barisamaadkii(suugaan)

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
hargaysaay
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8453
Joined: Sun Jan 17, 2010 7:32 am
Location: Best part about getting high having sex with you is geting high having sex with you part.

barisamaadkii(suugaan)

Post by hargaysaay »

CAYDIID CUMAR GODANE (ciidagale)

Gabaygana waxaa tiriyey Caydiid Cumar Godane isagoo ka yimi hawd sare wakhtiguna uu ahaa wakhti colaad xumi dhex tiil Ciidagale iyo Ogaadeen Dagaalo ba’anina ay socdeen markaa wuxuu tegay magaalada hargeysa dabeed wuxuu arkay nimankii Sacad Muuse oo intii Ciidagale dagaalka Ogaadeen ku jiray magaadadii qabsaday markaasuu gabaygan tiriyey.

1. Dacwad gabay Cismaanoow beryahan, doon isma lahayn
2. Iska daayey maansooyinkaan, kuu dubbayn jiray
3. Ka durduurta caawana midbay dihatay laabtiiye.

4. Reer Cali afmeerkii ma dego, dixida weynaaye
5. Dalandool ka noqay Maalinguur, dawriguu dhaqaye
6. Dooshii Ammaadin iyo Webi, daawad laga qaadye

7. Darka reer Ugaas ugama shubo, daaqatiyo ciin e
8. Toddobaatan baa shalay la dilay, dagada Haaruune
9. Reer dalalna waatii la baday, dawlad guun culus

10. Iminkaanay daafdaafinay, doolo iyo ciid e
11. Ushan diiba maxamuudidaa, duhur la maydhaayo
12. Laaskaa degtuun lagu hayiyo, duubka iyo shaalku

13. Kabahan dhaxanta loo diidayiyo, diilalyada joogta
14. Qaylidan dawaarkii cadmeed, lagu daruuraayo
15. Halka geelu duurkaa ku yahay, waan dul tegayaaye

16. Daarood ismaaciilba waa, kaan damaaciyaye
17. Mayntaan dushuun ugu sidaa, waanan dayn Karin
18. Dekadahan haddaannaan burburin, sida daraawiishta

19. Daaduun haddaannaan kadhigin, sida raggii dooya
20. Haddaannaan dad qaladkaad ogayd, idinku soo daynin
21. Oo weerarkaan diro sanguh,u dacar ku xeegaysan
22. Walee daahirow dhalashadeen diirka sare maaha.

Gabaygan waxa ka jawaabay nin Sacad Muuse ah oo la yidhaahdo Haybe Deyr. Fadlan soo dir haddaad hayso.



ps this is just history not qabiil :up:
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”