is Jidbaale.com to be taken seriously..???
Posted: Mon May 24, 2010 5:26 am
this website is one of the Most poisonous websites in the entire world wide web, their daily lies and propaganda are out of this world.
.? it doesn't make sense, what a dumb attempt to get symphaty from the somali people.
why would the Mujaahidiin of somaliland demolish a MosqueDegmada Widhwidh oo Xaalad Bini'adanimo Tii Ugu Xumayd ka Jirto
Written by Jidbaale.com
Monday, 24 May 2010 04:54
Wararka naga soo gaadhaya Degmada Widhwidh ee Gobolka Cayn ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas ay ka taagan yihiin dhibaatooyin aad u fara badan oo Bini'aadanimo. Shacabkii magaalada ka baxay ayaa waxaa ay la kulmeen dhibaato weyn ka dib markii Roob ku helay duleedka iyo Hareeraha magaalda Widhwidh, halkaasoo ay ka dhalatay xaalada Bini'aadanimo.
Roobaab Mahiigan ah oo waa weyn ayaa ku dul da'ayey maatadan 4 maalmood ee ugu danbeyey taasoo sababtay dhimashada 4 caruur ah iyo 3 qof oo waayeel ah ka dib markii ay Qadh qadheen. Dadkaasi ilaa hada ma gaadhin wax caawimo ah oo ka socda Hay'adaha Qaramada Midoobey ama taakulo kale oo dadka deegaanka dhexdooda ah.
Barakacan ayaa waxaa sababay ka dib markii Ciidamo ka socda maamulka la magacbaxay Somaliland ay duulaan ku soo qaadeen deegnada Hawdka. Kuwaasoo xasuuq ba'an ka geystey magaalooyinka Widhwidh iyo Bali hadhaca. Halkaasoo ay ku dileen isku geyn 15 oo Rayid ah oo ay ku jirto Hooyo Uur leh iyo dad Xoolo dhaqato ah.
Sidoo kale waxay maagalada Widhwidh ka gaysteen Tacadiyo waa weyn ayagoo Burburiyey Goobo badan oo ay ku jiraan Masjidkii weynaa ee magaalada kaasoo Madfac ay ku dhufteen uu sababay in ay Jingadii ka duusho.
Ciidamadan weerarka soo qaaday ayaa waxay isaga yimaadeen oo ay ka soo weerar tagaan Boorame, Burco, Hargaysa, Berbera iyo Gebiley. Waxa keliya ee ay halkaas u yimaadeena waa in ay xasuuqaan oo barakiciyaan dadkaas shacabka ah.
Dhakhtar Local ah oo aan xadhiidh la sameynay asagoo ku sugan Degmada Widhwidh wuxu noo xaqiijiyey in meelaha shacabku u barakacay ay ka dhalan karto Shuban biyood iyo weliba xanuuno kale maadaba lagu jiro xili roobaad. Dr: Farrah Coomaade wuxuu ugu baaqay Hay'adaha Qaramada Midoobey, Beesha Caalamka iyo Shacabka Soomaaliyeedba in ay Gar gaar la soo gaadhaan dadkaas guryahoodii laga barakiciyey wuxuna sheegay in xaaladu hada ay farahooda ka baxday, isla markaana ay ka Go'een dhamaan dawooyinkii ay haysteen, wuxuna sheegay in xanuunada hada caruurta soo ridayaa ay ka mid yihiin Kaneeco iyo qabo feedhaha ka galay.
Isku soo wada duuboo hay'adaha Qaramada Midoobey iyo kuwa u dooda xuquuqda Aadanaha ayaa waxa laga dhawrayaa talabada ay ka geystaan Tacayada Ciidamada maamulka la baxay Somaliland iyo talaabada ay ka geystaan Gargaar la gaadhsiiyo shacabkaas tabaalaysan.