Page 1 of 1
Jamhuriya
Posted: Tue May 25, 2010 2:08 am
by SahanGalbeed
according to jamhuriya which is a reliable source as far as I am concerned ...arrintu sidatan bay u dhacday .
The incident in which the Ethiopian military engaged the people of Buuhodle is seperate than the opportunistic attempts in widh-widh driven by a band loyal to Puntland .
Re: Jamhuriya
Posted: Tue May 25, 2010 2:08 am
by SahanGalbeed
Burco (Jam)- Cutubyo ka tirsan ciidanka a Somaliland ee fadhigoodu yahay Gobolka Sool, ayaa kala eryey maleeshiyo reer Puntland ah oo weerar ku soo qaaday ciidanka qaranka ee deegaanka Widhwidh oo dhinaca hawdka ka xiga magaalada Laascaanood, kuwaasi oo isla shalayna jid gooyo ku dhawaacay saddex askari oo ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland, kadib markii ay u galeen meel u dhaxaysa Laascaanood iyo Widhwidh.
Sida uu xalay khadka telefoonka Jamhuuriya ugu xaqiijiyey wasiir-ku-xigeenka gaashaandhiga Somaliland, waxa ciidanka qaranka weerar ku soo qaaday maleeshiyo reer Puntland oo uu hoggaaminayey wasiirka kalluumaysiga, iyada oo weerarkaasna ciidanka qaranku iska waabiyey, isla markaana ay kooxdii maleeshiyada ahayd kala yaaceen.
“Waxa weeye maleeshiyo ay soo abaabushay Puntland, ayaa waxay ku soo qaadeen ciidanka Somaliland ee widhwidh degan weerar saaka (shalay) subaxnimadii ciidan marayey ayey jidgoyn u galeen, laba askari iyo nin sarakal ah, ayaana ku dhaawac may oo xaaladoodu hadda fiican tahay, dhaawacooduna fudud yahay, duhurnimadiina weerar ayey ku soo qaadeen ciidamada qaranka ee deegaanka Widhidh, ciidanku wuu iska difaacay, wayna kala yaaceen, waxayna iska ahaayeen infantari (lug), markaa wax dhimasho ah iyo wax dhaawac ah oo soo gaadhay midna maanan arag meeshuna waa kaymo jiq ah, waxan maleeshiyadaasi hoggaaminayey wasiirka kalluumaysiga maamulka Puntland Ina faarax farruur, maalin dhaweydna wasiirka amniga Puntland sidaasi oo kale ayuu u hadlayey oo u hanjabayey.
Maleeshiyaadka Puntland waxay shalay (maalintii Jimcaha) waxay weerareen ciidankii Itoobiya, maantana (shalay){sabti/axad} waxay weereer ciidanka qaranka Somaliland, maleeshiyaadka Puntland waxayna meel kaga dhacayaan dhawritaanka nabadgelyada iyo daris wanaaga, iyaga oo dhibaato ku haya dawladaha jaarka la ah ee ay xadka wadaagaan, arrimahaasina waa gardaro caddaan ah.
Anaga oo dhawrayna nabadgelyada iyo deganaanshaha waxay Puntland farogelin ku haysaa Jamhuuriya Somaliland, waxayna doonaysaa inay maleeshiyaad ka dhex walwalaaqdo deegaannada ciidanku ku sugan yihiin, Caawaadaa (xalay) waxa maagalada Buuhoodle ku sugan wasiirka amniga Puntland oo halkaasi fadqalalo iyo dhibaato lagu xumaynayo nabada iyo degenaanshaha ka wada.
Waraysigii uu nala yeeshay weriyaha BBC-da ee Xagar sidii faahfaahinta ahayd ee aanu u siinay u muu soo dayn, codkaygiina soo muu dayn, arrintuna sidaa aan Jamhuuriya idiin sheegay weeyaan oo wax u dhaceen,” ayuu yidhi wasiir-ku-xigeenka gaashaandhigga Somaliland.
Hasa yeeshee sida warar xogogaal ahi noo xaqiijiyeen waxay ciidanku kooxahaasi maleeshiyaadka ah eek u soo duulay ka qabteen maxaabiis tiradoodu gaadhayso ilaa tobaneeyo qof, iyaga oo intii kale oo maleeshiyadaas ka tirsanaydna u carareen dhinaca xadka maamulka Garoowe, inkasta oo wasiir-ku-xigeenku aanu arrimahaasi ka hadal.
Dagaalkan ka dhex maray ciidanka qaranka iyo kooxda maleeshiyada ah oo socday muddo kooban ayaan ilaa hadda si rasmi ah loo ogayn khasaaraha labada dhinaca soo kala gaadhay, balse waxa askarta ku dhaawacan tahay jidgooyada loo galay, ayaa dhaawacooda loo qaaday dhinaca cusbitaalka guud ee magaalada Burco.
Sidoo kale magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa habeen hore waxa ka dhacay mudahaaraadyo lagaga soo horjeedo ciidammada Itoobiya ee Jimcihii dadka ku laayey magaalada Buuhoodle. Dadweyne u badan dhallinyaro iyo haween ayaa jidadka Laascaanood ka sameeyey mudaharaadyo, haseyeeshee booliska ayaa kala dareeriyey oo kala eryey dadka mudaharaadayey.
Duqa magaalada Laascaanood ayaa Jamhuuriya u sheegay in aan mudaharaakaasi ahayn mid weyn, balse ahaa mid lagaga xun yahay wixii ka dhacay Buuhoodle, sidaa darteedna ay ciidanka amnigu kala dareeriyeen markiiba, haddana xaaladdu wanaagsan tahay.
Maayarku waxa uu intaa ku daray in qaar ka mid ah dadka rabshadaha sameeyey ay boolisku qabteen oo xabsiga u taxaabeen.
Dhinaca kale, degmada Buuhoodle oo maalintii Jimcihii dagaal ku dhexmaray ciidamo Itoobiyaan ah iyo dadweynaha degaankaas, ayaa hadda xasilloon oo aan wax dambe ka dhicin, inkastoo dadweynuhu ka qaxeen magaaladaas iyagoo cabsi ka qaba dagaal markale qarxa.
Wararku waxay intaa ku darayaan in odayaasha dhaqanka ee reer Buuhoodle wadahadal la sameeyeen ciidammada Itoobiya ku sugan degaankaas, waxaanay labada dhinac isla qaateen in xaaladda la dejiyo, nabadgelyada deegaankana laga wada shaqeeyo.
Odayaasha degaanka iyo ciidammada Itoobiyaanka ee ku sugan Buuhoodle, ayaa la sheegay in ay isku afgarteen in aan dagaal dambe ka dhicin magaaladaas, isla markaana labada geesoodba joojiyaan tallaabo kasta oo abuuri karta isku-dhac xiisada kacsan sii huriya.
Waxa kaloo wararka ka imanaya Buuhoodle sheegayaan in ciidamo badan oo Itoobiyaan ah ay habeen hore gaadheen magaaladaas, kuwaasoo la sheegay inay ahaayeen qaar aad u hubaysan, waxase wadahadal iyo kulmo u bilaabmeen odayaasha deegaanka iyo saraakiisha Itoobiya.
Khasaaraha dhimashada iyo dhaawacyada ah ee ka dhashay dagaalkii Jimcihii ka dhacay Buuhoodle, ayaa ah mid sii kordhaya, waxaanay dhibaatooyin culus ka soo gaadheen dadka degaankaas, halka dhinaca ciidanka Itoobiyana dhimasho iyo dhaawacba soo gaadhay.
Arrimaha ka dhacaya deegaamada Buuhoodle iyo Sool, ayaanay ilaa hadda ka hadlin xukuumadda Somaliland, wax war ahna ka soo saarin, waxaanay ku soo beegmaysaa wakhti ay Somaliland u diyaar-garoobayso qabsoomidda doorashooyinka loogu tartamayo madaxtooyada oo loo cayimay inay dhacaan 26ka June ee foodda innagu soo haysa.
Jamhuuriya Online
Re: Jamhuriya
Posted: Tue May 25, 2010 2:26 am
by SahanGalbeed
It is very clear , we're getting ready for our elections , we've cancelled the May 18th festivities and the June 26th for that exact reason , it is NOT in our interest to provoke or settle scores with anyone at this point {nor has it ever been}, however we will take care of business insha Allah if need be

Allahu Akbar !