Xisbiga UCID oo taageerayaal ka soo digo rogtay xisbiyada UD
Posted: Wed Jun 02, 2010 8:00 am
Borama: Xisbiga UCID oo taageerayaal ka soo digo rogtay xisbiyada UDUB iyo kulmiye soo dhaweyn u sameeyay
(Hadhwanaagnews) Tuesday, June 01, 2010
Boorama (HWN) Magaalada Borama ee xarunta gobalka Awdal waxaa ka dhacay galabta xaflad si weyn loogu soo qeyb galay oo lagu soo dhaweynayay taageerayaal kasoo baxay xisbiyada Udub iyo Kulmiye kuna soo biirtay xisbiga Cadaalada & Daryeelka ee UCID.
Xafladaan ayaa waxaa kasoo qeyb galay Musharaxa Madaxweyne Ku xigeenka UCID Maxamed-rashiid Sheekh Xasan iyo Afhayeenka Xisbiag Codyare iyo taageerayaal badan oo xisbiga kusoo biirtay.
Taageerayaashaan oo gaarayay boqolaal una badnaa Gabdho ayaa sheegay inay go’aansadeen kusoo biirida xisbiga UCID iyagoo sheegay inay Ucid u arkeen inuu yahay xisbi horumar u keeni karaya shacabka Somaliland.
Afhayeenka guud ee xisbiga UCID Mudane Cod-yare ayaa ka hadlay xafladaan lagu soo dhaweynayay taageerayaasha kusoo biirtay xisbigooda, waxuuna sheegay inuu aad ugu faraxsanahay tiro intaan la ek oo kasoo baxay xisbiya Udub iyo Kulmiye inay kusoo biireen xisbigooda UCID.
Afhayeenka waxuu sheegay hadii Xisbiga UCID ku guuleysto doorashada madaxtinimo ee Somaliland inuu dhisi doono oo waddo laami ah ka dhigi doono jidka isku xidha Boorama ilaa Djibouti, taasoo sacab badan kala kulmay taageerayasha cusub ee xisbigooda kusoo biirtay.
Ugu dambeyntii, xaflada waxaa ka hadlay Musharaxa M/weyne Ku xigeenka UCID Maxamed Rashiid Sheekh Xasan waxuuna sheegay inay xisbigooda ka go’an tahay horumarka Somaliland, isagoo sheegay in Buuga ay soo saareen laga heli karayo waxqabadkooda mustaqbalka hadii ay hantaan madaxtinimada Somaliland.
Waxuu sheegay inuu xisbigooda yahay xisbiga Dhalinyarada isla markaana inta badan dhalinta Somaliland taageersan yihiin xisbiga UCID.
Muddooyinkaa waxaa soo badanayay taageerayaasha loo garanayo kuwa guur-guura oo marba taga xisbi taasoo aan la ogeyn halka ay saldhigan doonaan, waloow maalin kaliya naga xigto xiliga ay bilaabanayaan ololaha doorashooyinka oo xisbi walba goobo fagaaro ah shacabka ugu soo bandhigayo waxqabadkiisa uu ku guuleysto talada dalka Somaliland.
Abdifitah Ahmed
Borama, Somaliland
http://hadhwanaag.com/detail.asp?id=14012