sidoo kale waxa uu sheegay in shirkadani ay marxalado kala duwan soo martay, iminkana ay meel wanaagsan marayso.Sidoo kale halkaa waxaa ka hadlay,Maxamuud Xaaji Adam oo ah gudoomiye ku xigeenka telesom Somaliland,waxa uu marka hore u mahadnaqay dadwaynaha ka soo qayb galay dhinacyadooda kala duwan,waxa uuna sheegay in shirkadan la aasaasay 2february 2000,waxa kale oo uu sheegay in ay wax badan ka qabteen meelo badan oo aanan ateenada shirkadu markii hore ayna gaadhi jiin, illaahay fadligii iminkase ay meelo badan oo ka mid ah goboladan Awdal/Salal ay gaadhsiiyeen,waxa uuna ka soo qayb galayaasha ka codsaday ina ay soo sheegaan meelaha kale ee anan mobilku gaadhin, si loo rakibo ateenooyinka soo gudbiya khadka mobilka.sidoo kale waxa uu sheegay in ka shirkad ahaan ay ka qayb qaataan, horumaka goboladan Awdal/Salal, kalana siman yihiin gobolada Somaliland ee kale.sidoo kale waxa uu sheegay in ay wixii kale oo horumar, socda goboladan ay noqonayaan, shirkad ahaan kuwa ugu horeyn doona.
Sidoo kale waxa uu sheegay in ay dhawaan hirgaliyeen,Adeega SAAD kaas oo u fududaynaa dadwaynuhu inay lacagtooda ku qaataan mobilka,halkii markii hore ay khasnadaha iyo xawaaladaha ay dhigan jireen, si fududna ay wax uga iibsan karaan meheradaha kala duwan ee goobkasta.sidoo kale waxa uu sheegay in ay dhawaan hirgalinayaan adeega wareega oo ah adeeg dadka ganacsatada ah ee aanan ka maarmin numberkooda loogu samayn doono meel alla meesha ay aduunka ka tagaan,uuqaadan karo numberkiisii istcmaali karana si fudud.sidoo kale waxa uu sheegay in, 56qof oo shaqaale ah ay iminka ka shaqeeyaan degmada Borama,labada gobol ee Awdal/Salalna ay gaadhayaan shaqaale 100qof kor u dhaafaya.
Sidoo kale halkaa waxaa ka hadlay Sheekhul baladka degmadan iyo goboladan Awdal/Salal Sh/C/laahi Sh/Cali Jawhar, waxa uuna sheegay in uu si wanaagsan u soo dhawaynayo ka soo qayb galayaashi xafladan, iyo shirkadan telesom ee soo agaasimtay.sidoo kale waxa uu sheegay inay horeyna uga qayb qaateen horumarka bulshada iyo baahiyaha aasaasiga ah iminkana looga fadhiya inay kala qayb qaataan wixii baahiyaha ah ee degdega ee iminka taagan oo ay ka mid tahay wadooyinka , caafimaadka, waxbarashada, iyo arimo kale oo fara badan.sidoo kale halkaa waxaa ka hadlay Suldaan Xasan Xaddi(Baade) ,waxa uuna sheegay telesom inay ahayd tii na bartay mobilada,gacanta lagu qaato , waxa uuna sheegay inay ka dheregsan yihiin waxqabadka iyo wixii ay ka qayb qaadatay horumarka degmadan, iyo gobolkaba.
Sidoo kale halkaa waxaa ka hadlay Duqa magaalada Borama waxa uuna sheegay inay ogyihiin ka shirkad ahaan waxa ay bulshada u qabtaan , waxa uuna sheegay inay dhawaan nagala qayb qaataan xaga nadaafada taas oo waqti roobeedkii uu soo dhawyahay.waxa uuna sheegay inay la shaqayn doonaan telesom gacmo furana ay horey ugu soo dhaweeyeen iminkana ay barbar taagan yihiin.
Sidoo kale halkaa waxaa ka hadlay pro: Saleebaan Axmed Guuleed, waxa uuna sheegay in ay aad iyo aad u bogaadinayaan telesom, iyo hawlaha ay dadka u hayaan.waxa kale oo uu sheegay inay shirkadani shaqaalaysiisay da’yartii ka soo baxaysay jaamacadaha, si loo yareeyo dhalinta tahriibaysa.waxa kale oo uu sheegay ka jaamacad ahaan, in shantii computer ee ugu horeeysay ay noo keentay shirkadan telesom oo markii hore la odhan jiray Albarakaad.
Waxa uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay in da’ayarta loo dadaalo, waxa uuna kula dardaarmay madaxda telesom inay in illaahay lagu xidhnaado dhalinyaradana la soo dhaweeyo , jidkaa udhexeeya Dilla iyo Boramana loo fiiro yeesho hadaad tihiin shirkada telesom.
Sidoo kale halkaa waxaa ka hadlay Ganacsade C/laahi X/Ciise oo ku hadlaya afka ganacsatada goboladan Awdal iyo salal waxa uuna sheegay in ay horeyna usoo dhaweeyeen, iminka aan soo dhawaynayno,waxa kale oo uu sheegay inay halkaa ka sii wadaan dadaalkooda iyo horumarka ay gaadheen.
Waxa kale oo uu C/laahi aad u adkeeyay in shirkadani ay ahayd telesom tii ugu horeysay ee wadadaa u dhaxaysa Dilla iyo Borama ay gacantooda ku keeneen lacag dhan 10,000$Dollar,laguna sameeyay wado carro tuul ah oo la dhigay inta udhaxaysa Dilla iyo Boram. waxa sidoo kale uu urajanayaa telesom ka qayb qaadan doonto wadadaa oo iminka loo kaba xaytay ee la doonayo in laga dhigo wado laamiya, taas oo ah wadada udhaxaysa Dilla iyo Borama.
Sidoo kale halkaa waxaa lagu soo dhaweeyay Abwaanka Da’da yare e Abwaan Maxamed Cimaan Budin, oo halkaas ka soo jeediyay Maanso xanbaarsanayd amaan, iyo wax sheeg ku socotay shirkada telesom.
Sidoo kale halkaa waxaa lagu soo bandhigay Baqtiyaa nasiib ay shirkadu ugu talagashay ka soo qayb galayaasha oo lagu bixnayay Mobile ku shaqaynaya CadCeeda oo dhanaa Afartan Xabbo.Baqtiyaanasiibkaa ayaa waxa uu dhacay si dadkii ka soo qayb galay munaasabadaasi ay ku wada Qanceen.
Ugu danbayn halkaa waxaa xafladii soo Xidhay Gudoomiyaha Gobolka Awdal: Mudane:Maxamuud Sh/C/laahi , waxa uuna ugu mahadnaqay sida wacan ee xafladan shirkada telesom Borama u soo diyaarisay, waxa kale oo u mahadnaqay, ka soo qayb galayaashii soo ajiibay marti qaadkan,waxa uuna shirkada telesom ku sheegay inay tahay shirkad talaabsatay, loona baahan yahay in lagu daydo, iyadna ay ka qayb qaadato, wax ka qabashada baahiyaha aasaasiga ah ee bulshada dhexdeeda.
Isku soo wada duuduuboo xafladan ayaa waxa ay xafladihii hore kaga duwanayd, iyada oo ka soo qayb galayaashii , loo diyaariyay qado iyo sharaab.
Runtii waxa ay ahayd munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay waxa ayna ku dhaamatay farxad iyo hadalhayn farabadan, sida xaflada loo soo agaasimay.
Dhismahan ayaa noqonaya dhismihii 9sagaalaad ee ay shirkadani ka hirgaliso degmadan Borama, dhismahan maanta xadhiga laga jarayna waxa uu noqonoyaa dhismihii ugu quruxbadnaa ee dhismayaasha shirkadan sagaalka ah.dhismahan ayaa habeenkii marka gabalku dhaco waxa uu bixiyaa laydhadh kala duwan, taas oo aad is odhan karto, malaha waxaa joogta meelkale.
Isku soo wada duuduuboo, shirkadani waxa ay tahay mid ka qayb qaadatay , deegaanaynta, iyo bilicda degmadan Borama.








