka reer Hargaysa iyo ummada wax kala garaynasa ee waa afka Udub,waxa manta dhacday ee Udub tidhi Hargaysa Xogahaya Guud ee Udub Jaamac Yaasiin Faarax ma dhex mari karo Silaanyona wuu dhex tamashlaynayaa hadaba waxa aan leyahay Udub Jaamac Yaasiin Faarax waa nin oday oo reer Hargaysa ah cidina ma odhan karto ma dhex mari kartid Hargaysa”
Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed ayaa isna sheegay in Xukumada talada haysaa ay ku fashilantay mashaariic badan oo dalka horumar u keeni lahayd kuwaas oo ay qaar ka mid ah is hor taagtay. ilaa Iminkana ay Burco ka bedeli kari
la,dahay lacagta Giinbarta ah ee gacmaha dadka ku dhamaatay,
Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf ayaa waxa isna hadaladiisii ka mid ahaa “Anigu waxa aan ka mid ahay xildhibanadi gobolkan laga soo doortay in badan ayaanu ka hadalnay lacagta Giinbarta ah tiroba sadex jeer ayuu goluhu ansixiyay miisaniyadii ay ku jirtay lacagti lagaga bedeli lahaa. hadaba iyada oo ay badan yihin baahiyaha ka jira gobolkan waxa aan idiin odhan lahaa mar haday sida tahay ka hadalka dhibatooyinka gobolka waxa idiinka faa,iido roon idiinkoo Daahir Rayaale bedela oo aad codkiina siisaan Kulmiye anagaa maalin qudha ku bedelayna lacagta Giinbarta ah”.
Waxana u inta ku daray in xukumada manta talada haysaa in ay waxqabad kii dalka ka dhigatay mashaaricaha shacabku sameeyan oo ay xadhiga ka jarto intay wasiiro u diraan.