dadkeyga waan jeclahay
xumaanta waan la dirirayaa
samaanta waan u doodayaa
dalkeyga waan jeclahay
dadkeyga waan jeclahay
somalibaan dumayaa
doca doceyn u diidayaa
danteeda taabsiinayaa
dunida gaadhsiinayaa
dalkeyga waan jeclahay
dadkeyga waan jeclahay
qabyaaladaan diidayaa
qaranimaan daneynayaa
daneysigaan la dirirayaa
dariiq runaan ku daalayaa
dalkeyga waan jeclahay
dadkeyga waan jeclahay




one of early tunes of Saado Cali Warsame
