UDUB Is About To Collapse
Posted: Wed Apr 14, 2010 6:02 am
This Statement came yesterday from Xoogahaya Difaaca Xisbiga UDUB, and he Made it Clear UDU#B is not ready for an election, and they are about split up to 3 diffrent groups!
C/laahi Maxamed Jaamac (Caray),oo ah xoghayaha difaaca iyo nabadgalyada ee xisbiga UDUB, ayaa maanta markii uu dhamaaday heshiiska xeerka anshaxa doorashooyinka ee saddexda xisbi iyo Komishanka doorashooyinku ay ku kala saxeexdeen Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, ka dib saxaafada uga waramay in aan xisbiga UDUB haba yaraatee diyaar u ahayn doorashada madaxtooyada ee la filayo in ay dalka ka qabsoonto bisha June ee sanadkan 2010-ka.
Waxaanu ku sababeeyay in xisbiga UDUB aanu u dhisnayn qaab xisbiyeed, sababtoo ah waxa aan jirin gudidii fulinta ee xisbiga iyo golihiisii dhexe ee xisbiga, taas oo shirweynihgii ugu danbeeyay uu madaxweyne rayaale balan qaaday in uu isagu soo xulayo xubnaha labada gole ilaa hadana ay jeebka madaxweyne rayaale ku jirto oo aanay jirin wax uu sameeyay.
C/laahi Maxamed Jaamac (Caray), waxa kale oo uu sheegay in xisbiga UDUB uu yahay saddex qof oo keliya, kuwaas oo kala ah guddoomiyaha xisbiga Daahir Rayaale, xoghayaha guud ee xisbiga Jaamac Yaasiin Faarax iyo Cismaan Hindi oo uu sheegay in aanu garaynayn meel uu ka socdo iyo meel uu xisbiga udub ka soo galay toona.
Mudane Caray waxa uu sheegay in guddidii fulinta iyo golihii dhexe ee xisbiga UDUB-ba uu iminka yahay Cismaan Hindi.
Waxa kale oo uu sheegay in munaasibadii maanta ka dhacday huteel maansoor ee ay xisbiyada qaranka iyo komishanka ku kala saxeexdeen Huteel Maansoor, oo Guddoomiyaha nabadgalyada iyo difaaca ee xisbiga UDUB Mr. Caray ka mid ahaa masuuliyiintii xisbiga UDUB uga qayb galay xaflada ay xisbiga UDUB saxeexiisaasi ahaa been, halka ay labada xisbi mucaarad ay iyaga dhab ka ahayd saxeexu.
Mr. Caray waxa kale oo uu ka dhawaajiyay in uu isagu UDUB nimada u qabtay, kulana heshiiyeen markuu xisbiga soo galayay heer gobol, iminkana uu isagu wax walba noqday oo uu ilaa Madaxtooyada nooga soo waramo.
Waxa kale oo uu xisbiga UDUB u soo jeediyay in aan sida uu iminka xisbigu yahay waxba ugu soconayn, hebel baa nagu soo biiray iyo reer hebel baa inagu soo biiray toona, waxaanu ahaa xisbiga UDUB inuu noqdo ka ugu horeeya ee isagu inta uu habka qabyaalada ka baxo, habka dimuqraadiga u guura.
C/laahi Caray ayaa sheegay in ragii nafta lahaa ee hore ugu jiri jiray xisbiga UDUB ay ka dhaqaajiyeen, balse inta ku hadhay ay tahay kuwo aanu dhiigoodu diiranayn.
C/laahi Maxamed Jaamac (Caray), waxa uu ugu danbayntii ku hanjabay haddii uu xisbiga UDUB, taas waxba ku qaban waayo, oo sida ay xisbiyadu u dhisan yihiin xisbiyada kale la mid noqon waayo, in uu sheegi doono boqol ceebood oo uu xisbiga UDUB leeyahay.
Xisbiga UDUB ayaa baryahan danbe ay masuuliyiintiisu marka ay ka hadlayaan fagaarayaasha kala kulmayeen shacabka qaylo iyo foodhi, taas oo muujinaysa in xisbigaas ay ka sii lumayso kalsoonidii uu shacabka ku dhex haystay.
Waxaana dhawaaqan cusub ee ka soo yeedhay Guddoomiyaha nabadgalyada iyo difaaca ee xisbiga UDUB ay ku keeni kartaa burbur hor leh.