Former UDUB&Kulmiye supporters defect to UCID Party

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Former UDUB&Kulmiye supporters defect to UCID Party

Post by Siciid85 »

Masuuliyiin Iyo Taagrayaal Ka Tirsanaa Labada Xisbiga UDUB Iyo KULMIYE Oo Si Wada-jir Ah Ugu Soo Biiray Xisbiga UCID


Hargeysa (Oodweynenews)- Xisbiga caddaalada iyo daryeelka ee UCID, ayaa maanta xaflad ballaadhan oo soo dhawayn ah u sameeyey masuuliyiin iyo taageerayaal ka tirsanaa xisbiga UDUB oo ka soo jeeda Degmada Xaaji Saalax iyo Khaatumo oo ka tirsan Gobolka Daad-madheedh [Oodweyne] iyo weliba masuuliyiin iyo taagerayaal kale oo ka soo baxay KULMIYE.


Xafladan oo lagu qabtay hotel International ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka soo qayb-galay Gudoomiyaha ololaha doorashada ee xisbiga ee UCID Saleebaan Daahir, Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, Xoghayaha waraafinta ee xisbiga Kaysar Cabdilaahi, masuulitiinta iyo taageerayaasha ku soo biray xisbiga.

Gudoomiyaha ololaha doorashada ee xisbiga UCID Saleebaan Daahir [Dogox], oo halkaas ka hadlay ayaa si weyn u soo dhaweeyey masuulyiinta iyo taageerashaasha ku soo biiray xisbiga UCID ee ka soo diga-rogtay labada xisbi ee UDUB iyo KULMIYE.



“Walaalayaal waxa aanu idinku soo dhawaynaynaa xisbiga caddaalada iyo daryeelka ee UCID, waad ku mahadsan tihiin-na sida fiican ee aad taageeradiina ugu soo wareejiseen xisbiga UCID, oo runtii ah xisbiga keliya ee waddanka isbedel ka dhalin karaya.” Ayuu yidhi Saleebaan Daahir.

Waxaana uu intaas raaciyey oo uu yidhi “Waxaa ina sugaysa doorashadii 26-ka June oo 17 cisho oo keliya ayaa inaga xigta, waxaa la idinka baahan yahay inaad codkiina ku badaadisaan Somaliland, oo aad u codaysaan xisbiga caddaalada iyo daryeelka ee UCID oo ah ka keliya ee Somaliland ka saarikaraya dhibaatooyinka darran ee haysta.”



Mar uu ka hadlayay xibsbiga KULMIYE waxa uu yidhi “Xisbiga KULMIYE waxa aanu leenahay iska nasta wakhtigiinii waad soo qaadateen oo dhalinyarada u banneeya, si kale ku bannanyn maayaane waxa u kaxaynaynaa codkeena inaynu u adeegsano oo weliba dhalinyaradu ay awood isticmaasho.”

Waxa uu ku dhawaaqay inay xisbi ahaan ballan-qaadayaan inay waddanka ku xukumi doonaan shareecada islaamka haddii ay doorashada ku guulaystaan, isla markaana inay wax badan ka bedeli doonaan kaanasha caafimaadka, waxbarashada iyo adeegyada bulshada.



Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland oo isna halkaas hadlay, ayaa kooxahaas ku soo biray xbisbiga UCID ku bogaadiyey go’aanka geesinamada leh ee la xidhiidha inay ku soo biiraan xisbiga UCID.



Waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi “Ummada reer Somaliland ilaahay waxa uu waafajiyey xaqii oo waxa ay meesha ay dantu ugu jirto iyo cidda aahayahooda ka talinaysa, oo waxa ay ku soo biirayaan xisbiga UCD.”



Waxaana uu intaas ku ladhay oo uu yidhi “Waxaa marag madoon ah in laga wada dheregsan yahay xisbiga UDUB wax qabad la’aantiisa,”



Waxa uu sheegay Xildhibaan Buubaa in xukuumada Rayaale ku guul-daraysatay inay waddanka ka saarto dhibaatooyinka haysta, isla markaana ay imika doonayo in la doorto.



Waxa uu Komishanka doorashooyinka u soo jeediyey in lattaalo anshax-marin ah laga qaado xisbiga UDUB, TV-ga Qaranka iyo Radio Hargeysa oo uu sheegay inay ku xad-gudbeen xeerkii anshaxa doorashooyinka ee uu soo saaray Komishanka doorashooyinka Qaranka.



Masuuliyiinta kale ee xisbiga UCID ka tirsan ee iyaguna halkaas ka hadlay, oo ay ka mid ahaayeen Kaysar Cabdilaahi oo ah xoghaya warfaafinta ee xisbiga UCID, Pof. Siciid Sheekh Maxamed iyo Xuseen Badmaax oo dhamaantood hoosta ku amaanay musuuliyiinta iyo taageerashaasa ku soo biray xisbiga UCID, iyaga hoosta ka xariiqay in xisbiga UCID yahay xisbiga keliya ee Somaliland ka saari karaya dhibaata ku geedaaman.





Axmed Caydiid Jaamac oo ahaa Gudoomiyihii degmada Khaatumo ee xisbiga UDUB, ayaa sheegay inuu iska casilay xilkii uu ka hayay xisbiga UDUB, isla markaana uu si toos ah ugu soo biiray xisbiga UCID.



Waxaana uu sheegay inuu go’aankaas qaatay ka dib markii ay ku hungoobeen xisbiga UBUD, oo uu ku tilmaamay in aanu waddanka wax horumar ah u soo waddin.




Waxa iguna halkaas ka hadlay Xasan Maxamed Geele, Xasan Haliil, Farduus dhego-weel oo isugu jiray masuuliyiinta ka soo baxay labada xisbi ee UDUB iyo KUMLIYE, ayaa xusay inay taageeradooda iyo wax-tarkoodaba ku biirinayaan xisbiga UCID, isla markaana ay hiil iyo hoo-ba isla garab taagayaan.



Oodweynews.com/Hargeysa Office

Pictures.


http://oodweynenews.com/display_page.ph ... leid=19120
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Former UDUB&Kulmiye supporters defect to UCID Party

Post by Siciid85 »

UCID :up: :sland:
Last edited by Siciid85 on Wed Jun 09, 2010 1:33 pm, edited 1 time in total.
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Former UDUB&Kulmiye supporters defect to UCID Party

Post by The_Emperior5 »

sicid do you fully support now faisal cali waraabe ?
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Former UDUB&Kulmiye supporters defect to UCID Party

Post by Siciid85 »

Yes overall i support UCID not just one man. :sland:
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Former UDUB&Kulmiye supporters defect to UCID Party

Post by The_Emperior5 »

Siciid85 wrote:Yes overall i support UCID not just one man. :sland:

But u said few weeks Back faisal is not Capable of leading ucid?
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Former UDUB&Kulmiye supporters defect to UCID Party

Post by Siciid85 »

Dude that was months ago and before the olololaha dooraashada started but seening the support he has from the public, the women, youth, elderly etc i have taken back my original stand and i believe he is capable of leading the party to victory alongside Proffesor Abdirashiid - Vice president. :sland:
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Former UDUB&Kulmiye supporters defect to UCID Party

Post by The_Emperior5 »

Siciid85 wrote:Dude that was before the olololaha dooraashada started but seening the support he has from th public i have taken back my original stand and i believe he is capable of leading the party to victory alongside Proffesor Abdirashiid - Vice president. :sland:
waan gartay so it was the ololaha doorashada that made u see faisal is capable of leading the country
Faisal it is :up:
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Former UDUB&Kulmiye supporters defect to UCID Party

Post by Siciid85 »

Emperior, Faisal is young, energetic and seems fit for the job. :sland: :up:
User avatar
Cali_Gaab
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14013
Joined: Wed Oct 17, 2007 8:50 pm
Location: Sleeping next to my life's cottage

Re: Former UDUB&Kulmiye supporters defect to UCID Party

Post by Cali_Gaab »

Siciid naga dhaaf beenta hadaba, you couldn't name me 5 members of the UCID party other than Faisal Waraabe the other day. So much for you supporting 'the party' rather than the individual.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”