BURCO: Taageerayaashii ugu Badnaa ee ku Biira Xisbiga UDUB.
Saturday, 08 May 2010
Burco(Togdhnews)-Xaflad Xisbiga UDUB ku soo dhaweynayey Taageerayaashi ugu badnaa ee k u soo Biira kuwaasoo sheegay inay ka
soo digo rogateen xisbiga Mucaaridka kulmiye , ayna ka soo qeyb galay Masuuliyiinta Mamulka Gobolka , Masuuliyiinta xisbiga udub ee gobolka togdheer iyo Marti sharaf kale oo badan ayaa manta lagu qabtay Huteel Cigaal ee Magalaada Burco.
Gudoomiyha gobolka togdheer Jaamac Cabdilaahi Biin oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan dhalin yaradan garaad kooda ka keenay inay iskaga soo wareegan xisbiga gaarka loo lee yahay ee u ninkii laaha jeebka ku sito una soo wareegtan xibiga umada,
Guddoomiyahu waxa uu intaasi ku daray in dhawaan la qeybin doono kaadhadhkii codbixainta doorashada madax weynaha, loona baahan yahay inaad si wanaagsan u qadataan, badhasaabka ayaa sheegay in aanay wali bilaabmin ololihii kaambeynka doorashooyinku cidi iyadu bilowdana olole ay wixii soo gaadha dusha u ridan doonto “ waftigii u hogaaminayey gudoomiyaha ololaha
doorashooyinka gobolada bariga s/lanad ee xisbiga kulmiye ay wadan arrimo ammaanka iyo degenaasha aynu heysano khal-khal galinaya waayo, hadii Burco lagaga kacay Oodweynena lagaga mudaharaaday waxay aheyd in aany gobol kale u gudbin illeyn wey ogaayeen wixii ka qabsaday goboladii hore ee ay soo mareene.” .
Ugu danbeyntiina waxaa gudoomiyu ugu baaqay reer togdheer inay ku dedaalan sidii ay nebed galyada uga shaqeyn la haayeen.
Maxamed Diiriye Xayd oo ka mid ah golaha degaanka Burco, soona dhaweeyey dhalintan xisbigooda ku soo biirtay ayaa ug baaqay baaqay inay u sameyn doonan xafiisyo cusub , xildhibaanka ayaa sheegay in xisbiga kulmiye yahay xisbi ay ku bahoobeen masuliyiin xilal kala duwan ka soo qabatay dawlada madax weyne Riyaale lana ruqseeyey markii ay gudan kari waayeen xilalkii loo igmaday, Mana filaayo i inay yihiin kuwo is badel idiin haya amase soo kordhinaya, waxaanay doonayaan inay dadka kiciyaan oo xisi looni daro abuuraan si aanay doorasho u qabsoomin.
Gudoomiyaha xisbiga UDUB Mr Ayaanle Cismaan ayaa halkaasi ka cadeeyay in aan dhalin yaradan xisbigooda u soo digo rogotay aan cidi u yeedhin cidna soo khasbin ee ay iskood uga Y imaadeen markiin ay dadntooda ka dhex arki waayeen xibigaasi ,
Mr.ayaanle ayaan intaasi ku daray in taageerayaashani yihiin kuwo la hubo oo si dhab ah uga tirsanan jiray garbka dhalin yarada ee xisbiga kulmiye sitana kadhadh ay ku xardhantahay astaanta xisbigaasi , maantana ay si rasmi ah uga mid yihiin xisbiga umadaha bahoobay.
Taagerayaash an maanta ku soo biiray xisbiga talada haya ee UDUB oo tiradooda lagu sheegay in ka badan afar boqol oo xubnood ayaa qaar ka mida ay sitay aqoonsiyo ay sawiradoodu ku yaaleen oo cadeynaya inay ka mid ahaayeen garabka dhalin yarada ee xisbiga Kulmiye.
Taageerayaashan ayaa noqonaya kuwii ugu badnaa ee mudooyinkan Dambe ku soo biira Xisbigaasi Udub,kuwaasoo ay si weyn u soo dhaweeyeen Masuuliyiinta Xisbigaasi.
Togdheernews
Xisbiga udub oo ay ku soo biireen taageerayaashii ugu badna
Moderator: Moderators
- Bohol iyo karaman
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 1060
- Joined: Sat Dec 03, 2005 12:37 pm
- Location: Is'argoof> Inta Sacad Yoonis dhaqaan yahay Sidaan falaaba ii furan
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
- Bohol iyo karaman
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 1060
- Joined: Sat Dec 03, 2005 12:37 pm
- Location: Is'argoof> Inta Sacad Yoonis dhaqaan yahay Sidaan falaaba ii furan
Re: Xisbiga udub oo ay ku soo biireen taageerayaashii ugu badna
keep laughing sonThe_Emperior5 wrote:![]()
![]()
![]()
![]()
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: Xisbiga udub oo ay ku soo biireen taageerayaashii ugu badna
Bohol horta yaad h.y. ka tahayBohol iyo karaman wrote:keep laughing sonThe_Emperior5 wrote:![]()
![]()
![]()
![]()
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 496 Views
-
Last post by fagash_killer
-
- 31 Replies
- 1879 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 10 Replies
- 768 Views
-
Last post by Dhaga Bacayl
-
- 0 Replies
- 509 Views
-
Last post by Ducaysane_87
-
- 2 Replies
- 502 Views
-
Last post by Bohol iyo karaman
-
- 6 Replies
- 691 Views
-
Last post by Cumar-Labasuul
-
- 0 Replies
- 350 Views
-
Last post by Bohol iyo karaman
-
- 65 Replies
- 3235 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 11 Replies
- 702 Views
-
Last post by Rightwing