Hargeysa: Xisbiga UCID Oo Xafiis Muhiim Ah Ka Furtay Badhtam

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Hargeysa: Xisbiga UCID Oo Xafiis Muhiim Ah Ka Furtay Badhtam

Post by Siciid85 »

Hargeysa: Xisbiga UCID Oo Xafiis Muhiim Ah Ka Furtay Badhtamaha Suuqa Waaheen Ee Magaalada Hargeysa + SAWIRO

Hargeysa (Oodweynenews)- Xisbiga mucaaradka ah ee UCID, ayaa saaka xafiis muhiim ah ka furtay badhtamaha suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa, kaas oo qayb weyn ka qaadan doona hawlaha ololaha doorashada ee maalmaha yari ka hadhsan yihiin.

Image

Xafiiskan oo uu xadhiga ka jaray Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali, waxa furitaankiisii ka soo qayb-galay masuuliyiin sar-sare oo ay ka mid ahaayeen, Gudoomiye ku xigeenka koobaan Aadam Mire Waqaf, Xoghayaha xidhidhka Bulshada C/nasir iyo Xoghayaha Maamulka iyo Qorshaynta Maxamed Xasan Dirir, gudoomiye ku xigeenka labaad fagfagaash, madax kale iyo taageerayaal fara badan.

Image

Gudoomiyaha xisbiga oo halkaas dadka kala hadlay, ayaa si weyn uga mahac-celiyey sida ay isugu xil-qaameen u hawl-gelida Xafiiska, isaga oo ku adkeeyay inay dadaal iyo karti badan muujiyaan marka la gaadhoi wakhtiga ololaha doorashada.

Image

Waxa kale oo uu Gudoomiyuhu sheegay in xisbiga UCID uu yahay ka keliya ee ka damqanaya mashaakilaadka kala duwan ee dalka iyo dadka haysta, isaga oo ugu ballan-qaaday haddii ay ku guulaystaan talada dalka inay si hagar la’aan ah ugu gudu doonaan abaalkooda.

Image


Waxa kale oo uu dadweynaha ku booriyey inay is-garab taagaan oo ay codkooda siiyaan xisbiga Cadddlada iyo daryeelka ee UCID, oo uu ku sifeeyey xisbi awood iyo karti u leh inuu Somaliland ka saaro dhibaatooyinka kala duwan ee haysta.

Image

Image

Image

Oodweynenews.com/Hargeysa Office
User avatar
Somalistan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4778
Joined: Sat Sep 15, 2007 10:24 am
Location: Oodwayne, Togdheer,Somaliland

Re: Hargeysa: Xisbiga UCID Oo Xafiis Muhiim Ah Ka Furtay Bad

Post by Somalistan »

:up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”