Xarrakatul-Shabaab oo ka jawaabtay warbixin dhawaan kasoo baxday Hay'adda xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch Talaado, April 27, 2010 (HOL) Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo gacant ku haysa inta badan Gobollad Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa ka jawaabay warbixin ay dhawaan soo saartay Hay'adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch oo ahaA
Afhayeenkaa Xarrakatul Shabaab Sheekh Cali Maxmuud Raage (Sheekh Cali Dheere) ayaa sheegay in nabadgalyada ka jira Gobollada ay gacanta ku hayaan aysan ahayn mid ku timid cadaadis dadka lagu hayo, balse ay ku timid ku dhaqanka Diinta Islaamka oo laga hirgeliyay.
"Hay'adda Human Rights Watch waxay sheegtay in ammaanka jira deegaannada ay Mujaahidiintu gacanta ku hayaan uu ku yimid cadaadis dadka lagu hayo, waa been aan jirin, waxaase farxad inoo ah inay qireen in Gobollada ay xarrakadu Maamusho ay yihiin kuwo ammaan ah" ayuu yiri Afhayeenka Xarrakatul Shabaab.