Balihadhac(Jidbaale.com):-Xasuuq arxan daro ah ayey Ciidamadda somalidiidku u geysteen dadka shacabka ah ee deegaanka Bali hadhac dadkaas oo iyagu aan ahayn kuwa ka qayb qaadanayey Dagaalka waxaana dadkan la xasuuqay ku jira Caruur da'doodu ay aad u yartay , waxaa kale oo ka mid ah dadkan la laayey maanta Hooyo Uurleh
Ciidaman oo gurmad ahaan u marayey magaaladda Bali hadhac ayaa waxa ay ku fureen Xabaddo aan loo meel dayin iyaga oo magaaladii qaybo badan oo ka mid ah gubay waxana ay xabadani galaafatay dhimasho 5 qof kuwaas oo ay ku jireen labo caruur ah oo da'doodu kala ahayd 3 sano jir iyo 8 jir waxana dagaalkan ku dhintay Hooyo Uur la hayd oo iyadu meesha maraysa iyo labo ka mid ahaa Cuqaasha Bali Hadhac waxana dagaalkan ku dhaawacmay dad shicib ah kuwaas oo iminka lagu daweynayo Cusbitaalka guud ee magaaladda Laascaanood
Ciidaman waxa ay xabadda ku fureen dhamaanba dadka magaaladda waxaana suurta gal ah in ay xabadani galaafatay dadka kale iyada oo dhinac baadiyahana ay xabada u ridayeen lama garanayo sababta ay dadkan shicibka ah ee aan dagaalka ka qayb galin loo xasuuqayo
Magaaladda Widhwidhna waxaa lagu dilay 5 nin oo ku jiray masaajid xiligii Salaadda Duhur waxana ay lala beegsaday Marfac guud ahaanba masaajidka sidoo kalena magaaladda ayaa loo geystay Khasaare lixaadle iyada oo Xafiiskii Xawaaladda Dahabshiil Widhwidhna ay gubeen Ciidamadda Somalidiidku
Markii lagu jabiyey goobtii Dagaalka isla markaasna ciidan badan laga dilay sidoo kalena Baabuur badan laga qaniimaystay ayey dadka shicibka ah ee ku dhaqan magaalooyinka isla markaasna aan ka qayb qaadan dagaalka waxa ay u geysnayaan Xasuuq ba'an
Daawo Sawirada
Magacyadda dadka lagu Xasuuqay Magaalooyinka Widhwidh iyo Bali Hadhac
Magacyadda dadka dhintay Balihadhac
1 Hooyo Sahra Xareed Xaaji Siciid
2 Siciid Cali Xaaji Siciid
3 Mohamed Geele Warsame
4 Cumar Yaqcuub Cali
5 Farxaan Muuse
Magacyadda dadka Dhaawac ah
1 Maxamed Ciise Aadan
2 ina Baaruud
3 Saleebaan farax Maxamed
4 Faarax Warsame Ismaaciil
Magacyadda dadka lagu laayey widhwidh
1 Xariir Maxamuud Xoosh
2 Faarax Ciise Mire
3 Ina Gaagaale Cali Hodan
4 Faarax Miir
5 Cali Naafto


