UDUB Is About To Collapse

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

UDUB Is About To Collapse

Post by LiQaaye_TDH »

This Statement came yesterday from Xoogahaya Difaaca Xisbiga UDUB, and he Made it Clear UDU#B is not ready for an election, and they are about split up to 3 diffrent groups!


C/laahi Maxamed Jaamac (Caray),oo ah xoghayaha difaaca iyo nabadgalyada ee xisbiga UDUB, ayaa maanta markii uu dhamaaday heshiiska xeerka anshaxa doorashooyinka ee saddexda xisbi iyo Komishanka doorashooyinku ay ku kala saxeexdeen Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, ka dib saxaafada uga waramay in aan xisbiga UDUB haba yaraatee diyaar u ahayn doorashada madaxtooyada ee la filayo in ay dalka ka qabsoonto bisha June ee sanadkan 2010-ka.

Waxaanu ku sababeeyay in xisbiga UDUB aanu u dhisnayn qaab xisbiyeed, sababtoo ah waxa aan jirin gudidii fulinta ee xisbiga iyo golihiisii dhexe ee xisbiga, taas oo shirweynihgii ugu danbeeyay uu madaxweyne rayaale balan qaaday in uu isagu soo xulayo xubnaha labada gole ilaa hadana ay jeebka madaxweyne rayaale ku jirto oo aanay jirin wax uu sameeyay.

C/laahi Maxamed Jaamac (Caray), waxa kale oo uu sheegay in xisbiga UDUB uu yahay saddex qof oo keliya, kuwaas oo kala ah guddoomiyaha xisbiga Daahir Rayaale, xoghayaha guud ee xisbiga Jaamac Yaasiin Faarax iyo Cismaan Hindi oo uu sheegay in aanu garaynayn meel uu ka socdo iyo meel uu xisbiga udub ka soo galay toona.

Mudane Caray waxa uu sheegay in guddidii fulinta iyo golihii dhexe ee xisbiga UDUB-ba uu iminka yahay Cismaan Hindi.

Waxa kale oo uu sheegay in munaasibadii maanta ka dhacday huteel maansoor ee ay xisbiyada qaranka iyo komishanka ku kala saxeexdeen Huteel Maansoor, oo Guddoomiyaha nabadgalyada iyo difaaca ee xisbiga UDUB Mr. Caray ka mid ahaa masuuliyiintii xisbiga UDUB uga qayb galay xaflada ay xisbiga UDUB saxeexiisaasi ahaa been, halka ay labada xisbi mucaarad ay iyaga dhab ka ahayd saxeexu.

Mr. Caray waxa kale oo uu ka dhawaajiyay in uu isagu UDUB nimada u qabtay, kulana heshiiyeen markuu xisbiga soo galayay heer gobol, iminkana uu isagu wax walba noqday oo uu ilaa Madaxtooyada nooga soo waramo.

Waxa kale oo uu xisbiga UDUB u soo jeediyay in aan sida uu iminka xisbigu yahay waxba ugu soconayn, hebel baa nagu soo biiray iyo reer hebel baa inagu soo biiray toona, waxaanu ahaa xisbiga UDUB inuu noqdo ka ugu horeeya ee isagu inta uu habka qabyaalada ka baxo, habka dimuqraadiga u guura.

C/laahi Caray ayaa sheegay in ragii nafta lahaa ee hore ugu jiri jiray xisbiga UDUB ay ka dhaqaajiyeen, balse inta ku hadhay ay tahay kuwo aanu dhiigoodu diiranayn.

C/laahi Maxamed Jaamac (Caray), waxa uu ugu danbayntii ku hanjabay haddii uu xisbiga UDUB, taas waxba ku qaban waayo, oo sida ay xisbiyadu u dhisan yihiin xisbiyada kale la mid noqon waayo, in uu sheegi doono boqol ceebood oo uu xisbiga UDUB leeyahay.

Xisbiga UDUB ayaa baryahan danbe ay masuuliyiintiisu marka ay ka hadlayaan fagaarayaasha kala kulmayeen shacabka qaylo iyo foodhi, taas oo muujinaysa in xisbigaas ay ka sii lumayso kalsoonidii uu shacabka ku dhex haystay.

Waxaana dhawaaqan cusub ee ka soo yeedhay Guddoomiyaha nabadgalyada iyo difaaca ee xisbiga UDUB ay ku keeni kartaa burbur hor leh.
User avatar
salafi_student
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2223
Joined: Mon Dec 19, 2005 3:47 pm
Location: If you would only listen, I can educate you!

Re: UDUB Is About To Collapse

Post by salafi_student »

Liqaye ina adeer waran ...

Did you know Silaanyo is accused of been a war criminal and his case is passed to the American court?

Read all about it:
Waxa dhowaan loo gudbiyey maxakamda sare ee Maraykanka dacwad muddo sanado ah socotey oo ay soo oogeen dad markii hore Soomaali ahaa haatanse u ololeeya maamulaka gooni-u-goosiga Soomaaliland.

Waxa dad badan oo is lahaa malaha caradii dagaalada sokeeya way sii yaraanaysaa la yaab ku noqotey sida dadka qaar ay uga go'an tahay in la sii qodqodo oo marba la soo nooleeyo is nacayb la dhex dhigo Soomaalida. Arrintan oo ahayd mid si aad ah looga soo fekeray marka aad eegto ninka la soo abaarey oo ah nin wax qabadkiisa iyo shakhsiyadiisuba u taagan yihiin qaranka Soomaaliyeed, ayaa runtii kicisey carada dad badan. Taas oo ahayd ujeedadii markii horeba arrinta laga lahaa.

Haddaba su'aashu waxay tahay; Ahmed Siilaanyo Imisa qof buu diley ama ceqaabey?, maadaama nin waliba nidaamkii uu madaxda ka ahaa wixii soo maray la weydiinayo? Su'aashaas waxaan weydiiyey nin aan magciisa ku soo koobayo Kamaal (maaha magaciisa runta ah) oo ii sheegay arrin iga fajicisey: Siilaanyo wuxuu diley aabahey!

Waxay ahayd bishii sadexaad 1991-kii. Ciidanka SNM oo uu hogaaminayo Gaashaanle Dhexe Ahmed Mire. waxay Yimaadeen deegaanka caanka ah ee Jidbaale ee gobolka Sool, iyagoo dadkii degaanka shir isugu yeeray si looga tashado maamul sameyn iyo nabadeynta beelaha maadaaama dawladdii dhexe dhacdey. Waxaa baabuurta lagu soo xirxirey calamo cadcad iyo caleemo qoyan oo ka tarjumaya nabad iyo farxad. Waxaa shirkii yimi ilaa 100 nin oo degaaanka Sool ah. Markii shirkii loo fadhiistey ayaa duhurkii waxa golihii wareeg ka qabtey ciidan SNM ah oo qarsoonaa oo wata tekniko xoog leh. Waxa markiiba hubka laga dhigey dadkii shirka loogu yeeray oo qaarkood qoryahoodii reer miyiga wateen. Waxaa la isugu geeyey meel banaan waxaana lagu amrey inay xaga qoraxda u jeestaan. Ka gadaalna waxaa lagu furey qoryaha baaska ah. Goobtaas waxaa lagu diley aabahay iyo 82 nin oo kale. Waxaa ka badbaadey tobaneeyo nin oo iyagu markii horeba shakiyey oo cararaey markii ay ciidanka kale arkeen, iyagaana arrinta soo sheegay oo warka keenay.

Dadku maxay u wada fakan waayeen markii la arkay ciidanka? Waxa loo sheegay in ciidanku yahay waardiyihii Ahmed Siialaanyo oo shirka imanaya, una socda koonfur. Waxaa la isku haleeyey madaxda ciidanka oo uu hogaaminayey G. dhexe Axmed Mire oo la wada garanayey, oo la is lahaa waxba dhici maayaan inta uu joogo!

Maxaa loo dacweyn waayey Axmed Siilaanyo?

Kamaal; Lama rabin in arrimaha dadka kiciya la sii wad wado, waxaan rajaynayney in la iska ilaawo wixii la soo maray oo aan dadka la sii kala fogeyn. Laakiin haddii laga hari waayo arrimaha noocaas ah waxay noqoneysaa in Siilaanyo iyo wixii la shaqeyn jirey la dacweeyo.

Waxan weydiiyey ma markaas keli ah baa arrinkan oo kale dhacay?

Kamaal; maya, marar badan buu uruuka SNM dad shacab ah xasuuqey.

Imisa qof bay dileen, inta aad maqashey?

Kamaal: Ilaa toban kun oo qof oo Sool iyo Sanaag iyo Buuhoodle ah bay dileen!, markhaatiyaashii weli wey nool yihiin.
User avatar
Cali_Gaab
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14013
Joined: Wed Oct 17, 2007 8:50 pm
Location: Sleeping next to my life's cottage

Re: UDUB Is About To Collapse

Post by Cali_Gaab »

:lol: :lol: I was just telling ina riyaale Bohol & karaman that.

Liqaaye, who is Jaamac Yaasin Faarax??

Salafi, you got some serious mental problems kid.

Look at this:

:sland: <===== Now you can't sleep for another week. :clap:
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: UDUB Is About To Collapse

Post by LiQaaye_TDH »

Salaafi....Silaanyo has more Connection with the US, then Couple of ASylum Immigrants from Laascanood!

Caligaab...... Jaamac Yaasin is the New (Jugsoodhacay) Odayga Indhaha Waaweyn ee Bidaarta weyn, Kana Qaylqayliya Meelahas, sido Qof Waalan oo aad moodo in Mental Hospital laga soo saaray Ku Yaalay Jahannaba!
User avatar
salafi_student
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2223
Joined: Mon Dec 19, 2005 3:47 pm
Location: If you would only listen, I can educate you!

Re: UDUB Is About To Collapse

Post by salafi_student »

Cali gaab ina adeer what is wrong ?

Liqqaye ina adeer, the fragile guy won't be so fast of travelling to US with Somali Passport next, his trail awaits.


Ok later
User avatar
Cali_Gaab
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14013
Joined: Wed Oct 17, 2007 8:50 pm
Location: Sleeping next to my life's cottage

Re: UDUB Is About To Collapse

Post by Cali_Gaab »

LiQaaye_TDH wrote:Salaafi....Silaanyo has more Connection with the US, then Couple of ASylum Immigrants from Laascanood!

Caligaab...... Jaamac Yaasin is the New (Jugsoodhacay) Odayga Indhaha Waaweyn ee Bidaarta weyn, Kana Qaylqayliya Meelahas, sido Qof Waalan oo aad moodo in Mental Hospital laga soo saaray Ku Yaalay Jahannaba!

:lol: :lol: . Oo ayuu yahay na?
Dhaga Bacayl
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8363
Joined: Tue Dec 23, 2003 7:00 pm
Location: H-Town in Somaliland

Re: UDUB Is About To Collapse

Post by Dhaga Bacayl »

salafi_student wrote:Cali gaab ina adeer what is wrong ?

Liqqaye ina adeer, the fragile guy won't be so fast of travelling to US with Somali Passport next, his trail awaits.


Ok later

He has Britsh passport!..Now what?
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”