ANYWAY HERE IS THE NEWS WHERE I FIND IT
THAT_GURL CAASHO YUSUF U KNOW THE SOCALLED PRESIDENT OF SOMALIA U KNOW HIS ASS IS STILL IN EXILE IN NAIRIOBI
MANY THINKS THAT HE DID THIS SO THAT THE HOPES THAT THE UGANDAN FORCES CAN COME TO SOMALIA WHAT AN STUPID AS BITCH
Sooryo lagu waday inay kala qaataan 26-ka bishaan madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Uganda ayaa dib u dhac soo wajahay, sida ay baahisay jariidada UgandaTimes ee ka soo baxda dalkaasi.
Wargeyska Ugandatimes ayaa waxa uu sheegay in gabar uu dhalay madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed uu siiyay sarkaal ka tirsan ciidamada nabad sugidda madaxtooyada Uganda gaar ahaan wiil uu adeer u yahay madaxweyne Yuweri Musaveni, sidaas darteedna loo ballansanaa in 26-ka bishaan ay isa soo hor fariistaan odayaasha dhaqanka iyo labada madaxweyne, si loo kala qaato caado dhaqameedka loo yaqaano sooryada, hase ahaatee taasi ma dhicin oo waxaa soo wajahay dib u dhac, kadib markii uu cudur daartay madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo haatan ku mashquulsan sida uu sheegay xallin khilaafaat iyo dib u dejin dowladeed.
Dhaqanka Soomaalida & Uganda ayaa aad isugu dhow haddana aad u kala fog marka la eego diimaha ay kala heystaan iyo rumeysanaanta Afrikaaninimadooda ayuu leeyahay wargeyska.
Inkastoo uu madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo president Yuweri Musaveni ay xilliga ay gabadha isa siinayeen isku qabeen muxibo aad u weyn, haddana taasi ma muuqato ayaa maanta la dhihi karaa, marka la eego halka ay ku danbeeyeen ciidamadii laga sugaayey dalka Uganda oo loo hakiyay cadaadis dhinaca shacabka Uganda ah.
Si kastaba ha ahaatee lama oga illaa iyo hadda xilliga dhabta ah ee dib loo kala qaadan doono sooryadaasi.
Nageeye Kaamil Diini.
Kambaala.
http://www.waagacusub.net/kambala.htm