Sawirada Manta aabayaashii Mujaahidiinta SNM LIXLE & A. MIRE

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Bohol iyo karaman
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1060
Joined: Sat Dec 03, 2005 12:37 pm
Location: Is'argoof> Inta Sacad Yoonis dhaqaan yahay Sidaan falaaba ii furan

Sawirada Manta aabayaashii Mujaahidiinta SNM LIXLE & A. MIRE

Post by Bohol iyo karaman »

Image

NINka Bidix xiga ee salaanta bixinayaa waa Muj. Col. Axmed Mire Maxamed, Bidixda ninka ugu soo horeeyaa waa Muj. Col. Lixle
User avatar
Bohol iyo karaman
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1060
Joined: Sat Dec 03, 2005 12:37 pm
Location: Is'argoof> Inta Sacad Yoonis dhaqaan yahay Sidaan falaaba ii furan

Re: Sawirada Manta aabayaashii Mujaahidiinta SNM LIXLE & A. MIRE

Post by Bohol iyo karaman »

Mujaahid Axmed Mire Oo ka Warbixiyay Sidii Uu Ahaa Jawigii Gudagalkii Burco

Mujaahid Axmed Mire oo ahaa taliyihii hogaaminayay ciidamada SNM ee 27 May 1988 ee galay magaalada Buco, ayaa isaga oo ka waramaya xaaladii dhacday iyo siday ku galeen waxa uu yidhi “Qorshahayagaasi wuxuu ahaa mid ku wajahan xoogiisu inaani si degdega gacanta ugu dhigno magaalada Berbera, taas oo ahayd xaga bada xidhiidhka aduunka ee taakulaynta diyaaradoodaha isticmaalkoda oo waxyaabo badan aanu kaga hor tagayney ubucdii dalkana ahaa, Hargeysa iyo Burcana in markaa dagaal laxaadlihi ka dhaco, laakiin halkaanu beegsanaynay si aanu markiiba ummadayada u dagaal gelin karno oo markiiba aanu u heli karno awood taakulayna.

Qorshahaasi waxa uu ku salaysnaa markaa Berbera, markaa anagu waxaan u baxnay goobihii, runtii waxa aniga wali aad iigu dheer markii aanu ciidamada runta u sheegnay, ee aanu xaaladayada taakulayneed ee runta ah uga waranay, dhaqaaqa siyaasiga ah uga waranay, in maanta nafteenu tahay biime uga waranay, waxa naga hor yimid dareen aad u xoog badan oo mooral aad u sareeya ah, runtii ilaa maanta ma ilaabi karo saraakiil iyo ciidan-ba dadkii aanu la hadlaynay sida dhiiranida leh iyo sida kalsoonida leh ee ay u aaminsanaayeen hogaankooda iyo dagaalkooda, markaanu dhamaan ciidamadii wada marnay ee soo dhamaynay socdaalkii waxanu shir u qabanay oo isugu yeedhnay madaxdii ciidamada Kaam Abokor, halkaas ayaanu qorshihii dagaalka madaxdii ku siinay”

Mujaahid Axmed Mire isaga oo taariikhda wali ka hadalaya waxa uu intaa ku daray “ xilligaa markaan dib u eego wax taakulayn ah oo aanu gacan ku haynay ma jirto, qoryaha inta noogu jirtay ayaanu gacanta ku haynay xataa shidaal markaa gacan kumaanu hayn isla-goobtaasi ayaanu ku qabanay ragii shidaalka dooni lahaa wixii hanti ah ee aanu markaa haysanayna iyagaanu gacanta u galinay, ka dib waxay u ambabaxeen Jigjiga si ay shidaal noogu soo iibiyaan, kolkaa shidaal dadka gudaha uun gaadhsiin kara ayaa laga filayay inay keenaan oo waliba ururisa oo khiyaamo, gabasho iyo baryo ah oo wakhti qaadanaysa, waxa markaa na soo gaadhay in Itoobiya ay nagu amrayso inaanu ka nimaadno halkaa oo waddadii qaaxo-na dib u dhaafno oo meel iyaga ciidamadooda ubucdooda ah aanu degno, markaa arrinkaasi wuxuu nagu sii dhaliyay dareen labaad, ka dib waxaanu goosanay markaas si adag inaanu uga warwareegno amarkaa si toosana aanan isugu dhicin, markaa taliskayagii wuxuu galay inuu ka yara meeraysto inaanu amarkaa fulino. Waxaanu weydiisanay si toosa inay na siiyaan shidaal aanu ku soo guurno anagoo markaa ku talo jirna shidaalkaa laftiisa inaanu gudaha ku galo, way noo diideen shidaalkii waxay ku balan-qaadeen inay bixinayaan gaadiid ay iyagu leeyihiin oo na soo qaada oo meelihii naloogu talo galay ay na geeyaan, markaa waxaanu nidhi si aan arrintu inooga kala dhicin oo aanay dhibaato inoogu iman inaanu la hadalo Itoobiya intii la wada hadlayay ayaa diyaar-garowgayagii aanu wadnay ku dhamaystiray.

Ka dib waxaanu goosanay inaanu ka gadhsiino waayo wakhtigii wuxuu nagu noqday mid aad iyo aad u cidhiidhi ah, markii aanu ogaanay in taakulayn noo soo kordhaysa inaanay jirin iyo dareenyar oo ka jira gudahayaga aan loo geli karayn dalka ama aan isku maalin loo wada gali Karin, waxaanu goosanay in ciidamadii anigu markaa aan hogaaminayay ee dhinaca bariga waxaanu halkaa ku gaadhnay go’aan, go’aankaasi wuxuu bedelay qorshihii hore ee ciidameed ee Diridhaba aanu ku gaadhnay, waxanu markaa goosanay in Burco la galo, in laba maalmood ka dib Cadaadley la galo in islamarkaa lagu dayo hakis oo ciidamo loo qaybiyo gurmadyada Burco ku soo gurmanaya ee Laamiga bariga kaga imanaya ama dhinaca waddada Oodweyne qorshahaas ayaanu markaa gaadhnay ka dib waxaanu urursanay tuulo walba iyo meeshii baabuur yaala-ba wixii aanu ka heli karaynay ee shidaala, shidaalkii aanu helay wuxuu noqday mid Burco na gadhsiiya oo aan naga soo celin karayn, baabuurtii anu wadanay inta qoryuhu saaran yihiin mooyee inta kale waxa leh dadweynaha oo rag baa baabuurtooda u huray inay goobtaa ku gubtaan ama aanay dib ugu soo noqon, markaa gaadiidkii dadweynaha iyo gaadiidkayagii oo tiraba ilaa dhawr iyo sodon baabuur isku noqonaya ayaanu isku ururinay, ciidamada si cad baanu ugu sheegnay , in la tagayo dalkii oo aynu ku dagaalamayno taakulaynteenu waxay taala Burco, sidaa aawadeedna inaynu ku furano rasaas iyo shidaal mid inooga dhawina ma jirto.

Markaa qorsahayaga dagaal waxa uu ahaa maadama labada dawladood heshiis wada galeen inaanu ka dheerayno wada hadalkooda iyo isu imaatinkoodu intaanu dhicin inaanu meesha ganlo, waxaanu markaa naawilaynaa haddii ay taasi noo suuro gasho in Itoobiya noo ogolaan karto taakulaynta, markaa sidaas ayaanu kaga soo ambabaxnay Samatar Axmed, waxaanu markaa xuduuda ka soo galnay meel Balli-dhiig galbeed ka xigta waxaanu markaa filaynay inaanu dhexda oo ay ilaaliyaan had iyo jeer inaanu ciidamo iskaga hor nimaadno nasiib wanaag iyagana ciidamadayadii sahanka iyo ciidamadoodu waxay iskaga hor yimaadeen Xaydh-ducato oo halkaas waxa ka bilaabmay dagaal yar oo dheg umaanu dhigin ee ciidamayadii umaanu joojine socdaalkayagii baanu qaadanay waagu markuu beryayey waxaanu ku qaybsanay ciidamadii dhaqaaqii u danbeeyay amarkii aaxanu ku kala siinay Burco dusheeda bartii ciidamada dusheeda, markaan sidaa magaalada u eegnay dhaqaaqii ugu horeeyay waxa magaaladii ka baxay ka hor inta aanan soo gelin badhasaabkii Sanaag baabuurkii ugu horeeyay buu ahaa ee meesha ka baxay, markaa ciidamadayadii dhinaca Laamiga joogay waxaanu u sheegnay inay sii daayaan si aanu noo fashilin haday rasaasi dhacdo, sidaas ayaanu ku sii daynay badhsaabkii wuxuu ahaa Af-Gaab, waxaanu markaa magaalooyinka ku soo fasaxnay Jaad aad u faro- badan. Waxa kale oo isna na taageerayey ciidamo badan oo iyaguna Burco joogay oo u diyaar ahaa inay markiiba nagu biiraan oo ciidamdii dawlada ka mid ahaa sida ciidamadii madaafiicda goobta, waxa kale oo iyana na taageeraysay maalintaas oo maalin Jimce ahayd, waxa kale oo na taageeraysay iyadoo ay ciidamadu isku halaynayeen dawladooda heshiiska ay ka wado Itoobiya oo aanay filayn in loo iman karo wakhtigan oo markaa kalsooni buuxda siisay dawlada itoobiya inay gacanta nagu hayso. Waxa kale oo iyana na taageerayay xog-laga helay Itoobiya oo ay soo siisay ciidamada Soomaaliya, waxay soo siiyeen ciidamadii Itoobiya SNM inay gacanta ku qabatay marka laga reebo waxaanay gacanta ku hayn nin la yidhaado Axmed Mire iyo inyar oo ciidan ah oo uu nagala goostay markaa taliyihii joogay Herer Janaraal Abare ayaa bixiyay xogtaa oo qoraala usoo diray qaybta 26aad ee Hargeysa, markaa Janaraal Abare waxa uu hadana ahaa hogaamiyihii inqilaabka qoladii doonaysay inay ka samayso Itoobiya gudaheeda, markaa waxa loo qaatay warkaasi inuu yahay wax aan saamayn karayn xasiloonida dalka oo uu markaa Axmed Mire inyar oo ciidan ah buuraha Ceerigaabo la tagay ayay u qaateen, waxa kale oo iyada na taageeraysay madaxdii qaybta 26aad iyaguna waxay markaa wadeen heshiiska Itoobiya lala galayo oo xagan ayay ku soo maqnaayeen kolkaa sababahaas oo badan waxay noo ahaayeen anaga taageero, waxaanu si toosa u abaarnay taliska ciidamada gaaskii 3aad ee Burco, waxa kale oo aanu si toosa u abaarnay ciidamada lidka diyaardaha si aanu uga hor tago isticmaalka diyaaradaha anaga oo qiyaasaynay inay isticmali doonaan diyaaradaha. Waxa kale oo aanu markii-ba iyaga sidii heshiiskayagu ahaa wadahadalkii loo sii dhamaystiray oo gacanta ku dhignay ciidamadii madaafiicda goobta, markaa qorshuhu sidaanu filaynay ayuu runtii noogu dhacay, waxay isu bedeshay markii ciidamada SNM soo galeen Hargeysa waxay markii-ba la soo xidhiidheen ciidankii Mandheera joogay, ciidankii mandheera markaa waxa uu u gudbay inuu Hargeysa gurmad u noqdo oo ciidamadaas laxaadka ku dhacaya ama galbeedka isugu gurman kara uu ka qaado. Ciidamada maalintaa aan watay waxa tiradooda lagu qiyaasa 1000” .
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”