Sidoo kale Xidhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo madasha u metelayey mudanayaasha xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE uga soo baxay Gobolka hargeysa, ayaa si cad shaaca uga qaaday in golaha uu ka tirsan yahay ee Wakiilladu ku fashilmay masuuliyadii guud ee loo soo doortay, natiijo kasta oo laga dhaxlayna la wadaago 82-ka mudane ee goluhu ka kooban yahay, isagoo fadeexadaha fashiliyeyna u xambaariyey xukuumadda UDUB oo uu sheegay in goluhu ka dhaqaaqi waayey.
Hase ahaatee, Md. Nacnac waxa uu ku tiiqtiiqsaday inay jiraan waxqabadyo muuqda oo shaqsiyan uga tegayo dadkiisa iyo dalkiisa sida laba guri oo uu u dhisay hooyooyinka ay ka shahiideen Mujaahid Maxamed Xaashi Diiriye (Lixle) iyo Mujaahid Maxamed Haybe Goodhaadh o labaduba ka mid ahaa halgamayaashii iyo hoggaamiyeyaashii SNM ee naftooda ku waayey halgankii dib-u-xorreynta Somaliland, kuwaas oo uu sheegay inay dayacday oo aanay dib-u-eegin madaxda xukuumadda ee dheeftii dhiigga mujaahidiinta dhiilasha ka buuxsaday.
Xildhibaanka oo ka hadlayey waxqabadka shaqsiga ah waxa uu intaa ku daray inuu ku guuleystay dhismaha jid dhererkiisu dhan yahay 5KM laami ah oo laga hirgeliyey Degmada Axmed-dhagax ee caasimadda Hargeysa oo uu deggan yahay, kaas oo uu sheegay inuu dhaqaalaha ku baxay kala badh ka bixiyey jeebkiisa, badhka kalena ka taageertay dawladda hoose, waddadaas oo uu xusay inuu ku xidhay nalalka loogu talogalay ammaanka oo aan cidna ka caawin kharashka ku baxay.
Sidaa awgeed, waxa uu Md. Nacnac ugu baaqay madaxda iyo masuuliyiinta xukuumadda talada haysa ee xisbiga UDUB inay Ilaahay ka cabsadaan oo wax uun u hambeeyaan ummadda ay masuulka ka yihiin ee hoostooda ku bakhtiyeya ee hantidoodii la xalaashaday.
Xog-warrankaas kooban ee mudanayaasha kadib waxa la gudo-galay su’aalo aad u xiiso badan oo ka qaybgalayaasha kulanku si darandoori ah ugu dadajiyeen xildhibaannada Golaha Wakiillada ee madasha loo goleeyey, iyadoo su’aalaha ugu kulul, uguna badnaa lala beegsanayey mudanaha UDUB oo isagu ahaa ninka daawaha dhaliilaha saarnaa ee dadweynuhu sida gaarka ah cadhada ugula dul dhacayeen.
Su’aashii ugu horreysay oo si weyn u gilgilashay jewigii kulanka waxa lagu maamuusay wiil dhallinyaro ah oo la sarajoogsaday su’aal aad loogu sacbiyey oo uu si lama filaana dhimbiilo ugaga duuliyey Md. Cabdiraxmaan-Xoog oo fadhi iyo joog midna xamili waayey markii daaqadda looga dhiibay gool aannu shabaqa ka difaaci karin.
Su’aashaas oo ahayd mid aad u kicisay xasaasiyaddii madasha degganayd waxay ahayd; “Md. Aw Xoog waxaad ku caan baxday difaaca xukuumadda iyo xisbiga UDUB, markaa maadaama aad ka mid tahay xildhibaannada aannu dooranay ee dadweynaha metela maxaad Madaxweynaha iyo wasiirradiisa uga qabanweydaan khaladaadka faraha badan ee ay galaan, mise khalad iyo saxba waad iska taageertaan uun?”
Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog oo jawaabta su’aashii ku noqotay gantaal aannu dhaadayn, isla markaana hadalka ku margaday, ayaa isagoo khajilaad darteed hadba hareer jalleecaya waxa uu sacabkii lagu tumay kaga xuub-siibtay Md. Nacnac oo uu markhaati ugu qabsaday inuu marar badan goob-joog ahaa kulamo ay Madaxweyne Rayaale ku cannaanayeen khaladaad xukuumaddu gashay, balse xildhibaanka KULMIYE ma shaacin marag-furkii saaxiibkiisa UDUB u qabsaday, waxaannu xukuumadda Rayaale iyo taageerayaashaba ku tilmaamay kuwo xumaanta shuraako ku ah.
Waxa kale oo saddexda mudane mid mid iyo wadajirba uga jawaabeen su’aalo tiro badan oo wax lagaga weydiiyey dhaliilaha Golaha Wakiillada iyo waxqabadyadii bulshadu ka filaysay xildhibaannada ay doorteen.
Kulankaas oo socday muddo laba saacadood ka badan oo la dhex dabbaalanayey mawjado siyaasadeed iyo mahadhooyin xiiso badan xambaarsanaa, waxa uu ku soo gebogeboobay jewi sarraaxad leh oo ka qaybgalayaasha u noqday fursad ay kaga nafisaan su’aalo kala duwan oo quluubtooda xaganayey.
Xildhibaan NacNac..dadka waan ka quuste ilay weli ragba nool
Moderator: Moderators
-
- SomaliNet Super
- Posts: 8363
- Joined: Tue Dec 23, 2003 7:00 pm
- Location: H-Town in Somaliland
Re: Xildhibaan NacNac..dadka waan ka quuste ilay weli ragba nool
guryasame wrote:Hase ahaatee, Md. Nacnac waxa uu ku tiiqtiiqsaday inay jiraan waxqabadyo muuqda oo shaqsiyan uga tegayo dadkiisa iyo dalkiisa sida laba guri oo uu u dhisay hooyooyinka ay ka shahiideen Mujaahid Maxamed Xaashi Diiriye (Lixle) iyo Mujaahid Maxamed Haybe Goodhaadh o labaduba ka mid ahaa halgamayaashii iyo hoggaamiyeyaashii SNM ee naftooda ku waayey halgankii dib-u-xorreynta Somaliland, kuwaas oo uu sheegay inay dayacday oo aanay dib-u-eegin madaxda xukuumadda ee dheeftii dhiigga mujaahidiinta dhiilasha ka buuxsaday.
.
That is good enough for me.

Re: Xildhibaan NacNac..dadka waan ka quuste ilay weli ragba nool
Dhaga Bacayl wrote:guryasame wrote:Hase ahaatee, Md. Nacnac waxa uu ku tiiqtiiqsaday inay jiraan waxqabadyo muuqda oo shaqsiyan uga tegayo dadkiisa iyo dalkiisa sida laba guri oo uu u dhisay hooyooyinka ay ka shahiideen Mujaahid Maxamed Xaashi Diiriye (Lixle) iyo Mujaahid Maxamed Haybe Goodhaadh o labaduba ka mid ahaa halgamayaashii iyo hoggaamiyeyaashii SNM ee naftooda ku waayey halgankii dib-u-xorreynta Somaliland, kuwaas oo uu sheegay inay dayacday oo aanay dib-u-eegin madaxda xukuumadda ee dheeftii dhiigga mujaahidiinta dhiilasha ka buuxsaday.
.
That is good enough for me.
Indeed dhagabacayl

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 5 Replies
- 536 Views
-
Last post by Cali_Gaab
-
- 5 Replies
- 498 Views
-
Last post by KyrieJama
-
- 0 Replies
- 274 Views
-
Last post by Bohol iyo karaman
-
- 3 Replies
- 456 Views
-
Last post by Ben Dover
-
- 19 Replies
- 1636 Views
-
Last post by Goljano Lion
-
- 0 Replies
- 222 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 2 Replies
- 555 Views
-
Last post by LeJusticier
-
- 32 Replies
- 3737 Views
-
Last post by Django
-
- 0 Replies
- 978 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 9 Replies
- 2569 Views
-
Last post by S-D-M