Xaji Cabdi waraabe versus Muj muuse biixii

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Xaji Cabdi waraabe versus Muj muuse biixii

Post by The_Emperior5 »

madal kulmisay xaaji cabdi waraabe iyo muuse biixi...
madal kulmisay xaaji cabdi waraabe iyo muuse biixi...


--------------------------------------------------------------------------------

Oday Xaaji Cabdi Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) oo ka tirsan Mudaneyaasha Golaha Guurtida JSL, ayaa Xisbiyada Qaranka u soo jeediyay inay ku tartamaan wax qabad oo aanay olalahooda ku salayn nidaam beeleed iyo cay.








Xildhibaan Xaaji Cabdi Waraabe oo Shalay ka hadlayey xaflad ay ku qalin jabiyeen dufcadii 13-aad ee Dugsiga gaarka ah ee AL-Khayr oo lagu qabtay Huteelka Ambassador ee Magaalada Hargeysa, halkaasoo shahaadooyin lagu guddoon siiyay 230 Arday oo muddo Laba Sanadood ah baranayay luuqadaha Ingiriisida, Carabiga, Xisaabaadka iyo Xirfadii Kombuyuutarka.


Xafladaasoo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin ka tirsan Xisbiyada Mucaaridka, siyaasiyiin iyo dadweyne kale oo aad u badan, waxa ugu horeyn hadal dheer oo isugu jirey duur-xul iyo waayo-aragnimo ka jeediyey Xildhibaan Xaaji Cabdikariin Xuseen (Cabdi Waraabe), waxaana hadaladiisii ka mid ahaa, gaar ahaan mar uu la hadlayey Axsaabta Qaranka. "Waxaan leeyahay masuuliyiinta dalka waxaan leeyahay Muuse Biixina garabkayga ayuu fadhiyaaye'e xilbaa idin saaran xilkii shicibka ayaa idin saarani Kursiga ka weyn nabadgelyadii ayaa idin saaran, haddii uu oday jilicsan, Arday iyo Haweenba dhabtiinna ayay saaran yihiin. Baratanku waa sharaf labadii nin ee Walaalaha ah ayaa midiba mid galaa Xisbiyada ma aynu baran nidaamka xisbiyada. Waa xaaraan in la yidhaahdo Anaga oo reer Hebel ah miyaan foodka nala siinayn waa xaaraan ninkii ay dhisayeen bay dilayeen. Waa in nin waliba inuu ninka uu jecel yahay codka ha ugu rido. Qaxoonti iyo dhibaato waynu aragnay ee waa inaynu nimcada nabad gelyada ilaashanaa." Ayuu yidhi X. Cabdikariin.


Sidoo kale waxa Xildhibaan Xaaji Cabdi Waraabe uu ammaan u jeediyey Dawlada Jabuuti iyo Madaxweynaheeda Md. Ismaaciil Cumar Geelle, waxaanu yidhi "Shantii Soomaaliyeed Somaliland waxa ka horreeysa oo qudha Dawlada Jabuuti oo uu Ilaahay u soo diray Ismaaciil Cumar Geelle iyo Alle ha u naxariistee Marxuum Xasan Guulleed. Shantii Soomaaliyeed oo dhami waxay ka dab qaataan Magaalada Jabuuti.. nabadgelyadaasi Jabuuti ayaa ina anfacday waxaynu soo galay dalka Inagoo qaawan waxba haysan. Soomaali Tiriiga u baxayaa ilaahay ha barakeeyee waa Ismaaciil Cumar Geelle. Kaalinta labaad-na waa Somaliland."


Geesta kale, Xaaji Cabdi waxa uu markii ugu horeysay ka warbixiyey sababta uu mar qudha Mu'caarid u noqon waayey, isagoo arintaa ka hadlayna, waxa uu yidhi: "Nin ilbax ahaa oo Caaqil ahaa oo wanaagsanaa oo la odhan jiray Muxumed Xasan Cali ayaa igu yidhi maxaad mar uun Mu'caarid u noqon wayday, waxaan ku idhi Addeerkay ayaa sheekh ahaa oo dariiqan igu tacliimiyay. Nin caytamay Madax ma noqdo ka la caayay haddii uu ka jawaabo isna waa la mid. Xisbiyadu yay caytamin ee ha ku tartameen waxqabad. Dhakhtar baan samaynayaa, shaqo ayaan abuurayaa iyo wixii la mid ah. Waxaasi intaad ku olalaysaan, haddii aad tidhaahdaan waa nin xun ninka meesha fadhiyaa. Idinkana sidaasi ayaa la idinku odhan doonaa. Waar ilaahay baan idinku dhaariyaye'e buuqa ka ilaaliya."Ayuu yidhi Md.Cabdi Waraabe.


Xaajiga oo si gaar ah ula hadlayay Muuse Biixi Guddoomiye-ku-xigeenka Koowaad ee Xisbiga KULMIYE, waxa uu ka dhawaajiyey waxa ay dhaqan ahaan isugu began yihiin isaga iyo Muuse Biixi, waxaanu yidhi: "Muuse Biixi Abtiyadii wuu yaqaanaa, camalkiisa kale wuxuu doono ha noqdee, xaga abtiyaashii laga cadaabi maayo, laakiin isagu ma yaqaano isagu inuu Abti ii yahay. Somaliland oo dhami waa walaalo ee ay wada shaqeyno.

Waxa Somaliland dul-q aad baa laga doonayaa xataa waa inaynu u dul qaadaanaa Soomaaliyadaasi qiiqaysa dulqaad ayaa la inaga doonayaa haddii ay ina tuur tuuraan,Walaal haddii uu ka doonayaa helo kursiga la shaqeeya ka joogaa haddii uu helaana la shaqeeya."


Dhinaca kale, Guddoomiye-ku-xigeenka Xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, oo isaguna xafladaasi hadal kooban ka jeediyey, ayaa waxa uu faahfaahin ka bixiyey heshiiskii dorraad ay kala saxeexdeen Asxsaabta qaranka iyo Komishanka doorashooyinku, kaas oo la xidhiidha Xeerka Anshaxa Doorashada, waxaanu tilmaamay in loo baahan yahay in xeerkaasi sida uu yahay loogu dhaqmo.


"Anagu KULMIYE ahaan waxaanu balan qaadaynaa Xaaji Cabdi idinka iyo dadka kaleba waxaanu u balan qaadaynaa Tartankaasi aanu ku jirnaa dalkaasi wax u kordhiya oo hagaajiya oo is bedel kayr qaba keena, ma doonayno in maalin uun baal shimbireed inaga duulo,"ayuu yidhi Md. Muuse Biixi


Waxaanu intaasi ku daray "Markhaati horena waad ku haysaanoo dal Afrikaana oo 80 cod kaga hadhay Kursigii waa kow. Jabhad inta ay dal xoraysa oo dadkeedii taladii dib ugu celisayna waa laba. Arrinta Saddexaad waxa weeye Saddex jeer ayay doorashadu dib ayay u dhacday Saddexdaasi jeerba ardayda iyo shacbiga ayaanu u tudhnay. KULMIYE waxa uu u taagan yahay halkii Islaantii Nabi Saleebaan ee lagu yidhi inanka ma la idiin kala jaraa ee tidhi Gabadhii ay isku haysteen ha qaadato ilmaheeddii lexjeclo ay ka qabtay darteed." Ayuu ku soo ururiyey Muuse Biixi hadalkiisa.




Wargayska Yool

--------------------------------------------------------------------------------

Posted on Friday, April 16 @ 15:31:00 DAVT by admin
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: Xaji Cabdi waraabe versus Muj muuse biixii

Post by LiQaaye_TDH »

Alah Ha Daayo Mujaahid Muse Biixi :up:
Digdahab
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 464
Joined: Thu Oct 15, 2009 1:12 pm

Re: Xaji Cabdi waraabe versus Muj muuse biixii

Post by Digdahab »

Xaji Waraabe versus Muusa Bixi give me the short story
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”