Page 1 of 1

Gabaygi Xaaji Cabdi Ayuub.

Posted: Sun Apr 04, 2010 4:04 pm
by Mr_Alfaas
waxaan jecelahay inaan idinla wadaago gabay caan aha oo uu tiriyey odaygi xaaji cabdiraxmaan ismaaciil(Haaji abdi ayuub).here it goes.

Ducadii Waligeeni Waalidkeeni Sheikh Cabdiraxmaan Ismaaciil (Sheikh Cabdi Ayuub) uu Kaga tiraabay qaddiyada Durriyadda sagaashan sano ka hor:

Allaa mahad leh Mawlaha khalqiga magan Ilaahbaa leh
Malaa’igta Khayrkuun sidiyo Maxammad baa Nuur leh
Inta maqashay ee raacday iyo magac Islaan baa leh
Inta Mawle garansiiyay iyo marina daw baa leh
Sidii wali cilmiga maamiyay oo meel fog ka arkaaya
Oo waxa dambiga lagu muto iyo waxa ka maydhaaya
Intuu maadadaa kuu fasiray raacay marinkiisa
Mashquulkaa waxa iigu wacan meel fog baan tagay eh
Maqribkii Makaan ka adimaa Maydhna subaxii eh
Carshigaan mushaaxaa sidii malag Ilaahay eh
Midigtii Rasuulkaan ahay iyo Mudanow Sheekhii eh
Martida waxan ka sooraa halkuu maalkayagu yaale
Nina ima malayn karo markaan mawjadaa galo eh
Minawara waxan kala hadlaa mayt iyo xay eh
Maqalbaan hangool u sidaa maalin iyo layl eh
Markab laba musbaar maqan tahay ayaan meel ka kabayaa eh
Maroodi baan u cawsaynayaa maangad yuurara eh
Ana kama maqnaan karo iyana igama maarmaan eh
(xigasho: Cumar Cismaan).

..lol odaygu suufi buu aha ayan filayaa.. :up: :lol:

Re: Gabaygi Xaaji Cabdi Ayuub.

Posted: Sun Apr 04, 2010 8:45 pm
by guryasame
Cajiib:

Murtidaa ku dhehan alfasow waa mid ka maqane
Maqaamkiisa buu sheekhu Muuqa soo dhigaye
Mathalada waa inaad macna hoos u dhugataye
Ama Madad uun tidhahda oo muranka daysaa

Re: Gabaygi Xaaji Cabdi Ayuub.

Posted: Mon Apr 05, 2010 11:28 am
by hargaysaay
may god bless his soul :up: :up: :up: :up: :up:

Re: Gabaygi Xaaji Cabdi Ayuub.

Posted: Mon Apr 05, 2010 6:07 pm
by HooBariiska
caadi maaha walee, is this available on audio? how old is this gabay?

Re: Gabaygi Xaaji Cabdi Ayuub.

Posted: Tue Apr 06, 2010 3:35 pm
by Mr_Alfaas
Timo_Case wrote:caadi maaha walee, is this available on audio? how old is this gabay?
i searched an audio,bt couldnt find it...sxb this gabay is about more than hundred years Old......Odaygan was the friend of the current Gudoomiye ku xigeenka guurtida Sh Ahmed Sh Nuux Furre's Father.....Marka qiyaas ahaan sidan ku hayo taarikhda wa ilaa 120 sanno ka hor ayey aheyd ayan filaya.