Page 1 of 1

SSC sympathizer and TFG official jailed in Bossaso

Posted: Sat May 29, 2010 8:45 pm
by InaKhalif
C/laahi Maxamed Axmed (Dhagadheere)
Garowe (RBC Radio) Ciidanka amaanka Magaalada Boosaaso ayaa xabsiga dhigay agaasimihii laanta socdaalka iyo jinsiyadaha ee DKMG Soomaaliya ugu qaabilsanaa Gobolka Bari C/laahi Maxamed Axmed (Dhagadheere), sida ay noo xaqiijiyeen eheladiisa.
Agaasimaha Xafiiska laanta socdaalka iyo jinsiyadaha ee DKMG ay ku leedahay magaalada Boosaaso C/laahi Maxamed Axmed (Dhagadheere) waxaa laga soo qabtay xafiiskiisa maalintii shaley xilli uu ka soo rawaxay shaqada abaare 12:00 duhurnimo. Waxaana sida ay ku warameen xubno eheladiisa la geeyey xarunta taliska booliska ee Boosaaso halkaasi oo su’aalo lagu weydiiyey.
Saraakiisha booliska kama aysan hadlin xariga sarkaalkan madaxda ka ahaa xafiiskii laabta socdaalka ee dowlada Soomaaliya uga furnaa magaalada Boosaaso. Sidoo kale RBC oo isku dayday inay taliska booliska wax ka weydiiso ayaan noo suuragalin.
Hase yeeshee ilo wareed ka mid ah ehelada sarkaalkan oo RBC u waramay ayaa sheegay in xariga C/laahi Maxamed Axmed (Dhagadheere) uu la xiriiro amar uu dhawaan soo saaray madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen C/samed Cali Shire oo la xiriiray in la qabto dhamaan shakhsiyaadka loo arko inay taageeryaan dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee ka jira degaanada SSC (Sool, Sanaag iyo Ceyn). Il wareedkaasi ka tirsan ehelada C/laahi Maxamed Axmed (Dhagadheere) ayaa beeniyey inuu wax dembi ah galay iyagoo ku dooday in masuulkaasi loo heysto maadaama uu xiriiro la sameeyo si joogto ah siyaasiyiin reer SSC ah oo ka tirsan maamulka cusub ee la doonayo in laga hirgaliyo degaanada SSC.

http://www.raxanreeb.com/?p=51067
http://www.sonna.net/content/agaasimihi ... oo-baxday-

Re: SSC sympathizer and TFG official jailed in Bossaso

Posted: Sat May 29, 2010 9:14 pm
by qardasay
.

Re: SSC sympathizer and TFG official jailed in Bossaso

Posted: Sat May 29, 2010 11:07 pm
by udun
qardasay wrote:.
:lol: :lol: