
London (OWN)- Maxkamad kutaala magaalada London ayaa shalay ku xukuntay Abdul Khan, xabsi daa’in kadib markii lagu helay dambi ah inuu tooreey ku dilay wiil uu dhalay Raiisal wasaarihii hore ee Soomaaliya; Maxamed Xawaadle Madar.
Marxuumka Kuul Maxamed Xawaadle ayaa waqtiga la dilayay waxa uu gaarigiisa shidaal kaga shubanayay goob shidaal oo kutaala waqooyi galbeed London waxa uuna u socday inuu bad baadiyo saaxiibkiis oo ay tuugo weerartay, Xaakimka dacwada dhagaysanayay ayaa sheegay in Abdul Khan; 19 jir ah soo galooti kayimid wadanka Afghanistan inuu mindi wadnaha ka galiyay Kuul Maxamed Xawaadle oo 20 jir ahaa kaasi oo dhaawacii toorida u dhintay 19/02/2009.
Marxuum Kuul Maxamed Xawaadle
Wakhtigaas uu falka dhacayay ayaa waxaa marxuunka la socday saaxiibkiis; Abdiwahab Guile doo isagaba toori laga galiyay barida, Marxuumka ayaa ahaa arday Collage, waxaana dambiile Abdul Khan oo xabsiga ku jiri doonaa ugu yaraan 21 sano.
Oodweynenews.com/London Office
http://oodweynenews.com/display_page.ph ... leid=19188