SDWO (Norway 23/05/2010)Xafladan oo aay ka soo qaaybgaleen dadka reer Somaliland eek u dhaqan wadankan Norway waxaana soo abaabulay Wakiilka Somaliland ee Norway iyo Jaaliyadda oo iskaashanayay

Xafladan oo bilaabantay abaarihii saacadu markaay ahaayd 7dii fiidnimo waxaana goobta aay xafladu ka dhaceeysay buuxdhaafiyay dadkii ka soo qaaybgalay oo watay calamad koofiyadaha aay ku xardhanyihiin calanka Somaliland,waxaa goobta lagu soo bandhigay cayaaraha dhaqanka iyo hidaha oo aay mathalayeen dhalinyaradda dayarta ah ee reer Oslo

Waxa xidhiidhinayay si wada jira Saciid maxamed amiin iyo Bshe yare oo labaduba ahaa qabanqaabiyaashii sanadkan ,waxaa xusid mudan in aay ka soo qaaybgaleen odayada Jaaliyadda somaliyeed oo si aan hore loo arag u soo buuxdhaafiyay


Waxaa goobtaasi ka hadlay Madaxda Safaarafa iyo gudoomiye ku xigeenka Jaaliyadda Mudane Mohamed Aden Linen iyo Cbdirahmaan Maraaci.
Waxaa kaloo goobta ka hadlay Mujaahid Cali oo isagu ka sheekeeyay halgankii lagu xoreeyay dalka si qiiro ku jirtana loogu sacab tumay.

Waxaa kaloo xusid mudan in aay Shirkada Qaran shahaadooyin Gudoonsiiyeen Dad badan oo wax qabad ku mutaaystay oo aanan magacyadooda halkan ku soo koobi kareeynin.

Hadaba waxaa dhinac socday xaflada cunto fudud oo goobta lagu iibinayay oo loogu talo galay qaadhaan ururinta mashruuca Hargeisa Stadium lagu dhigi doono rooga cawska ah iyadoo dadkii goobta fadhiyayna aay si wanaagsan uga qaaybgaleen hawshaasi qaadhaan ururinta ahaayd.


