Masruuca Horumarinta iyo Dhismaha Dekeda Maydh

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
AsadSL
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2899
Joined: Sun Mar 21, 2010 2:31 am
Location: Oodweyne

Masruuca Horumarinta iyo Dhismaha Dekeda Maydh

Post by AsadSL »

Waxaa ka dhacay magaalada Calgary shir balaadhan oo ay isugu yimaadeen Wasiirkii hore ee Duulista iyo Gaadiidka Cirka, Mudane Maxamed Cabdi Xuseen (Ina Cabdi-Dheere) oo socdaal shaqo beryahan ku marayay gobollda Canada, Maamulaha Shirkada Dhismaha ee Kaah Construction & Real Estate Company Mudane Ibrahim Kaahin Ahmed;Wakiilka Shirkada Dahabshiil ee Calgary Mudane Yusuf Jama, Madaxa Jaaliyada S/Lanad ee Calgary, Mudane Khadar Aden “Barbaraawi”, aqoonyahano, ganacsato, odayaal iyo waxgarad kale oo badan.

Shirkaas oo ka socday February 21-22 Huteelka Days Inn ee magaaladan Calgary, ayaa waxaa lagaga wada hadlay arimo la xidhiidha sidii loo hourmarin lahaa loona maalgashan lahaa gobollada dalka.
Ugu horeyn waxaa shirka warbixin guud ka siiyay oo hadal dheer halkaa ka jeediyay Mudane Maxamed Cabdi Xuseen kana waramay xaalada uu hada dalku ku jiro dhaqaalaha hoos u dhacay, shaqo la’aanta doorashooyinka fooda inagu soo haya iyo sida loogu baahanyahay dadka qurbajooga ahi in ay ka qayb qaataan maalgashiga, siyaasada, talada, waxtarka iyo hogaaminta dalkooda oo aanay ku eegin oo qudha dadka dhulkii jooga iyo maamulkan hada dalka hogaamiya.

Waxa kale oo uu ka hadlay baahida guud ahaan dalka ka taagan ee u baahan in wax laga qabto kolka ay noqoto buu yidhi shaqo la’aanta, waxbarashada, caafimaadka, dhaqaalaha, iyo tayaynta kaabaha dhaqaalaha ee ay ka mid yihiin biyaha, wadooyinka, madaarada, ilaalinta deegaanka iyo dekedaha.

Waxa kale oo uu ka hadlay Mudane Maxamed Cabdi-Dheere, baahida loo qabo in la dhiso jidka Hargeysa – Burco iyo Burco – Ceerigaabo iyo baahida xoogan ee ay gobollada barigu u qabaan in loo hawl galo sidii loo dhisi lahaa Dekeda Maydh oo ku tilmaamay in ay wax badan ka tari doonto gaar ahaan horumarinta dhaqaale, ganacsi iyo shaqo ee gobollada Bariga iyo guud ahaanba dalka Somaliland.

Waxa kale oo Wasiirkii hore ee Gaadiidka Cirka iyo Duulista Hawadu, Mudane Maxamed Cabdi-Dheere tilmaamay in ay hawlahan horumarinta kaabaha dhaqaalaha ay tahay hawl u taalay mudo badan xukuumada Riyaale oo ay ahayd in ay wax ka qabtaan iyagoo buu yidhi Xukuumadu balamo badan u qaaday gobollada Bari iyo Galbeedba in ay wax ka qabanayso arimahan la xidhiidha horumarinta iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha, hase yeeshee buu yidhi ay ku guuldaraysteen fulinteeda. “Waxa dadka la gudboon gudo iyo dibedba in aynu gacmaha isqabsadaan waxna wada qabsadaan oo aynu gacanteena, aqoonteena iyo maalkeena ku dhisano dhulkeena uguna horeysiinaa Dekeda Maydh iyo jidka Ceerigaabo-Buro” sidaa waxaa hadalkiisii ku soo gunaanaday Wasiirkii hore ee Gaadiidka Cirka iyo Duulista Hawadu, Mudane Maxamed Cabdi-Dheere.

Maamulaha Shirkada Dhismaha ee Kaah Construction & Real Estate Company Mudane Ibrahim Kaahin Ahmed ayaa isaguna halkaa ka sheegay in ay shirkadda KAAH oo ka howlgasha dhamaan gobalada Somaliland kana qaybqaadata mashaaricda wadanka laga hirgeliyo ay si baaxdale uga qaybgeli doonto Mashruuca Horumarinta ee Dhismaha Dekeda Maydh.
Waxa kale oo iyana halkaa ka hadlay aqoonyahano, odayaal iyo ganacsato ay ka midyihiin Mdne Saleebaan Yaasiin Weyrah, Maxamed Ahmed Wacays, Axmed Cali Cismaan, Yusuf Jama, Khadar Aden “Barbaraawi”, Maxamuud Iidan, Cabdillahi Egeh “Wayrah”, Cabdillahi Cali Dankeli, kuwaas oo dhammaantood sheegay in ay lagama maarmaan tahay in loo hawlgalo sidii loo dhisi lahaa dekdeda Maydh.

Waxa gabagabdii uu shirku isla gartay oo laysla qaatat in:

La dhiso Shirkad lagu magacaabo “Maydh Port Development Project Inc.”
La magacaabo gudo soo diyaarisa hawgelinta shirkada
Lala xidhiisho dadka aqoonta u leh dhismaha dekedaha
La soo sameeyo Daraasad mug leh “Feasibility study”, lana hawl geliyo dad aqoon u leh cilmiga dekedaha
Laga qayb geliyo dhammaan dadka danaynaya in la hirgeliyo mashruucan
Dawlada Somaliland lagula xisaabtamo waxqabadkeeda laguna dirqiyo in ay oofiyaan ballanqaadyadii ay hore ula galeen gobollada, laguna halayn horumarinta kaabaha dhaqaalaha ee abuuraya shaqada iyo habsami u socodaka ganacsiga iyo kobcinta dhaqaalaha
In Kharashka ku baxaya daraasada iyo sahaminyta hore (Feasibility Study) ay iaka kaashadaan reer Calgary iyo Mudane Maxamed Cabdi Xuseen.
User avatar
udun
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9018
Joined: Sat Apr 03, 2010 12:11 pm

Re: Masruuca Horumarinta iyo Dhismaha Dekeda Maydh

Post by udun »

Ma qoladii HY baa deked dhisanaysa, dhista, taayaduna waa ku xigtaaye. Haddii HY deked ku toosto anagana maxaa noo diiday? Horta tii HJ xagay ku danbaysay?

War armay kuwo lacag idinkaga uruirsanayaan beryahan racket fara badan baa jiraye.

Maydh is very close to my home towns so it would be great if you guys build this port. We are also waiting for the opening of the Laas Qoray port. Inshallah every thing will be fine. My thinking here is pure economic sense.
Goljano Lion
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15340
Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm

Re: Masruuca Horumarinta iyo Dhismaha Dekeda Maydh

Post by Goljano Lion »

udun wrote:Ma qoladii HY baa deked dhisanaysa, dhista, taayaduna waa ku xigtaaye. Haddii HY deked ku toosto anagana maxaa noo diiday? Horta tii HJ xagay ku danbaysay?

War armay kuwo lacag idinkaga uruirsanayaan beryahan racket fara badan baa jiraye.

Maydh is very close to my home towns so it would be great if you guys build this port. We are also waiting for the opening of the Laas Qoray port. Inshallah every thing will be fine. My thinking here is pure economic sense.
:lol: i thought you guys were landlocked, goormaad yelateen Port? mise waa des histoires bla bla
User avatar
AsadSL
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2899
Joined: Sun Mar 21, 2010 2:31 am
Location: Oodweyne

Re: Masruuca Horumarinta iyo Dhismaha Dekeda Maydh

Post by AsadSL »

It would look neat if all town buildings and homes were painted white to give it that coastal exotic look. :up:
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Masruuca Horumarinta iyo Dhismaha Dekeda Maydh

Post by Siciid85 »

udun, I agree this port is benefitable to all of eastern somaliland regions in terms of economics & trade inshallah, :sland: although since when was your hometown near maydh are you talking about jidaali?
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”