
Hargeysa (Oodweynenews)- Tan iyo markii Gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi [Ciro] oo ka mid ah asaasayaashii xisbiga UCID uu ugu baaqay guud ahaan taageerayaasha niyad-jabku ku dhacay ee xisbiga UDUB inay iska dhiibaan xafiisyada UCID ee ugu dhaw, ayaa waxa bilaabantay in labadan maalmood ee ugu damabeeyey in masuuliyiin toban gaadhaysa iyo taageerashoodiiba oo xisbiga UDUB ka tirsanaa inay si is-daba-joog ah ugu soo biirayaan xisbiga caddaalada iyo daryeelka ee UCID.
Masuuliyiintan iyo Taageerayaashooda wehelinayay ee ka tirsanaa xisbiga talada haya ee UDUB, waxa ruxay oo saamayn xoogan ku yeeshay baaqii gudoomiyaha Wakiiladu isu-soo-bixii ugu dambeeyey ee xisbiga UCID ee Salaadasadii doraad ka jeediyey fagaaraha beerta xoriyada, oo ay isugu yimaadeen taageerayaal aad u fara badan oo ka tirsan xisbiga UCID.
Baaqa uu Gudoomiyuhu u soo jeediyey taageerayaasha xisbiga UDUB, ayaa waxa uu u dhignaa sidan “Walaalayaal waxaan idiin sheegi doonaa qiso dhacday taariikhdii dhawayd ee aynu noolayn. Waxaad ka war-qabtaan berigii keligii taliyihii Maxamed Siyaad Bare uu dalka ka cararay iyo qasrigii uu degenaa, iyada oo ay boqol Taangi dhex-yaalaan, ayaa siyaasi reer Somaliland ah oo noqday Raysal Wasaare oo ah ruug-caddaa siyaasi ah ‘Muddane Cumar Carte Qaalib,’ waxa uu ka hadlay Radio Muqdisho, waxa uu yidhi ‘Ciidamada dawlada Soomaliya mid waliba ha isu dhiibo ciidamada SNM ee ugu dhaw.’Hadaba, aniguna waxa aan maanta [doraad] u soo jeedinayaa Taareerayaasha xisbiga UBUD meel kasta oo ay jogaan inay isu dhiibaan xafiiska UCID ee ugu dhaw.” Ayuu yidhi Md. Cirro
Baaqan uu Gudoomiye Cirro u soo jeediyey taageerayaasha xisbiga UDUB, ayaa markiiba saanayn weyn ku yeeshay taageerayaasha UDUB ee sida caga-jiidka ah uga qayb-qaadanaya isu-soo-baxyada ololeyaasha doorashada ee xisbigoodu ka samaynayo gobolada Somaliland, kuwaas qanac ka taagan xisbiga ay taageersan yihiin ee muddada sideeda sannadood ah dalka ka soo talinayay.
Xisbiga UCID ayaa xafladii ugu horaysay ee masuuliyiinta iyo taageerasha ka soo bixaya UDUB shalay ugu qabtay Hotel International ee magaalada Hargeysa, halkaas oo masuuliyiintii UDUB u qaabilsanaa degmooyinka Xaaji Saalax iyo Raydab-khaatumo oo ka tirsan Gobolka Daad-madheedh [Oodweyne] ay shaaciyeen inay si rasmi ah isaga casileen xilalal heer degmo ee ay u hayeen xisbiga UDUB, isla markaana wixii hadda ka dambeeya iyaga taageerashodii-ba inay ku soo biireen xisbiga UCID.
Sidaas oo kale, ayaa masuuliyiinta xisbiga UDUB ee Xaafada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa waxa xalay shaaciyeen inay dhamaantood iska casileen xilalkii ay ka hayeen xisbiga UDUB, isla markaana inay si qumaati ah ugu biireen xisbiga UCID, iyaga oo sheegey inay ku hungoobeen xisbigaas ay ka tirsanaayeen, isla markaana uu ku fashilmay masuuliyadii waddanka.
Isku soo wada-duuboo, xisbiga UCID ayaa halgan weyn ugu jira sidii kasban lahaa isla markaana uu u meelayn lahaa taageerayashaa ka soo hayaamaya xisbiga UDUB.
UCID Media
Hargeysa/Somaliland