Gaboye iyo dareenkooda siyaasadeed

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
SahanGalbeed
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19032
Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
Location: Arabsiyo ,Somaliland

Gaboye iyo dareenkooda siyaasadeed

Post by SahanGalbeed »

Beesha Muuse Dhariyo oo soo Xulay Guddi u Kuurgali Doona Xisbiga Codkooda Siin Lahaayeen

Hargeysa (Jam)- Beesha Muuse Dheeriyo oo ka mid ah beelaha laga tirada badan yahay ee Gabooye, ayaa guddi cusub u saaray sahaminta midka beeshoodu codka siinaynayso saddexda xisbi qaran ee ku tartamaya doorashada Madaxtooyada Somaliland ee la filayo inay dalka ka qabsoonto 26ka June 2010.


Sidaa waxay ka sheegeen xaflad ay shalay ku qabteen hudheelka Hadhwanaag magaalada Hargeysa oo ay ka qaybgaleen suldaanka beesha Muuse Dheriyo, xubnaha guddiga cusub iyo boqolaal ka mid ah aqoon yahanada, waxgaradka, haweenka iyo dhallinyarada beeshaas.


Ugu horreyn waxa munaasibaddaasi ka hadlay suldaanka guud ee beesha Muuse Dhariyo Suldaan Naasir Suldaan Cabdi Ismaaciil, waxa inuu sheegay in uu si weyn ugu faraxsan yahay qaybgalka dhallinyarada iyo aqoonyahanka beesha oo ka tashaday aayaha iyo masiirka beeshooda sidii ay uga midho-dhalin lahaayeen.


Waxa uu si weyn u ammaanay dhallinyarada ay maskaxdooda ka soo maaxatay inay fikirkooda mideeyaan, guddina u saraan u sahamisa beeshooda xisbigii ay codkooda siin lahaayeen, waxaannu ugu baaqay guddo iyo dibadba beesha Muuse Dhariyo inay tageeraan guddigaas cusub makas iyo maalna ku daraan, isagoo intaa ku daray inuu guddiga taageeradiisa la garab istaagi doono maamulka, beeshana u dayn doono xisbigii ay u donaana ay codkooda siin doonaan.


Waxa kale oo halkaa ka hadlay guddoomiyaha guddiga cusub ee beeshu samaysatay Foosi Maxamed Cali, waxaannu sheegay in hawsha loo doortay tahay inay beesha u soo qiimeeyaan una soo doraan xisbiga ay Somaliland iyo iyaguba ka helayaan waxay u doorteen, waxaannu intaa ku daray inay ka midho-dhalin doonaan hadafka beesha.


Oday Daahir Faarax Qayre ayaa isaguna tilmaamay in magaca Gabooyo noqday shaadh cid waliba gashato guddidanina noqon doonto mid ay kaga duwanaadan Gabooyaha intiisa kale, waxaannu beesha ku ammaanay in ay yihiin beel suldaan leh keliya oo ay ku kalsoon yihiin.


Waxa isna ugu danbayntii halkaa ka hadlay Rashiid Cabdi Xuseen oo faahfaahin ka bixiyey in guddigani ku timi shir ay beeshu kaga tashatay aayahooda, talada beesha Muuse Dhariyana guddoomin doonto guddigaasi, waxaannu uga digay xisbiyada qaranka shakhsiyaad u sheegay inay ku maxaafsadaan magaca beesha, kuwaas oo uu ku sheegay in aannay waxba ka jirin waxa iyaguna halkaa ka hadlay haween iyo dhallinyaro dhamaantood sheega in ay taageeri doonaan xisbiga ay gudigaasi soo dooraan.




:up: niman tashanaya weeye
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”