
Ina cabdulla xassan said this Almost Destroying the jeberti clan describing them as Gaalo raacs
Xirsiyow dadkii waxaan ku nacay ,waa damiinnimo e
Wuxuuba waan dufulo waalan aan, doocna garanayne
Dawadooda meeshay ka heli, deyiba maayaane
Doqonniina keliyey u lumi, nimanka Daaroode
Waa niman ibleys duufsadee, dow ka dhaadhiciye

Waa niman Ilaahay ka dedey, labada Daaroode
Waa niman dariiqada Alliyo, diinta caasiyaye

Waa niman shareecada dulmiyey, iyo Daraawiishe


Waa niman digniin aan ka qabin, dabaqi naareede

Waa niman darxumo kaaga iman, deeqii loo galo e
Waa niman dalaadaha ku qubi, derejadoodiiye
Waa niman dad kale raacayoo, deyr ka dhaadhiciye

Waa niman dibadduu bexee, sii dabayshadaye
Waa niman canjeelkii dorraad, daawadii furaye
Waa niman qalbigu diiq yehee, doorsanoo falane

Waa niman dubaaqoodu yahay, inay dareeraane

Waa niman dagaalkii kufriga, iigu duurxuliye

Waa niman aan lala doonahayn, dux iyo liibaane
Waa niman habaar loo dujee, duco ka beydhaaye
Waa daallimiin lagu hurshaa, dab iyo baaruudee

Waa niman dad iyo maal Ilaah, dumug ka siiyaaye
Waa nimanka dacaygii ku jiray, daaldhaha ahaaye
Waa nimanka Deylkii hormaray, dabada dhuubnaaye
Waa niman sidii dumar haween, muranka daynayne

Waa nimanka doobbiga noqdeen, duud xammaalka ahe

Waa nimanka doofarka qalan, doog iyo abaare


Waa niman digniin aan ka qabo, duq iyo waayeele
Waa niman dareen iga galaan, deyrka meersadaye
Waa nimanka daacuun jaryow, diley Ikhwaankiiye

Waa niman aan dib u fiirinayn, duug waxay noqone
Waa niman danbaabaan waqood, daahir noqonayne
Waa niman dafiray oo ka tegey, daacadda Illaahe
Waa niman dillaalkay cuneen, deyn ka buuxsadaye


Dibindaabyo waa niman wax badan, ila dul jeerraaye
Waa niman dakanadaydii qabaan, duudsi noqonayne
Maandhoow nin ciil dilahayoo,duuban baan ahaye
Dadabtii la ii dhigay ma galo, toban diraacoode
Waxa diifta ii yeelay waa, cadho daraaddeede
Haddii doobka caano ah iyo karuur, dacalka lay saaro
Haddii darib la ii soo dhigiyo, duqus la geedeeyey
Dibnahayga soor uma furoo, waa diqaysnahaye
Soomalidii baan u dudi, daadufka ahayde
Waxaan daabacuu rabinayaa, dabadkii Iidoore
Dul-ku-neefle oo idilu way, daalibahayaane
Ha yeeshee dubbaha waxaan la sugi, doofil iyo Giibe

Waxaan duullaanka u bixinyaa, duulka Reer Dalale
Daa'ira san baan sugahayaa, dayrtan dabadeede