Dhacdooyinka Cagaarre, Ceerigaabo,Mandheera, Boosaaso,Nairobi Iyo Dhulbahante
Written by Jidbaale.com
removed image: virus
Qormo(Jidbaale.com):-Bishan aynu ku jirno gudaheeda waxaa dhacay ugu yaraan shan xaaladood oo dhamaantood shacabka SSC raad toos ah ku leh, dhacdooyinkaas waxaa ugu danbeeyey Ceerigaabo oo maanta shacab goob laga qaxweeyo fadhiyey rasaas lagu furay, waxaa ka horaysay Cagaarre oo weerar gaadmaha lagu dilay 5 qof oo mid haween tahay goobta loo yaqaano Toga Eeragoo, waxaa isla maalmahaa haddana maxkamad Mandheera ku taala lagu xukumay dil iyo xadhig dad ka soo jeeda SSC, waxa kale oo Boosaaso lagu dilay maalmahaas uun Ina Qudhac oo ahaa nin aad looga yaqaano SSC, Nairobina waxaa laysku hortaagy oo loo diiday in uu dalka galo hogaanka SSC.
Waa dhacdooyin dhamaantood beesha deegaan ahaan ku dheraran gobolada Sool, Sanaag Iyo Cayn dhamaantood aan dhaafin ee saameeyey, intaas waxaa u sii dheer deegaanka ay ku lee yihiin Sanaag oo muddo hore faraha ka baxay bulshada SSC ee deegaankaas oo aanay wax raad ah ku lahayn maamulkiisa, Sanaag oo sida Sool iyadana ah dhul lahaysto, waxaase taas u sii dheer Bulshada SSC Sool oo iyana hadda faraha ka baxday, Gobolka Cayn oo la kulaalayo oo isaguna aan lugo adag ku taagnayn.
Waa la dareemi karaa xaaladahan sida ay xidhiidhka u lee yihiin, waxa kaliya ee kuu soo baxayaa waxa weeye bishan aynu ku jirno oo kaliya waxaa gacan kale ku baxay 8 ruux oo dhamaantood ka soo jeeda SSC iyada oo dhamaantood ku dhintay wax ay soo maalidu u taqaano(Gar iyo Mag La,aan) maanta cid odhan karta garawshiinyo ayaanu ka ogol nahayn aysan jirin.
Waxaana iyana intaa dheer ilaa shan kale oo in dil lagu fuliyo sugaya sida kuwa hadda maamulka Hargeysa Maxkamadeeyey oo in la fuliyo sugaya, waxaa dheer kuwa xabsiyada loo diray, dhacdooyinkani dhamaantood waa kuwo aan laba isku maandhaafsanay oo jira oo dhacay.
Waa wax iska caadiya oo la odhan karo waa natiijo ka dhalatay Bulsho kala daadsan , madax dhaqameed kala irdhoobay iyo siyaasiyiin kala shaqo tagtay, waana arrimaha soo baxa marka sidaas loo kala huleelo oo bulshadu gudaheeda aanay ka midaysnayn , waligeedna haddaanay bulsho lahayn cid ilaashata oo markaas ka hor istaagta khatarta, waxay noqdaan kuwa baylaha u saaxiib ah, oo weeruhu hadba intuu doono goob cidla ah ka helo.
Waxaa dhacdooyinkan aan soo xusnay ee dhacay bishan gudaheeda u sii dheer bulshada SSC oo hore u jirtay , maalinba maalinta ka danbaysana soo shaacbaxaysa sida laysugu dhiidhiibayo masiirka dadkan gaar ahaan maamulada hareeraha ka xiga iyo dawladaha geeska Afrika qaarkood oo aan iyagu laba gaban in xaaladda ay ku jiraan bulshada SSC xilligan ay dani ugu jirto ,dawladahaas aan sheegnay oo qaarkood cadeeyeenba xataa kuwa reer galbeedka ugu tunka weyn ay u sheegeen ragga ka soo jeeda SSC in ay door bidayaan in xaalku sidan ahaado, sababna waxay uga dhigeen in aanay bulshada hadda ku dhaqan SSC hanan Karin nabad galyada gobolka oo ay ka baqayaan in cid kale oo aan ahayn Maamulada Garoowe iyo Hargeysa meesha soo gasho , ayna doonayaan xilligan in sidaas maamulka Hargeysa Gacanta ugu sii hayo.
Waana arrimaha hadda loo xilsaaray in gobolku sidaas sii ahaado, Kooxda C/raxmaan Faroole iyo C/samad Cali Shire oo iyagu amarada Adis Ababa in ay fuliyaan wixii ku saabsan goboladan aan marna dib u dhigin, Kooxda Riyaale Iyo Xaabsadane ay hawlahooda ka qabsadaan gobolada SSC, waxaa intaas u sii dheer malayshiyooyinka qabyaaladaysan ee gobolka siday doonaan ka yeela, waxaana taas markhaati cad kuugu filan, dilkii Cismaan Afdhilo waxaa loo taxaabay boqolaal qof oo isagu jiray Dumar Uurleh, Caruur iyo Ciroole, ilaa markii danbe Mandheera loo dhaadhiciyey intay la hadheen, dilal iyo xadhigna lagu xukumay, Saxafi oo Laascaanood sida la aaminsan yahay ay khaarajiyeen rag ka soo jeeda Burcona qof looma qaban iyada oo la ogyahay cida ka danbaysay dilkiisa tas oo ku tusaysa sida xaalka gobolka Sool maanta yahay.
Kooxda C/raxmaan Faroole Iyo C/samad Cali Shire ayaa iyana dhinaceeda kawada kaalintii ay kaga jirtay hawshan taas oo ah in aanay shacabkii ka soo barakacay deegaankooda ee looga soo saaray Joogitaankii Puntland deegaankaas aanay marnaba isu xilqaamin in ay dadkaas dib ugu celiso, iska daa in ay ku celisee waxayba kala daadisaa Kooxda C/raxmaan Faroole Iyo C/samad markasta dadaalka ay soo abaabulaan intii markaas doonaysa in deegaankooda ay si sharafi ku jirto ugu noqdaan, waxay gaashaanbuuraysi dhinac walba la gashay cid allaale iyo ciddi markaas kala shaqayn karta in layska hortaaga shacabka SSC in uu is abaabula KUUKUU-yada Kenyana waa u adeegsadeen hawshaas, marka laga yimaado iskaashi iyaga iyo Hargeysa arrimahaas kala dhaxeeya.
Haddan u soo noqdo nuxurka qormadeena waa dhacdooyin la sugayey kuwa ka dhacay Cagaarre , Ceerigaabo, Boosaaso, Mandheera, iyo Nairobi, waxaana soo socdo kuwo kuwan ka yaab badan haddii xaalku sidan ku sii socdo, dhamaantoodna hal meel ayey isugu biyo shubanayaan waana sidii beesha SSC looga saari lahaa deegaanka ay ku leeyihiin Jamhuuriyada Soomaaliya, dareenkaasi waa mid ka jira dhamaan Gobolada Hargeysa, Burco, Nugaal ,Mudug Iyo Bari, waana arrin qoto dheer, hasa yeeshee waxaa ilaa maanta bulshadu la ama-kaagsan tahay waxa ku habsaday ummaddii deegaanka SSC oo ay u arki la yihiin in aan iyaga cid isu dhaantaa jirin, isla markaana aan la kala jeclayn, oo aan xataa lagu kala jeclayn Hargeysa Iyo Garoowe, dhamaantoodna isku si loo arko, miyaanay ka haboonayn in sidii looga midho dhalin lahaa midnimo buuxda laga shaqeeyo, shacabkana loo jiheeyo sidii cududoodu u midoobi lahayd, jiritaankooduna u sii jiri lahaa.
Maanta wakhti badan in lagu lumiyo hawlo kale ma joogno waxaa la joogaa xilligii la ogaan lahaa in khatar weyni soo fooleedahay sidii looga gaashaaman lahaana laga tashado, kala qaybsanaanta dhinaca fikirka iyo siyaasadana meesha laga saaro , sababtoo ah Hal Doon ayaa lawada saran yahay haddaan laga badbaadin mawjadaha khatar ahna doontaasi degi karto.
Dhacdooyinkan ugu danbeeyey ee bishan gudaheeda dhacay waa kuwo loo baahan yahay in il gaar ah lagu eego oo qof walba oo SSC ka soo jeedaa ka fegero sidii looga bixi lahaa arimahan aan magac iyo maamuus midna laga dheefayn ee ka taagan deegaanka SSC.
JIdbaale.com
http://jidbaale.com/index.php?option=co ... soomaaliya
Dhullos - Calaacal, Jidbaale.com
Moderator: Moderators
Re: Dhullos - Calaacal, Jidbaale.com
Malayshiyada Hargeysa Oo Ceerigaabo Laba Nin Ku Toogtay .
Written by Jidbaale.com
Thursday, 15 April 2010 15:22
Ceerigaabo(Jidbaale.com):-Wararka naga soo gaadhaya Caasimada Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo ayaa waxa ay sheegayaan in malayshiyo beeleed ka soo jeeda maamulka Hargeysa ay saaka magaalada Badhtankeeda ku toogteen laba nin oo ka soo jeeda Koonfurta Ceerigaabo.
Sida ay goob joogayaal cadeeyeen waxaa ay labadan nin fadhiyeen goob makhaayad ah ka dibna waxaa rasaas ooda kaga qaaday malayshiyo ka soo jeeda waqooyiga Sanaag ee Urursuge iyada oo isla goobtii nin ku geeriyoodey kii kalena jidka naftu kaga baxday.
Labada nin ee maanta lagu dilay magaalada Ceerigaabo ayaa waxa magacyadooda la kala o dhan jiray Yaasiin Xiin-Finiin, iyo Axmed Cige Jibriil, xaaladda magaalada Ceerigaabo ayaa kacsan ka dib markii shacabka magaaladu kacdoon sameeyeen, iska hor,imaadna laga cabdi qabo.
Written by Jidbaale.com
Thursday, 15 April 2010 15:22
Ceerigaabo(Jidbaale.com):-Wararka naga soo gaadhaya Caasimada Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo ayaa waxa ay sheegayaan in malayshiyo beeleed ka soo jeeda maamulka Hargeysa ay saaka magaalada Badhtankeeda ku toogteen laba nin oo ka soo jeeda Koonfurta Ceerigaabo.
Sida ay goob joogayaal cadeeyeen waxaa ay labadan nin fadhiyeen goob makhaayad ah ka dibna waxaa rasaas ooda kaga qaaday malayshiyo ka soo jeeda waqooyiga Sanaag ee Urursuge iyada oo isla goobtii nin ku geeriyoodey kii kalena jidka naftu kaga baxday.
Labada nin ee maanta lagu dilay magaalada Ceerigaabo ayaa waxa magacyadooda la kala o dhan jiray Yaasiin Xiin-Finiin, iyo Axmed Cige Jibriil, xaaladda magaalada Ceerigaabo ayaa kacsan ka dib markii shacabka magaaladu kacdoon sameeyeen, iska hor,imaadna laga cabdi qabo.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 5 Replies
- 804 Views
-
Last post by udun
-
- 6 Replies
- 759 Views
-
Last post by Xamari_76
-
- 11 Replies
- 2145 Views
-
Last post by nine
-
- 7 Replies
- 1093 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 12 Replies
- 1142 Views
-
Last post by X.Playa
-
- 5 Replies
- 712 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 22 Replies
- 3226 Views
-
Last post by weydamal
-
- 16 Replies
- 2580 Views
-
Last post by Grant
-
- 0 Replies
- 449 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 4 Replies
- 995 Views
-
Last post by Keyse_0208
