EX UDUB Supporters JOINS KULMIYE

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

EX UDUB Supporters JOINS KULMIYE

Post by LiQaaye_TDH »

Image
Hargeysa(HWN):- Xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE, ayaa maanta xaflad qaabilaad ah u sameeyey tageerayaal ku soo biiray, ka dib markii ay ka soo diga-rogteen Xisbil-xaakimka UDUB. Munaasibaddaas soo dhawaynta ah ee loo sameeyay taageerayaashan ku soo biiray KULMIYE waxa ka soo qayb-galay Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Silaanyo, Xildhibaano Golaha Wakiillada ka tirsan, xubno ka socday Golaha dhexe ee xisbiga, Masuuliyiin kale iyo taageerasha cusub ee ku soo biiray KULMIYE.
Image

Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Axmed Siilaanyo oo halkaas ka hadlay, ayaa si weyn ugu mahad-celiyey taageerasha ku soo biiray, isla markaana waxa uu ku hambalyeeyey sida wax-ku-oolka ah ee ay u garteen inay ka soo baxaan xisbiga UDUB.
Image


Waxaana gudoomiyuhu hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi, “Waxa aad iyo aad farxad weyn iigu ah inaan maanta ka soo qayb-galo xafladdan qiimaha iyo qaayaha leh, ee dhalinyaro aad iyo aad u firficoon oo waddaniyiin ah oo garatay marxalad uu dalku marayo, baahida mustaqbalka dadka iyo dalkuba leeyahay iyo xisbiga u dan ah ummada inuu xilkeeda qaado, ee u soo diga-rogtay ama qiimyey xisbiga KULMIYE aad baanu idiin soo dhawaynaynaa.” Ayuu yidhi Md. Axmed Siilaanyo.



Waxaana uu intaas raaciyey oo uu yidhi “Waxaan u mahadnaqayaa xaafada Maxamuud Haybe [Xaafada Hawdka Hargeysa]Maamulayaasheeda, masuuliyiinteeda, rag, Dumar, dhalinyaraba iyo xubnaha xisbiga KULIYE ee xaadhada oo dhan doorka ay ka ciyaareen horumarinnta xisbiga iyo soo dhawayntaba.”



Gudoomiyaha taageerashaa ka soo baxay xisbiga UDUB ee Degmada Maxamuud Haybe ee Magaalada Hargeysa oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay oo yidhi “Waxaanu xisbiga KULMIYE ugu soo biirnay, waxaanu u aragnay oo aanu isku qancinay inuu yahay xisbi buuxin kara baahiyahaga iyo kuwa dalkaba.” Ayuu yidhi C/naasir Caga-weyne.



Waxaana uu ballan-qaaday inay xisbiga KULMIYE u halgami doonaan si ka adag sidii ay UDUB ula hawlgalayeen, isla markaana waxa uu tibaaxay in xisbiga KULMIYE u muuqdo mid ku guulaysana doorashada madaxtooyada ee fooda inagu soo haysa.



Masuuliyiin kala duwanayd ee iyaguna xafladaas ka hadlay, waxaa ka mid ahaa Maxamed Muuse Abees, Xildhibaan Maxamed Nuur Caraale [Duur], Xil. Jaamac Ismaaciil Cige, Dr. Islaaciil Cali Cusmaan, Axmed Xaaji Cali Cadami, Xamarji, oo si aan qiyaasi karin u soo dhaweeyey taageerayaashaas ku soo biiray xisbiga KULMIYE, iyaga oo tibaaxay inuu dalku isbedel u baahan yahay, isla markaana ay lagama maar maan tahay in la badbaadiyo qarannimada Somaliland.
User avatar
Sakhraan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3346
Joined: Tue May 23, 2006 7:14 am
Location: Hornyville.

Re: EX UDUB Supporters JOINS KULMIYE

Post by Sakhraan »

i'm all for it individuals joining other parties, laakiin it always amazes me when i read reer Hebel joins this party or that party........how can an entire qabiil join a party?..............Somaliland supreme court should ban the practice of reer hebel announcing Xisbi ku biir.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”